Wasiir Sacad Cali Shire Oo Kalsooni Madaxweynuhu Ku Qabo Ku Macneeyey Xilka Cusub Ee Loo Magacaabay

0
1

“Dhaliisha Xilka Ayaa Iska Leh, Wasaaraddii Horana Meel Wanaagsan Ayaan Geeyay, Wasaaraddana   Waxaan Geyn Doonaa Meel   Aad Uga Saraysa”

Hargaysa (Hubaal ) Wasiirkii hore ee wasaarada arimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo madaxwaynaha Somaliland umagacaabay inuu noqdo wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa ka hadlay xilka cusub ee loo magacaabay. Ugu horayna waxa uu Wasiir Sacad umahad celiyay madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi isagoo sheegay in xilka uu madaxwaynuhu u magacaabay ay muujinayso kalsoonida uu madaxwaynuhu ku qabo “Wasaarada Maaliyadu waa wasaarad aad iyo aad umihiima, magacaabista uu madaxwaynuhu imagacaabayna waxay ka turjumaysaa kalsoonida uu madaxwaynuhu igu qabo, waanan umahad celinayaa, wasaaradan aan ka tagayna waan uga mahad celinayaa shaqaalihii ila soo shaqeeyay oo aanu hawlo badan soo wada qabanay”ayuu yidhi. Mar lawaydiiyay wasiir Sacad dhaliil dadku ay usoo jeedin jireen  intii uu ahaa wasiirka wasaarada Arimaha dibada Somaliland ayuu kaga jawaabay wasiirku “dhaliisha xilka ayaa iska leh, ujeedadayduna waxa weeyi inaan qabto intii tamartayda ah hawsha ihortaala, wasaaradii horana waan udadaalay oo meel wanaagsan ayaan geeyay, wasaarada maaliyada halkan ay imika taagantahay ayaan ka qaadi doonaa oo waxaan gayn doonaa meel aad iyo aad uga saraysa”.    Ayuu yidhi isaga oo uwaramay Eryal TV.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here