Wasiir CADAMI Oo La Weydiiyey Sababta Uu Uga mid Noqdo Guddi Kasta Oo Madaxweynuhu Magacaabo Iyo Qoddob Xujo Ah Oo Lama Taabtaan Ka Dhigaya Kursigiisa

0
12

“Waan Naxaa Marka Aan Maqlo Iyada Oo Madaxweyne Siilaanyo Dekedda Laga Sheeganayo”

“Anigu Somaliland Daaqada Kagama Soo Boodin Ee Waxaan Aaminsanahay In Saaxiibaday Waxay Rabaan Ay Maciishad Tahay….”                                   ***************                                                         “Kuwii Ugu Xoogga Badnaa Reerihii Kacaanka Dhaliyey Oo Madaxweynaha Ku Abtirsanaya Ayaa Habeen Walba…..”wasiir cadami

Hargeysa(Hubaal)-Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa Ka Hadlay dhacdooyin xusuus mudan oo ku taxan noloshiisa gaarka ah iyo middiisa siyaasadeedba, waxana uu ku dheeraaday sababaha rasmiga ah ee Siyaasiyiinta Somaliland kasoo jeeda ku kallifa inay Mabaa’dii kala duwan qaataan. Axmed Xaaji Cali Cadami oo waraysi dheer dhawaan siiyey Wariye Khadar Macallin, ayaa sidoo kale faahfaahino dheeri ah ka Bixiyey Saaxiibtinimo  dadka intooda badan ka qarsoon oo isaga iyo madaxweyne Siilaanyo dhex  taalla, taas oo uu ku sababeeyey inuu Madaxweynuhu inta Badan hormood uga dhigo Guddiyada uu magacaabo. Waraysiga lala yeeshay Wasiir Cadami oo ku dherernayd geedi socodka waayihiisa nololeed iyo waayo aragnimadiisa shaqo waxa uu ku bilaabay “Waxan ku dhashay ceerigaabo, waxana aan ku barbaaray magaalada Cadan oo aan yaraan ku tegay oo waagaas tacliin loo doonan jirey, halkaasaana aan ka galay ilaa aan heer koolaj ka gaadhay waxbarashada, waxana aan ahaa dadkii  ka faa’iidaystay anigoo ilaa afar sano iyo dheeraad ka shaqaynayey.” Xogwarankaas kooban ka sokow waxa uu wasiirku ka jawaabay su’aalo ku taxalluqa xidhiidhka saaxiibtinimo iyo siyaasadeed ee isaga iyo madaxweyne siilaanyo uu sheegay in ay     soo wada qaateen Wakhtiyo iyo duruufo kala duwan, waxana uu Jawaab Xiiso Badan ka Bixiyey Su’aashan Soo Socota oo wariyuhu weydiiyey, “Muxuu madaxweynuhu Guddi kasta oo uu magacaabayo kuugu diraa, isla-markaana uu Guddoomiye Kaaga Dhigaa?”, waxaana wasiir caddami kaga jawaabay:  “madaxweynuhu sidaan u aqaanno buu iyaqaanaa oo waanu wada joogi jirney oo kifaax baanu wada galnay, iyadoo la doonayo Deked laga dhiso Marka oo ah meel aan dekedba noqon Karin si Berbera loogu beddelo ayaanu isaga oo jooga Ganacsiga aanu kula ciirsanay, si halyeynimo ahna arrintaas wuu nagala hawlgalay, waana aan naxaa marka aan maqlo iyadoo siilaanyo Dekedda Berbera laga sheeganayo.” Ayuu ku jawaabay Wasiir Cadami.  Wasiir Cadami oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyey Sababta Siyaasiyiinta Deegaanka Bariga Sanaag kasoo jeedaa inta Badan ugu kala jiraan Maamaamullo iyo Xukuumaddo kala duwan oo Soomaalidu u kala qaybsan tahay, waxana uu sababta ugu weyn ku sheegay inay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed mabda’oodu ku salaysan yahay dhuuni amaba Hunguri, waxana uu yidhi, “Nin si fiican u cashaynaya oo u quraacanaya, ayaa mabda’a cuwaaf ka dhigta. Laakiin marka aanu ninku daruuriyaadkiiba haynin meel uu rasmi ahaan aaminsan yahay waa dhif. Dadkayaguna dadkaasay lamid yihiin. Dadkuna doorashay leeyihiin oo meeshii cajabisa oo damiirkiisu raalli ka yahay ayuu ka shaqanayaa. Aniguna halkan daaqadda kagama soo boodine somaliland halkii lagu dhisay baan Nairobi uga imi oo Diyaarad KHaas ah Burco ku imi. Waxan aaminsanahayna waa laga yaabaa inaanay saaxiibaday halkan joogaa inaanay aaminsanayn oo daaqadda kaga soo Boodeen, laakiin dadku waxa ay rabaan Maciishad oo waa wax jira.”  Wasiirku waxa uu sheegay dadka Mabda’a ka Dhanka Somaliland Aaminsan ay ugu badan yihiin Shakhsiyaad kasoo jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo, “Reerihii kacaanka  dhaliyey kuwii ugu xoogga badnaa oo ku Abtirsanaya Madaxweynaha ayaa Habeen walba Tararaqdaas ka Haya Xamar, wax kalena ma geynine Maciishaddaa Geysay.” Ayuu yidhi Wasiir Cadami.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here