Wasiir Qambi Oo Muujiyey Kalsoonida Uu Ka Haysto reer Buuhoodle & Mas’uuliyiintii U Qaabilsanaa Garoowe

0
1

Waxa uu Hantay Quluubta Xubno reer Buuhoodle Ah Oo Xilal Shilis Ka Hayay Maamulka Puntland, Kuwaas Oo Uu Burco Kusoo Dhaweeyey

 

 

Burco (Hubaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Sool ku soo dhaweysay  guddoomiyihii maamul-gobolleedka dalka Somaliya ee Puntland u qaabilsanaa gobolka Buuhoodle (Cayn) oo uu weheliyo duqii degmada Buuhoodle u qaabilsanaa maamulkaas oo iyagu si rasmi ah u shaaciyey inay ka soo goosteen maamulkii ay ka tirsanaayeen. Labadan masuul oo ay wehelinayeen xildhibaanno iyo odayaal dhaqameedyo deegaanka ka tirsan ayaa munaasibada ay dawladda Somaliland ku soo dhawaysay  oo shalay ka dhacday magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco  waxa halkaasi  qalbi furan iyo niyad saafi ah ku qaabilay wefti uu horkacayo wasiirka wasaaradda hawlaha guud ee Somaliland Md. Cabdirashiid Ducaalle Qabmi iyo badhasaabka gobolka Togdheer.

Badhasaaabkii gobolka Buuhoodle (Cayn) u qaabilsanaa Puntland  Maxamed Xuseen iyo maayarkii degmada Buuhoodle ee maamulkaasi Saleebaan Aadan Dheere kuwaasi oo si faahfaahsan uga warramay sababaha kellifay in ay go’aan ku gaadhaan inay kasoo goostaan maamulkii ay u magacawnaayeen isla markaana si rasmi ah ugu soo guryo noqdaan deegaankoodii iyo dalkoodii hooyo.

“Maanta (shalay) oo ay taariikhdu tahay 28.10.2018, waxaanu joognaa magaallada Burco ee xarunta gobolka Togdheer aniga [maayarka) iyo guddoomiyihii gobolka Buuhoodle. Labadayaduba waxaanu ka tirsanayn maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaannanu ku magacawnayn maayar iyo guddoomiyihii gobolka”. Sidaasi waxa yidhi maayarkii maamul goboleedka Garoowe ugu magacawnaa degmada Buuhoodle Saleebaan Aadan dheere, waxana uu intaa ku ladhay “Mahada alle ka sokow waxaanu u mahad celinaynaa oo dedaalka aanu halkan ku nimi iska leh wasiir Cabdirashiid Ducaale Qambi oo muddo badan hawshan ka shaqaynayay, dhamaantiina soo dhawaynta ballaadhan ee aad noo samayseen waanu idiinka mahad celinaynaa, waxaananu qiyaasaynaa in gurigu gurigayagii oo aanu hore uga maqnayn yahay. Annagu waxaanu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ka helnay casuumad rasmi ah oo aanu halkan ku nimi, taasi oo aanu kaga mid noqonay dawladda Somaliland”.

Md. Saleebaan Aadan Dheere waxaa uu si gaar ah ula hadlay shacbi weynaha reer Buuhoodle ee ay metalayaan “haddaanu shacabka Buuhoodle si gaar ah ula hadalno waxaan leeyahay annagu waxaanu ahayn dad aad idinku igmateen oo u dhaartay in dantiinu meel kasta oo ay gasho aanu marno”.

Geesta kale guddoomiyihii gobolka u qaabilsanaa Buuhoodle Maxamed Xuseen oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “anigu guddoomiyaha gobolka Cay nee Puntland  ayaan ahaa, taasna waan iska casilay, waxaanan iska casilay waxqabad la’aan oo ay ka mid tahay ciidammadii oo mushaharkii aan helin, wasaradihii oo wixii ay xaqa u lahaayeen aan helin sidaasi oo ay tahay dee cid nala shaqaynaysa oo wixii aanu xaq u lahayn garanaysa ayaanu u nimi”. Ayuu yidhi Maxamed Xuseen. Taliyaha qaybta Booliiska ee gobolka Togdheer Gaashaanle Sare Axmed Aw Cali Shabeel oo isaguna kamid ahaa masuuliyiintii dalka ku soo dhaweeyey xubnahan oo isna madasha ka hadlay “dalkiinii baad timaadeen oo qariib ma tihidin ee soo dhawaada, waxaanu idin leennahay sidii aad halkaas uga shaqaynayseen iyo si ka wanaagsan ayaa haddii alle yidhaahdo aad halkan uga shaqayn doontaan”. Ayuu yidhi taliyuhu.

Gebogabadii wasiirka wasaaradda hawlaha guud ee Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi oo isna soo gunaanaday xaflada ayaa qalbi furan ku soo dhaweeyey masuuliyiintan waxaana uu sheegay inay yimaadeen dalkoodii hooyo “halkan waxaan uga mahadnaqayaa  guddoomiyii Cayn iyo maayarkii Buuhoodle oo iyagu doorbiday inay maanta ku soo guryo noqdaan dalkoodii Somaliland oo ay la shaqeeyaan dawladooda, wixii ay ummadooda u qabanayaana halkan uga qabtaan, wixii horumar ah iyo wixii Buuhoodle dani ugu jirtana ka shaqeeyaan. Annaguna waxaanu idin leennahay soo dhawaada, wax alla wax aanu idinkala hadhaynaa ma jirto”. Ayuu wasiir Qambi yidhi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here