Wasiir Faratoon Iyo Weftigiisii Shalay Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Kadib Safar Qaatay Bil Iyo Dheereed Oo Ay Dalka Dibadiisa Ugu Maqnaayeen

0
1

Hargeysa (Hubaal) Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga Somaliland, prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, kadib safar hawlo shaqo ah oo ku dalka dibediisa ugu maqnaa.

Wasiir faratoon ayaa markii uu ka soo degay gegida diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa, waxa halkaasi ku soo dhaweeyay agaasimaha wasaaradda arrimaha dibedda, guddoomiyaha hay’adda qurba-joogta Somaliland iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, waxaana ugu horreyn agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibedda Cabdinaasir Axmed Xirsi oo kelmado soo dhaweyn ah goobta ka jeediyay ayaa yidhi; “waxa aannu halkan ku soo dhaweynaynaa annaga oo ah wasaaraddii arrimaha dibedda iyo waaxyaheedii kala duwanaa, wasiirka arrimaha dibedda oo muddo ugu maqnaa safar dalka dibadiia, waxaanan leeyahay mudane wasiir, ku soo dhawoow waddankaaga hooyo adigoo nabadqaba. Wasiirku waxa uu soo maray dalal badan, runtii arrimo wanaagsan ayaa safarkiisa uga soo qabsoomay.”

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga Somaliland, prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa si kooban uga warbixiyey socdaalkii iyo kulamadii uu ku soo qaatay dalalkii uu soo maray, “Muddo bil iyo badh ah ayaa aniga iyo wefti ila socday aannu dalka ka maqnayn, ilaa afar waddan baannu inta badan joognay, waddamadaa waxa aannu u tagnay, talooyin iyo danaha jamhuuriyadda Somaliland, mid walbana si wanaagsan bay wax innoogu qabsoomeen, runtiina wax badan waxa aannu kaga hadalnay intii aannu joognay dalalkaasi oo wari idinkuma yara, wax badana halkan maanta ka odhan maayo, dee wixii tafaasiil ah madaxweynaha iyo ciddii ay khuseeyaan ayaa baa aannu u tabin doonaa. Dalalka aannu soo marnay waxa ka mid ahaa; dalka Kiinyiya, Itoobiya, Mataykanka iyo dalka Ingiriiska ayaa baa aannu muddadaas inteeda badan ku sugnayn. run ahaantii, guud ahaan waxaan odhan karaa hawlo badan ayaa ka qabsoomay oo khuseeya arrimihii aannu u soconay ee danaha ahaa Somaliland.” Ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga Somaliland, prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)

SHARE
Article horeTacsi ku socota Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & iskaashiga Caalamiga Prof Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon)
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here