“Wasiir Maxamuud Xaashi Waxa Uu Mu’aamaradeeyey In La Dhiso Hay’ad Madax-Bannaan Si Madaarada Somaliland Ula Jaan Qaadaan Kuwa Caalamka” Jamaal Madar

0
18

Dowladda Ingiriisku iyadoo kaashanaysa dowladda Somaliland ayey waxay muddo dhowr sano ka hor ah ka bilaabeen Somaliland inay ka hirgeliyaan madaarada Hargeysa iyo Berbera mashruuca ah la dagaalanka argagixisada.

Mashruucan oo uu maal gelinayey Xafiiska Barwaaqa-sooranka iyo arrimaha dibadda ee Ingiriiska ee loo yaqaan Foreign and Commonwealth Office (FCO), waxa qandaraas lagu siiyey Adam Smith Institute International inay Somaliland ka caawiyaan siday u kobcin lahayd awoodeeda la dagaalanka argagixisada.

Dowladda Ingiriisku iyadoo halkaa ka duulaysa waxay siiyeen Somaliland qalabaka ammaanka iyo baabuur ay ugu deeqeen wasaaradda Duulista iyo Hawada iyo Laanta Socdaalka ee Somaliland si qalabkaas loogu isticmaalo madaarada Hargeysa iyo Berbera, qalabkaas oo loo adeegsanayo goobaha laga gudbo ama laga tallaabo ee xuduudaha ee cirka, dhulka iyo baddaba si loo hubiyo in dadka geliya iyo kuwa ka baxaya Somaliland si adaga loo jeegareeyo , taasoo markaa masuuliyiinta Somaliland u suura gelinaysa inay gartaan oo gacanta ku dhigaan kuwa khatarta gelin kara ammaanka hawadeeda iyo xuduudaheeda.

Qalabkaas lagu deeqay Somaliland waxa ka mid ah X-Ray, Mishiinada Qabta Walxaha Qarxa ee loo yaqaan Explosive Tracing Devices (ETD) qalabka TVga Mareegat Xidhan ama loo yaqaan CCTV iyo qalabyo kale. Qalabkan ayaa hor dhiciisii ugu horreysa waxa ku baxay in ka badan hal milyan doolar.

Waxa kharaskhaas dheer tababarka loo fidiyey shaqaalaha ammaanka madaarada Somaliland qaabilsan si ay ugu shaqayn karaan qalabkaas si madaarada Somaliland-na ay u noqdaan qaar la jaan qaadi kara kuwa kale ee caalamka.

Mashruucan ujeedadiisu waxay ahayd in la dagaalanka aragagixisada ee Somaliland ay sidoo kale si dadban u caawiso khatar Ingiriiska kaga timaada weerar argagixiso ah oo dhulka UK lagu qaado.

Waxa ayaan darro ah in laga bilaabo bishii April 2014 illaa immika mashiinadii loogu talo galay in lagu baadho dadka walxaha qarxaha damacsan inay ku soo qariyaan shandadhooda oo saaraan dayuuradaha ka baxaya madaarada Somaliland aan lagu shaqaynin. Iyadaa ay sidaa tahay ayuu haddana wasiirka duulista iyo hawadu qortay 20 shaqaale ah oo cid tababartaa aanay jirin, mashiinadana sida loogu shaqeeyana aan garanayn.

Dadkii aqoonta u lahaa ee loogu talo galay inay tababaraan shaqaalahaas wasiirku wuu wada eryey waayo midkiiba wuxuu qaadanayey shan boqol oo doolar markaa wuxuu qortay qaar uu lacag ka yar intaas siiyo hase ahaatee dadka uu qortay cid tababartaa ma jirto.

 Wasiirka-duulista

Mishiino cusub oo la mid ah kuwa madaarada Yurub iyo Maraykan laga isticmaalo ayaa wasiirku uu meel iskaga tuuray. Mashiinadaasi ma aha mashiino ay xukuumadda Somaliland soo iibsan karto balse haddii ay xataa haysato lacagta lagu soo iibsan karo ma aha qaar si fudud looga iibinayo waayo Somaliland ma aha waddan la aqoonsan yahay.

Marka mashiinadan la iibsado waxay marka hore maraan wasaaradda difaaca ee ingiriisku inay soo ansixiso, marka labaadna mashiinadani waxay ka mid yihiin qalabka sida adag loo kontoroolo dibad-u-dhoofintooda. Waxa intaa dheer in loo eego inuu waafaqsan shuruudaha EU-da ugu yaalla dhoofinta qalabka noocan oo kale ah iyo cidda uu gacanta u gelayo. Markuu intaa soo dhaafo waxa la hordhigaa baarlamanka Ingiriiska in laga ansixiyo. Dhibaatada intaa le’eg ayaa ka qabsata waddamada la aqoonsanyahay ee mishiinadaas iibsanaya, Somaliland-na hadlakeeda daa.

Wasiirka Duulista iyo Hawada uma dhaadhacsana muhiimadda ay mishiinadaasi u leeyihiin nabadgelyada iyo ammaanka madaarka iyo dadku ku socdaalaya dayuuradahaba markaad eegto mandaqada aynu ku noolahay ee meel waliba qarax ka dhacayo.

Shacab weynaha Ingiriiska badankoodu waxay qabaan in la yareeyo deeqda uu waddankoodu bixiyo waayo sidii la doonayey loogama faai’deysto deeqda, ra’iisul wasaaraha Ingiriiskuna wuxuu dhawaan qirtay lacag bilyano ah oo ah lacagayowga ay gargaarka u bixiyaan in la khasaariyo, wasiirkanna wuxuu Somaliland ka dhigay waddan aan lagu kalsoonaan karin oo aan istaahilin in la siiyo deeqda Ingiriiska.

Laakiinse dowladda Ingiriisku intaa kagamay hadhin mashruucan balse waxay u qoondeeyeen lacag kale oo dhan £2 milyan oo giniga istarliiniga ah ( oo u dhiganta illaa 3 milyan iyo boqol kun oo doolarka Maraykanka ah) si Somaliland loogu dhiso Hay’ad madax bannaan oo qaabilsan Duulista Madaniga ah Somaliland Civil Aviation Authority (SCAA) oo uu hoggaamin doono agaasime waayo arag u ah arrimaha Duulista iyo Hawada.

Deeqdan waxay dowladda Ingiriisku shuruud uga dhigeen in marka hore Baarlamanka Somaliland ansixiyo Xeerka Duulista Madaniga ah si loo sameeyo hay’adaas madaxa bannaan oo ujeedadeedu tahay in duulimaadyada ka baxaya Somaliland iyo madaaradeedu ay noqdaan heerkii laga doonayey si ay ula jaan qaadaan kuwa caalamka kale ee casriga ah.

Wasiirka waxa loo qabtay inuu hay’addaas sameeyo ugu dambeyn bishii January 2014. Muddadii loo qabtay inuu lacagtaas kaga faai’deystana waxay dhammaatay 19kii November 2014, taasoo mashruucii dhammaa uu halkaa ku fashilmay.

Wasiirka ayaa 15kii November 2014 warqad u qoray Chris Allan oo ka tirsan safaaradda Ingiriisku ku leeyahay Addis Ababa isagoo ka codsanaya in muddada loo kordhiyo oo afar toddobaad oo kale loogu daro waqtiga si deeqdaas ay uga faaideystaan. Mar labaad muddada uu isu qabtay wasiirku waxay dhacday bishan December 2014 kala badhkeedii. Lacagtaasina haatan waxay u eegtay mid dowladda Ingiriisku dib ula noqonayso oo qasnadda dowladda Ingiriiska dib ugu noqanaysa. Wasiirku wuxuu weliba warqaddaas ku sheegay in baarlamanku masuul ka yahay Xeerka lala raagay iyadoo xaqiiqado ay tahay inuu isagu lugta jiidayey in Xeerkaas la ansixiyo.

Waxa haatan soo if-baxday in Xeer qoraal-qabyeedkaas la xidhiidhay samaynta hay’addan loo gudbiyey baarlamanka balse meel huluul ah oo ah arkiifiyada baarlamanka lagu qariyey wasiirkuna uu dibindaabyeynayey in Xeerkaas aan la ansixin isagoo la kaashanaya xildhibaano KULMIYE ka soo jeeda oo ay aad isugu dhow yihiin. Illaa immika Xeer qoraal-qayeedkaas ma aha mid weli iftiinka maalinimo arkay oo la horkeenay baarlamanka.

Wasiirku wuxuu aad uga walaacsan yahay in hay’adaas oo isaga ka madax bannaanaataa ay awoodiisa wiiqayso oo aan waxba u soo hadhayn wasaaradiisa maadaama ay noqonayso hay’ad caalami ah oo madax bannaan.

Bishii June 2014kii, wefdi ka socda Ururka Caalimiga ah ee Duulista Madaniga ah ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan ICAO ayaa la kulmay hawlwadeeno ka socda Wasaaradda Duulista iyo Hawada kuwaasoo qiimayn ku sameynayey madaarada Hargeisa iyo Berbera. Wasiirku wuxuu ku wargeliyey wefdigaas ka socda ICAO inay Somaliland diyaar u tahay inay hawadeeda maamulato isagoo og wasiirku inaanu hadalkaasi daacad ka ahayn.

Dabcan, markuu wasiirku ku fashilmay inuu hay’addaas ku sameeyo waqtigii loo qabtay, dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa fursadaas haleeshay oo heshiis la saxiixatay ICAO bishan December 4dii, 2014 heshiiskaas oo ay goob joog ka haayeen wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya Saciid Jaamac Maxamed (Qoorsheel) iyo Xoghayaha Guud ee ICAO Raymond Benjamin.

Sida cad, Wasiirka Duulista iyo Hawadu kumuu khamaarin nabadgelyada iyo ammaanka dadka ka dhoofaya madaarada Somaliland oo keliya balse wuxuu kale oo mu’aamaradeeyey in la dhiso hay’ad madax bannaan si madaarada Somaliland ula jaan qaadaan kuwa caalamka. Waxa kale oo uu khasaareeyey deeqdii loogu deeqay isagoo Somaliland sawir aad u xun ka bixiyey markaad eegto siduu u dhaqmayo.

Maadaama uu ka mid yahay kuwa Siilaanyo ugu dhow-dhow, ka fili mayno in xataa dhirbaaxo yar oo ta carruurta oo kale ah gacanta lagaga dhufto si loo xasuusiyo qaldaadka u sameeyey baaxad ay le’egtahay iyo siday waddanka u wiiqday.

Wasaaradda Duulista iyo Hawada waxay noqotay toy uu wasiirku ku ciyaaro oo aan la taaban karin. Illayn waa dhab carruuraha qaar baan la la ciyaarin.

Qore: Jamaal Madar

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here