Wasiir Imaaraatigii Hadlay Ma Wax Cusub Buu Sheegay?-(W/Q: C/Raxmaan Caydiid)

0
1

ASCWWB. Runtii Qaylo iyo sanqadho waaweyn ayaa ingaga soo noqday wasiirudawlihii khaarajiga, Anwar Mohamed Qarqaash, ee Emites-ka ee la hadlay BBC-da laanteeda Afrka carabiga ku hadasha. Oo Muxuu yidhi wasiirku? Intaynaan Su’aashas ka jawaabin aynu dib ugu yara noqono arimaha siyaasadda ee UAE iyo Somalida.

 

Sidaynu lawada soconay, waxa beryahan dambe taagnayd arintii heshiishyadi Somaliland iyo dawlada Emirites, oo ka koobnaa midka saldhigga ciidanka iyo kan kale ee ganacsiga ee DP World.

Arintanani waxay saamaynteeda ugu weyn yeelatay kadib markii dawladda Ethiopia ay qayb ka noqotay heshiiskaas DPW ee ganacsiga iyo ballaadhinta dekadda Berbera. Saamaynaha ka dhashay waxa ugu weynaa kadib markii dawladda Mogadishu ay toos uga hortimi, shariikadda DPW dalka laga caydhiyay (siday iyagu sheegeen), isla markaana Baarlamanka Mogadishu uu isna arintaa waafaqay oo cod ku taageeray.

 

Waxaa kale oo dhacday in Djibuti iyo DPW ay isku dhaceen. Taas lafteeda waxa qayb ahaan loo sibir saaray inay arinta heshiiska saddexgeesoodka ahi (UAE/DPW, SL iyo ET) saamayn ku leedahay ama lala xidhiidhiyayba, in kastoo 100% aanay taasi sax wada ahayn.

 

XAQIIQOOYINKA KU XEERAN HESHIISYADA UAE IYO SOMALILAND

Dhowr qodob ayaynu xusi karna: Waa midda koowaade-e, Emirites-ku gobolka oo dhan oo Somaliyana ka mid tahay mashaariic la xidhiidha ganacsi, dekado dhisid iyo saldhigyo milateri ayay ka wadaan, bal qabsoo ciddina kama hadasho, xataa kuwa Somalia ee Puntlandba ka mid tahay. Waa midda labaad-e UAE (Emirates) Somaliland ma aqoonsana siyaasiyan, hase yeeshee way la macaamishaa, iyadoo ogsoon in aanay Xamar xukumin Somaliland wax saamayn ahna aanay ku yeelan Karin wixii gudaha Somaliland laga fulinayo. Waa Midda saddexaad-e, waxaa dadka Siyaasadda hogaamiya iyo kuwa kale ee calal aqal wax uga baxsanyihiin iska ogyihiin in Somaliland dhulkeeda xukunto, sidoo kalena Somalia kursigii aqoonsiga dawladnimada Somalia (waa tii Siyaad Barre markii u dambaysay xuumi jiraye, ee maantana Muqdisho fadhida) ay iyadu ku fadhido. Dabcan cid kasta oo Somaliland heshiis caalami ah oo maalgashi la gelaysaaba labadaa awoodood midba gaarkeeda ayay ula macaamilaysaa. Mid walbana wejiga raaligelinaya ee jiritaankeeda waafaqsan ayaa lagula macaamilayaa. Midda afraad waxa weeye, in sababta dawladda Somaliya caalamku u aqoonsaday iyadoo aan buuxin shuruudihii dawladnimo ay ahayd in la helo dawlad lala geli karo oo saxeexi karta wixii heshiisyo caalamami ah.  Dawladdii xasan Sheekh ayaa dawlad la aqoonsanyahay ugu horaysay, Siyaad dabadii. M/weyne Obama ayaa go’aanka aqoonsiga gaadhay dunida intii kalena way iska daba gashay. Midda kale Maalgashi caalamiya marka la leeyahay heshiisyo caalamiya ayaa hoggaamiya. Kuwaana ama fad ama ha fadin, waa lagu fadsiin uun, marka maxkamadaha caalamagiga ah lagu wada hadlayo.

 

DAWLADDA FARMAAJO MAXAY KA XANAAQDAY

Heshiiskii u dambeeyay ee saddex geesoodka ahaana (UAE/DPW, ET iyo SL) dawladda Farmaajo qayb kama ay ahayn, lalagama tashan waana ta keentay in ay aqoonsiga caalamiga ah ee ay haystaan u isticmaalaan in ay arinta ka horyimaadaan, taasina marka laga yimaado colaada ay tuseen ummadda Somaliland, inay xataa faa’iido ka gaadheen ma muuqato, taana waxa daliil u ah sida aan wax macno leh looga soo qaadin markii ay arintaas dawladda Farmaajo geysay Golaha ammaanka ee Q.midoobay iyo shirkii dawladaha carabta ee dhowaan qabsoomay.

 

OO HORTA MUXUU SHEEGAY WASIIRKA IMAARAATIGU?

Ninkaa odayga ahi waxa keliya oo uu sheegay in ay dawlad Somaliya la yidhaa aqoonsanyihiin, laakiin aanay Somaliland aqoonsanayn. Waxaa kale oo uu sheegay in ay Somalilandna la macaamilaan. Waxaa kale oo uu intaa ku daray inay arimaha heshiisyada iyo hawlaha ay Somaliland ka wadaan ay dawladihii hore e Somaliya kala hadleen, oo macnaheedu yahay in la wargeliyay, maadaama dee ay kursigii Somliyadii la wada lahaa ku fadhiyaan. Intaasuba waa wada run.!!! Yaah… oo hadda maxaa lagu haystaa oo Somaliland ka wada qaylisiiyay? Ama lagu taageeri ee loogu farxayaa hdalkiisa oo ciddii aan Somaliland ahayni u sacaba tumi. Xaqiiqadu waxa weeye ninkaasi wax cusub inoomuu sheegin, ee dhibtu waxay tahay Somali meel ay joogtaba caadifad ayay lawada miyir la’yihiin, qabyaaladina laba indhoodh ayay ka tuurtay.

 

XISBIGA WADDANI ARINTAA WAA KA JAWAABAY.

Xisbiga Waddani, oo Gudodmiye Mudane C/raxman Cirro u hadlay, si cadho leh ayuu arintaa uga falceliyay. Eedayn xoogan oo ilaa khiyaamo qaran la gaadhsiiyayna wuxuu u jeediyayay Xisbiga talada haya, M/weynihii hore Mudane Siilaanyo iyo M/weynaha hadda mudane MBC. Intaas waxa uu ku daray eedaymo lunsi hanti qaran ku wajahan iyo heshiisyada oo laga been sheegay.

 

Haddaynu kala qaadno arinta khiyaamyo qaran (high treason), waxay u baahantahay in la qeexo marka hore, marka labaadna la caddeeyo, dariiq ay marto ayaanay leedahay sharciyan oo ku aroorta in lasoo gole joojo ciddii ku kacday oo Baarlamaanka la horgeeyo. Taas shargicaan u dhaafi. Midda heshiiyada iyadana ku fogaan meyno, waayo waynu ka dheregsanahy siddii  ay ku yimaadeen golayaasha iyo doodihii ka dhacay. Waxaa kale oo aynu ognahay in Xisbiyaduna dawladda wax kala ogaayeen oo Dubai layskaga daba noqnoqon jiray, haba kala badsadeene.

 

Arinta aan aadka ugu taageersanahay Waddani waxa weeye ciddii hanti ummadda ka lunsatay in looga soo dhiciyo. Dhinaca kale, anigu Waddani intaa uu sheegay in woxoogay kayara buuran baan ka filayay. Waxaan filayay markuu eedihiisa mucaaradnimo jeediyo iyo aragtidiisa, inuu kor u yara tooso oo uu talo Qaranimona raaciyo iyo sidii fursadaha jira looga faa’iidaysan lahaa, dhibaatooyinkeedana looga tabaysan lahaa, dadkana isku duubni loogu wadi lahaa.Waxaa aad uga muuqatay guddoomiya iyo xataa siyaasiyin kaloo iyana goor dhowayd hadlayay in ay weli ku jiraan xaaladddii doorashada oo aanay weli kasoo kaban. Guud ahaan haddan erey kusoo koobo Jawaabta Xisbiga Waddani bixiyay, runtii waa intii iska caadiga ahayd ee Xisbiba xisbiga kale ku foognaa ee run iyo beenba ku riixi jiray – “Somaliland internal local politics”.

 

GUNAANAD

Maqaalkan kooban waxaynu kusoo oodaynaa in maanta Somaliland u baahantahay in ay la jaan qaado isbedelada ka dhacaya dunida, bariga dhexe iyo afrikaba. Suurgal maaha in ay siyaasiyiinta Somailand inoo sheegaan in loo dhaqmo sidii dal ictiraaf caalamiya haysta. Waxa loo baahnayanhay in taa bedelkeeda aad raadsato saaxiibo ay idin kulmiso dano dhaqaale, kuwo istratiyadeed amaba kuwo ammaan iyo nabadgelyo. Waxana muhiim ah in aanad noqon sac la maalo oo keliya, laakiin aad noqoto mid ugu yaraan daaq cagaaran oo wax u tara ka hela meeshii lagu maalay.  Taasi waxay ku iman kartaa oo keliya isku duubnaan iyo wadajir. “Ama buur haw ama buur ku tiirsanow”.

 

Ugu dambayn, Madaweynaha MBC waa isna la gudboon in wixii khaldan uu saxo, dadkana shakiga laga saaro, isla markaana uu Siyaasad cad oo lagu hagayo sida saaxiibo Somaliland u kasbanayso, isla markaana isbedelada mandaqadda ka dhacaya loola jaan qaadayo uu la yimaado. Waxaa kale oo la gudboon xukuumdda in ay la timaado Siyaasad iyo istratijiyad ay kula dhaqmayso dawladda federaalka Somaliya oo u muuqata in markii ay woxoogay yara dhiigaysatay ee indhuhu u yara biniixeen, Somaliland mooyee aan wax kale arkayn. Iyagana waxaynu xasuusinaynaa in ay ciyaarta suunka hoostiisa iska dhaafaan oo fahmaan in Somaliland wax badan tirsanayso, isla markaana inta la wadaago ay ka badantahay inta lagu kala duwanyahay.

 

 

Allaa Mahd leh, Wallahu Aclam

 

W/Q: C/raxman Caydiid

April 19, 2018

Abdiaideed11@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here