Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Oo Saddex Milyan Oo Neef Ka Tallaalaysa Cudurrada Sambabka Iyo Sun-Sunka

0
77

Kooxo Dhakhaatiir Ah Oo Loo Kala Diray Gobollada Dalka

 

 

Hargeysa (Hubaal) – Wasaaradda Xanaannadda Xoolaha ee Somaliland, ayaa Gobollada Somaliland u kala dirtay Kooxo Caafimaad oo tiradoodu ka badan tahay 205 qof oo iskugu jira Dhakhaatiir, Kal-kaaliyayaal Caafimaad iyo shaqaale kale oo wasaaraddaasi ka socda, si ay cudurrada Sambabka iyo Sun-sunka uga soo talaalaan 3 Milyan oo Neef oo Xoolaha dalka guddihiisa ku nool ah.  Wasiirka Xanaannada Xoolaha Somaliland  Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ay weheliyaan Masuuliyiinta Kale ee Wasaaraddaasi iyo Dr. Khaalid oo ah Madaxa Somaliland iyo Somalia ee Hay’adda FAO u qaabilsan oo ah hay’adda maal gelisay Mashruucan, ayaa shalay gobollada dalka u kala diray 40 Gaadhi oo ay saaran yihiin 205 Dhakhaatiir iyo Kal-kaaliyayaal Caafimaad ah oo mudo 60 maalmood ah guud ahaan Xoolaha ku nool gobollada degmooyinka Somaliland u soo sameyn doona talaal wejigii 2-aad ee Cudurrada SUNSUNKA iyo SAMBABKA laga soo talaalayo, waxaannu wasiirku u mahad celiyey dhammaan Hay’addaha mashruucan taageera.  Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka warbixinayey Kooxahan Caafimaad ee ay gobollada dalka u kala direen si ay Xoolaha Somaliland cudurro uga soo taageeraan waxaanu yidhi “Waa markii 2-aad ee aanu sameyno ololaha xoolaha Caafimaadintiisa loogu baxayo guud ahaan dalka Somaliland gudihiisa oo dhan, maantana waxa halkan ka bixi doona oo aanu ku dhawaaqaynaa 205 (Laba Boqol Iyo Shan Qof ) oo iskugu jira Dhakhaatiir, Kalkaaliyayaal Caafimaad iyo Darawalo, kuwaasi oo muddo Lixdan Maalmood ah gobollada dalka ugu kala bixi doona una soo shaqayn doonaan, loona baxaayo Cudurrada Susunka Adhiga iyo Sambabka, waxaana la talaali doona 3 Milyan oo Neef oo Neef kastana oo marna cudurka  Susunka Adhiga ah, marna Furuqa ah, waxa la daaweyn doona xoolaha nool ee dalka gudihiisa jooga oo dhan kuwa xanuunka tirsanaaya si gaara waxa indhaha loogu hayaa  Hal Milyan iyo Shan Boqol oo Neef in la daaweeyo oo toos ah”  Wasiir Cukuse waxa uu inta ku daray “Waxa garab socda gaadiidka baxaya waa 40 Gaadhi, Kooxaha Caafimaadka ee la dirayaana 35 kooxood, marka laga reebo kuwa Xaruntan dhexe jooga ee xogta ururinaya, Shan iyo Sodonka Kooxood ee Caafimaad ee Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ka socda iyaga oo 40-ka Gaadhi wata ayey deegaanadda dalka oo dhan gaadhi doona si ay xoolaha aanu soo sheegnay Talaal caafimaad u soo siiyaan, Waxaana mashruucan gacan iyo taageero dhaqaale inaga siiyey oo inaga caawinaaya  Hay’adda FAO oo ah Sannadkan iyo Sannadihii horeba  hay’ad ay wasaaraddan Xannaanadda Xooluhu ku tiirsan tahay hay’ad neefkeena xoolaha ahi ku tirsan yahay oo si fiican wax inooga la qabata, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqaynaa hay’addihii sannadkii dhaweyd ee Abaaraha ka  dalbanay inay gurmad na la soo gaadhaan hay’adda FAO ayaa ah hay’adda 1aad ee si toosa uga soo jawaabtay balanqaadyadeedii”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here