Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Iyo Hay’adda Dhawrista Tayadda Oo Cadeeyay In Ay Baadhitaan Ku Sameeyeen Calaf Xoolo oo Muran Ka Dhashay

0
2

“Cawskani Waxaa Dalabkeedda La Nagga Qaaday Ka Hor Intii Aanay Barwaaqadu Dhicin, Waa Calaf Xooluhu Cuni Karaan Oo Aan Ahayn Sida Wararka Laga Faafiyay Lagu Sheegay”

Hargaysa (Hubaal): Wasaaradda xanaanadda xoolaha Somaliland iyo hay’adda dhawrista tayadda ee Somaliland ayaa shaaciyay in aanu sun ahayn caws dhawaan dalka la keenay oo markii lagu sheegay mid lagu dabar-goynayo xoolaha Somaliland.

Guddoomiyaha hay’adda dhawrist tayadda Somaliland iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanadda xoolaha Somaliland oo shalay si wada jira shir jaraa’id ugu qabtay Hargaysa ayaa cadeeyay in cawskaasi oo laga keenay dalka Cumaan uu yahay mid la dalbaday sanad ka hor.

Waxaanay cawskaasi ku sheegeen in uu ahaa mid loogu tallo galay in loo qaybiyo goboladda Daad-madheedh iyo Selel, isla markaana loo qaybinayay 300 oo qoys oo keliya.

Yurub Abiib Cabdi, wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanadda xoolaha Somaliland ayaa sheegtay in buushigaasi aanu ahayn mid la doonayo in lagu dabar-gooyo xoolaha Somaliland, balse uu yahay mid xili roobaadkii ka hor la dalbaday.

Waxaanay tidhi, “Cawskani waxaa la dalbaday, ka hor intii aanay barwaaqadu dhicin, ee ay abaaruhu jireen, ayaa dalabkeedda lanaga qaaday, oo aanu ogolaanay. Marka labaad waxaa cawskani loogu tallo galay in xoolaha la siiyo xiligii ay roobabku da’ayeen ee jirka lagu jiray.

3000 oo qoys ayay ahaayeen dadka reer Somaliland oo dhan ma ahayn, waxay ahayd goboladda Selel iyo gobolka Daad-madheedh, ayay 3000 ee qoys kala degan yihiin”. 

Waxa kaloo ay sheegtay wasiir ku xigeenku in cawskaasi ay baadhitaan ku sameeyeen dhakhaatiir ka tirsan wasaaradu in aanu cawskaasi sun ahayn, isla markaana uu yahay mid ay cuni karaan xooluhu.

Geesta kale guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayadda Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, ayaa isna tilmaamay  in cawskaasi qayb ka mid ahayd markii hore la qaybiyay, halka qayb kale-na ay hakiyeen.

Waxaanu yidhi, “Cawskaasi qaybna waa la qaybiyay, qaybna waa la hakiyay. baadhitaan ayaanu ku samaynay, wasaaradda beeraha dalka Jordan oo ay ka timid. Waxa kaloo aanu la xidhiidhnay rugta ganacsiga ee dalka Jordan.

Waa caws ay xooluhu cuni karaan, oo Borotiin aad iyo aad u wanaagsan leh. Aanu ahayn sida wararka laga faafiyay lagu sheegay. Waanan ogolaanay in la qaybiyo, waana la qaybinayaa”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here