Wasiir Faratoon Oo Xilkii Ka Qaaday Mas’uuliyiin Ay Ka Mid Tahay Agaasimihii Maamulka/lacagta Ee Wasaaradda Waxbarashadu

0
1

Akhri Magacyada Masuuliyiinta Cusub ee xilalkan Loo Magacaabay

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa xilkii ka qaaday agaasimihii waaxda maamulka iyo Lacagta ee wasaaraddaas Marwo  Fatxiya Dubbed oo xilkaas muddo dheer haysay, waxaana wasiir Faratoon uu xilka qaadista Agaasimaha ku ladhay afar ka mid ah guddoomiyeyaasha waxbarashada ee gobollada dalka. Wareegto laba bog ka kooban oo shalay uu soo saaray Wasiirka waxbarashada iyo Saynisku ayaa xambaarsanayd magacaabista agaasimeha cusub ee waaxda maamulka iyo lacagta wasaaradda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Axmed oo isagu ahaa sarkaal ka tirsan muddo dheerna ku soo dhex jiray wasaaradda waxbarashada iyo guddoomiyeyaasha waxbarashada ee gobollada Togdheer, Sanaag, Gabiley iyo Selel. Waxaana wareegtada uu wasiirku soo saaray lagu faray inay si niyad sami ah xilalka ugu wareejiyaan xubnaha la soo magacaabay. Masuuliyiinta la magacaabay ayaa kala ah

Agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Axmed, Guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Togdheer Maxamuud Xasan Caynaanshe, guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Sanaag Saleebaan Cawil Abokor, guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Gabiley Cabdiqaadir Cabdillaahi Jeex iyo guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Salal Xasan Barkhad Cumar.

Gebogabadii wareegtada wasiirkana waxaa lagu sheegay in ukala wareejinta xilalka ee masuuliyiintan uu u xilsaaran yahay agaasimaha guud ee wasaaraddu.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here