Wasaaradda Waxbarashada Oo Anshax Marinaysa Macallimiin Been Ka Sheegay Masuuliyiinta Wasaaradda

0
1

“Inkasta Oo Ay Beentu Xaaraan Tahay, Haddana Adigoo Macallin Ah Oo Ubad Lagugu Aaminay Aad Been Sheegtaa, Runtii Annaga Ayaabay Walwal Na Galinaysaa” Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Somaliland Axmed Abokor

Hargeysa (Hubaal) Mas’uuliyiinta wasaaradda Waxbarashada iyo Saynis ee Somaliland oo khamiistii jir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay cabasho ka soo yeedhay qaar ka mid ah macallimiinta wax dhiga dugsiyada dawladda, kuwaasi oo sheegay in laga muqsuqmaasuqay lacag lagu siinayay tabobar ay iska kaashanayeen hay’ad iyo wasaaradda waxbarashada Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Somaliland Axmed Abokor oo ka hadlay ayaa yidhi; “Inkasta oo ay beentu xaaraan tahay, haddana adigoo macallin ah oo ubad lagugu aaminay aad been sheegtaa, runtii annaga ayaabay walwal na galinaysaa ka wasaarad ahaan, waalidiin badana walwal ayay ku abuurtay arrintaasi, in macallinku been qaawan la soo istaago.”

Agaasimuhu waxa uu sheegay in la anshaxmarin doono macallimiintaasi oo sida uu sheegay la marin doono xeerka wasaaraddu leedahay. “Macallimiintan anshax xumada sameeyay, wasaaraddu xeer bay leedahay, shaqaaluhuna xeer bay leeyihiin, wasaaraddu guddi anshax bay leedahay, guddidaas ayaa ka fadhiisan doonta, iyagoon lagu xadgudbayn ayaa la marin doonaa wixii sharcigu ku waajibiyo.”

Geesta kale, mas’uuliyiin isugu jirta hay’addii tabobarkaasi bixinayay iyo macalimiintii tabobarka bixinayay ayaa iyaguna geestooda sheegay, in tabashada macallimiintaasi aanay waxba ka jirin.

“hay’ad ahaan ta noo taalaa waxay weeyaan inaanu cadayno, sida macallimiintu sheegeen tabobarka lacagtii loogu talogalay ee macalimiinta, in wasaaradda aannu ku shubnay bay sheegeen. Arrintaasi waxba kama jiraan, hay’ad ahaana lacag aanu wasaaradda u shubnay oo macalimiin loogu talogalay ma jirto. Mar labaad waxa aanu cadaynaa siday sheegeen macalimiinta qaarkood, Macalinka gudaha (Hargeysa jooga) ka yimid iyo macalinka tuulooyinka ka yimid in isku hal doolar la siinayay ayay sheegeen. Annagu waxa aanu ku shaqaynaa sida wasaaraddu na amarto iyo siyaasadeeda, markaa wasaaradu waxay go’aamisay macallinka ka imanaya magaalada Hargeysa ee gurigiisa ka soo toosaya, in bas raac la siiyo, macallinka tuulada ka yimidna in waxyar oo jiif iyo cuntiisa u noqota loogu daro.” Sidaasi waxa yidhi mas’uul u hadlay hay’addii tababarka bixinayasay

SHARE
Article hore“Xukuumad Iyo Madaxweyneyaal Laguma Baddalo Facebook Iyo Whatsapp”
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here