Wasiir CUKUSE: Aabaha Khilaafka Aan Dhamaadka Lahayn Ee Wasaaradda Warfaafinta

0
15

Hargeysa, (Hubaal)-Agaasimihii Waaxda farsamada ee Wasaaradda Warfaafinta Axmed Saleeban Wayne ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay wasaaradda, isla markaana ku eeddeeyay wasiirka warfaafinta Cabdillaahi Cukuse, inuu khalkhal galin ku sameeyay nidaamkii maamul ee wasaaradda.

 cukuse

Qoraalka iscasiladda Agaasimaha Farsamada Wasaaradda Warfaafintu wuxuu u dhignaa sidan;“Aniga oo ah Axmed Saleebaan Wayne, ahaana agaasimihii waaxda ee farsamada wasaaradda warfaafinta, laga soo bilaabo 2011 ilaa imka. Waxaan halkan kuugu cadyanaa anigoo jidh iyo maskax ahaanbaa u caafimaad qaba, inaa iska casilay xilkii aan ka hayay wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta.Maadaama aan u dulqaadan karti waayay caddaalad darradda iyo dhibaatada aad ku hayso shaqaalaha hoosaadka wasaarada oo ay ugu danbaysay saddexdii dhacdo ee aad shaqada kaga joojisay saddexda shaqaale ee waaxdaha Tv-ga iyo idaacada ka hawl gali jiray, iyaga oo aan wax dambiya lahayn, laga reebo in ay u hogaan sameen awaawmiirtii masuuliyiinta sarsare ee wasaaradda oo ay ka mid yihiin agaasimaha guud iyo maareeyaha Tv-ga oo aad adigu ku boorin jirtay shaqaalaha inay u hoggaansamaan awaamiirta masuuliyiinta xilalka kaaga hoosaysa, laakiin markay shaqaalihii ajebeena amarkaagii aad ugu bedeshay hanadaad iyo shaqo ka joojin.

Waxaa kaloo ii muuqday inay rejo beel tahay xalinta khilaafka dabada dheeraaday ee ragaadiyay wasaarada oo ay adagtahay in loo helo xal waara inta aad wasaarad sii joogto, wax horumar ahna la samayn Karin waayay mudooyinkii dambe.

Waxaan kaaga mahadcelinayaa wadashaqayntii mudadii aad xilka wasiirnimo ka haysay wasaarada, waxaanan kaa rejaynaya adigoo tixgelinaya xaaladaha kor ku xusan inaad iga aqbali doonto codsigayga.”

Dhinaca kale, qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda ayaa walaac ka muujiyay hab dhaqanka wasiirka, oo ay ku tilmaameen inuu khilaafsan yahay nidaamka maamul iyo wada shaqayneed ee waaxaha wasaaradda, isla markaana aflagaado iyo cagojuglayntu u noqotay dabeecad. “Wasiirku waa aabaha khilaafka aan dhammaadka lahayn ee wasaaradda, haataana habdhaqankiisuu sida uu yahay kama sheekayn karo.”Sidaa wax yidhi mid ka mid ah shaqaalaha wasaaradda.

Dhinka kale Wasiirka warfaafinta oo ka hadlayay xafladii xil wareejinada ee wasiir ku xigeenada wasaarada ayaa mujiyay kalsooni darro uu ka qabo dhinaca shaqaalaha, oo ku tilmaamay in ay dibadda u saaraan wax kasta oo ka dhaca wasaaradda gudaheeda.Taasina waxay muujinaysa sida ay u kala fogaadeen isaga iyo shaqaalaha wasaaradu.

source:ogaal

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here