Wasiirka A. Gudaha & Maayar Ku-xigeenka Oo Dhagax Dhigay Wadooyin Ay Dawladda Hoose Ka Dhisayso Degmooyinka Koonfurta Iyo Waqooyiga Caasimadda Hargeysa

0
1

Hargeysa (Hubaal) Wasiirka Arimaha Guddaha ee Somaliland oo ay weheliyaan Maayar ku xigeenka iyo Xoghayaha Fulinta ee Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa, ayaa shalay si rasmi ah u dhagax dhigay Wadooyin laga hirgelinaayo Degmooyinka Koonfurta iyo Waqooyiga ee Caasimadda isla markaana fuliyey Mashaariic Dawladda Hoose ay Musqulo iyo Taagniyo Biyood ugu hirgelisay una dhistay dadka ganacsatadda ee Sayladda Xoolaha Hargeysa ka ganacsadda maalintii. Wasiirka arimaha Guddaha Somaliland md Maxamed Kaahin Cabdi, ayaa isaga oo ay weheliyaan Maayar ku xigeenka golaha deegaanka ee Caasimadda Hargeysa ahna ku simaha Maayarka md Cabdicasiis Maxamuud (Caga-Wayne) iyo Xoghaya Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa Axmed (Juxa) goob joogna uu ka ahaa Suldaanka Guud ee Somaliland Suld. Maxamed Suld. Cabdiqaadir Suld. Cabdilaahi, waxay Waddooyin ay dawladda Hoose ee Hargeysa fulinayso ku dhagax dhigeen Degmooyin Koonfurta iyo Waqooyiga Hargeysa loo dhisi doono iyada oo sido kale Maayar xigeenka iyo Xoghayaha dawladda Hoose mashaariic wasiir Maxamed Kaahin kala qaybgalay ay Musqulo iyo Taangiyo Biyood oo loogu talo galay ganacsatadda ka shaqeeya Sayladda Xoolaha ee Hargeysa, waxaana madasha dhagax dhiga iyo mashaariicda kale ee dawladda hoose fulisay hadalo ka jeediyey masuuliyiintaasi ka qaybgalay.

Maayar ku xigeenka golaha deegaanka ee Caasimadda Hargeysa ahna ku simaha Maayarka md Cabdicasiis Maxamuud (Caga-Wayne) oo ugu horeyn ka hadlay wadooyinka ay dhagax dhigeen ee laga dhisaayo Degmooyinka Koonfurta iyo Waqooyiga Hargeysa qaarkood waxaanu yidhi “Horta waxa la dhisayaa laba wado labadaba midi waa Waddo 3 degmo oo Maxamuud Haybe, Maxamed Mooge iyo Gacan Libaax ee Caasimadda Hargeysa ah maraysa iyo Waddada Jig-Jiga yar ee Maansuur horteeda gaadha 2-da waddoba isla maanta ayaanu dhagax dhigayna waad arkaysaan iyada oo Saacaddu Duhurkii ah in aanu maanta oo Sabti ah dhagax dhigayno”

Xoghaya Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa Axmed (Juxa) oo isaguna ka hadlay Wadooyinka Caasimadda Hargeysa ee isaga iyo Maayar ku xigeen Cabdicasiis Caga-Wayne oo uu weheliyo wasiirka arimaha Guddaha md Maxamed Kaahin ay dhagax dhigeen waxa uu yidhi “Waddadan aanu dhagax dhigayna waxay waddadan 1aad ee aanu dhagax dhigi doono maanta ay ka bilaabmaysa Saldhiga New Hargeysa waxaanay ku dhamaanaysa  Degmadda Maxamed Mooge shishadiisa”

Suldaanka Guud ee Somaliland Suld. Maxamed Suld. Cabdiqaadir Suld. Cabdilaahi oo isaguna madasha dawladda hoose Waddooyinka ku dhagax dhigeen goob joog ka aha ayaa shacabka fariin u diray waxaanu yidhi “Anigu shicibka Degmooyinka iyo Xaafaddaha Hargeysa ayaan fariin iyo guubaabo u dirayaa waxaanan leeyahay dadyahow wax qabsada waayo gacan dawladdeed uun hadii aynu wax ka sugno dhaliil ayey inagu noqonaysa bal eeg hadii waddada yar ee afar dhagax u baahan hadii la yidhaahdo dawladdu maxay u sameyn wayday kii dulmarayey muxu qabanayaa ee ay wadadu danta u ahayd , waxa weeye dadku inay baraarugaan oo aynu yeelano isku tashi iyo in wixii danta umaddeena ah loo kaco oo bulshaddu gacan ka geysato”

Wasiirka Arimaha Guddaha ee Somaliland md Maxamed Kaahin Axmed oo ugu dambeyntii hadal kooban ka jeediyey waddooyinka ay golaha deegaanka ee Hargeysa dhagax dhigeen waxa uu yidhi “Xukuumad ahaan aad iyo aad ayaanu u soo dhawaynaynaa waddooyinkan ay Dawlada Hoose ee Hargeysa maanta ka bilaabayaan degmooyinka Hargeysa qaarkood dadweynaha Xaafaddan aynu imika waddada loo dhisi doono u dhagax dhigayno iyagana waanu u mahadnaqaynaa, dawladda hoose waanu u mahadnaqayna waxaanan leeyahay waddooyinka waynu u dhiisha dhaansaneyna oo wax ayeynu isku gaynaynaa waxaan leeyahay xaafaddahoow dawladda hoose iyo dawladda dhexe wax aka adkaanaysaan soow imika lama laha qaadhaankiinu wuu yar yahay inta yar marka aad keentaan ayaad ka adkaanaysaan inta yar ayuumbaanu hayna anaguna oo wax badan ma hayno inta ay shacabku dawladda u dhiibaan ayuumba la hayaa oo wax qabadka loogu bedelayaa”

Ugu dambeyntii dhinaca kale Wasiir Maxamed Kaahin Axmed waxa uu goob joog ka ahaa hawlo waxqabad iyo mashaariic ay ka mid yihiin Taani Biyood iyo Musqulo ay  Maayar ku xigeen Cabdicasiis (Caga-Wayne) iyo Xoghayaha Fulinta ee dawladda hoose ee Hargeysa ay dawladda Hoose Shacabka ka ganacsada Sayladda Wayne Hargeysa loogu talo galay inay isticimaalaan waxaana Xoghayaha Bilicda ee Dawladda Hoose ee Hargeysa Khadar oo arinta ka hadlaayey uu yidhi “Waxa farxad wayn noo ah in ku simaha duqa caasimadda Hargeysa iyo Xukuumadda Somaliland iyo Xoghayaha fulinta ee dawladda hoose iyo saraakiisha kale ee halkan ku sugani ay si rasmi ah u dhagax dhig doonaan Xamaam Casri ah oo runtii laga hirgelin doono Sayladda Xoolaha ee Hargeysa si Haweenka ganacsatadda ee hooyooyinka u badan iyo dadka halkan ku dhex ganacsada ay u isticimaalaan”

SHARE
Article horeMaxkamada Gobolka Maroodi-jeex Oo xukun Hal sanno oo Xayiraad ah Ku Riday Wargeyska Madaxabannaan Ee Foore
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here