HUBAALMEDIA.COM
Wasiir Xaglo-toosiye Oo Socdaal Uu Ku Raadinayo Booskii Uu Wada-hadallada Khaatumo Kasoo Geli Lahaa Ku Tegay Buuhoodle Iyo Ajendayaal Qarsoodi ah Oo Uu Halkaas La Tegay
August 17, 2016 - Written by Mustafe Faro

“Reer Buuhoodloow xilka wasiirka arrimaha guduhu bilaash kuma imane talo ay tashadeen reer Sool ayuu ku yimi, idinkana taladaas mid lamid ah ayaa la idiinka baahan yahay.” Wasiir Xaglo-toosiye.

xaglo

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md Saleebaan Ciise Axmed(Xaglo-toosiye), ayaa safar sanqadh la’aan ah ku tegay magaalada uu kasoo jeedo ee Buuhoodle, waxana uu degay aqalka uu magaalada ku leeyahay.

Wasiir Xaglo-toosiye oo guure kaga baxay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa shalay barqadii galay magaalada Buhoodle, iyada oo aan cidi dareemin, waxana la filayo inuu kulamo hoose la yeelan doono odayaasha iyo waxgaradka reer Buuhoodle.

Wasiir Xaglo oo ka hadhay isku shaandhayntii uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo sameeyey oo la filayey inuu safka hore ka geli doono, ayaa ku mashquulsan sidii dib ugu soo ceshan lahaa saamayntii uu ku lahaan jirey gobollada bariga dalka oo muddooyinkii dambe ay soo baxeen baarqabo kaga awood badan, isla markaana ay madaxtooyadu arrintoodu u daba fadhiisato, isagoo sidoo kale dedaal ugu  jira sidii uu u heli lahaa meel uu kasoo galo qorshaha wada-hadallada lagula jiro maamulka Khaatumo uu haatan dibadda ka yahay.

Saleebaan Xaglo-toosiye oo wata  gaadiid kooban, ayaa intii aanu aqalkiisa gelin waxa uu la hadlay dadweynaha magaalada ku dhaqan, waxana uu ku guubaabiyey inay talo m idaysan isla meeldhigaan, isla-markaana dhinacooda qabsadaan isbeddelka gobolkaas ka socda, “Waan idiinka mahadnaqayaa Sida tolliimada leh ee aad iisoo dhaweyseen, ujeeddada safarkayguna waa haddii aynu reer Buuhoodle nahay inaynu tashano, siyasadaha isu guurka iyo kala guurka ahna inaynu meel ka galnaa waa muhiim.Waa inaynu tashano oo meeshii aynu aragno in danteenu ku jirto ee dalsan ah inaynu isku raacno.” Ayuu yidhi wasiir Xaglo-toosiye.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa carrabka ku dhuftay xilka cuddoon ee dhawaan madaxweyne Siilaanyo u hibeeyey shacabka gobollada bariga, gaar ahaan gobolka Sool, waxana uu reer Buuhoodle u sharraxay sida ay dadka gobolkaasi ku heleen booskaas, waxana uu yidhi, “Reer Buuhoodloow xilka wasiirka arrimaha guduhu bilaash kuma imane talo ay tashadeen reer Sool ayuu ku yimi, idinkana taladaas mid lamid ah ayaa la idiinka baahan yahay.”

Wasiirka caafimaadka ayaa shacabka u sheegay inuu muddo kooban la joogi doono, waxana lagu wadaa inuu kulamo tiro badan la qaato odayaasha iyo waxgaradka reer Buuhoodle oo dhawaan shaaciyey inay Somaliland qaybtooda qaadan doonaan, isla markaana ka bixi doonaan carqaladdii iyo diidmadii ay muddada dheer kusoo jireen.

Dadka u dhuun daloola arrimaha wasiir Xaglo-toosiye ayaa sheegaya in ujeeddada safarkiisu salka ku hayso sidii uu xukuumadda ugu muujin lahaa saamaynta uu gobolkaas ku leeyahay, si uu qayb uga noqdo wada-hadalka lagula jiro waxgaradka iyo siyaasiyiinta reer Buuhoodle oo aanu haatan wax shaqo ah ku lahayn, maadaama muddooyinkii ugu dambeeyey uu gobolkaas arrimihiisa meel iska dhigay.

Sidoo kale booqashada wasiirka, ayaa la sheegayaa inay tahay mid uu kaga falcelinayo saamaynta xubno uu kamid yahay wasiirka Biyaha Md Baashe Cali Jaamac ku yeesheen gobollada Bariga, maadaama ay ku guulaysteen inay dhawaan deegaanada Awr-boogaysa iyo Adhi-caddeeyaba ku qabtaan shirar guulaystay oo aakhirkii keentay in hoggaanka kooxda Khaatumo u aqbalo inuu xukuumadda la galo wada-hadallo madax bannaan.

Saleebaan Xaglo-toosiye oo arrimahaas maanka ku haya, ayaa lagu wadaa inuu odayaasha iyo waxgaradka ay isku deegaanka yihiin ka dhaadhiciyo sida ay wax u sheeganayaan  iyo waliba sida baahida loogu qabo inuu wada-hadalkaas qayb ka noqdo, maadaama haatan aanay jirin wax baahi ah oo isaga(xaglo-toosiye) la xidhiidhinaya inuu wada-hadallada kooxda Khaatumo qaybtiisa qaato.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews