Wasiirka Beeraha oo dalka Holland kaga qayb galay shir lagaga hadlay Horumarinta Wax soo saarka Beeraha

0
1

Utrecht, (Hubaal) -Wasiirka Wasaarada Hormarinta Beeraha Somaliland Mudane Ahmed Muumin Seed ayaa Ka qayb galay shir  Lagaga hadlayay  Wax soo saarka Beeraha Kulankaas oo ka dhacay Wadanka Nederland (Holland).

Ugu Horeyn Waxa hadalka furay wasiir Axmed Muumin Seed oo u mahad celiyey dadkii shirkaasi soo qaban qaabiyay,  isagoo dhanka kalena wasiirku halkaasi ka akhriyay khudbad dheer oo uu kaga waramay qaybaha kala duwan ee wax soo saarka Somaliland ee dhinaca beeraha.  Waxa uu wasiirku sidoo kale ka codsaday xukuumada Nederland (Holland) inay Somaliland ka caawiyaan horumarinta beeraha iyo in la isweydaarsado aqoonta casriga ah ee  la xidhiidha beeraha.

Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland mudane Axmed Muumin Seed ayaa waxa kale oo uu  si guud uga waramay xaalada Somaliland iyo horumarka baaxada leh ee  dalka ka socda.

Wasiirka beeraha Somaliland dalka Holland shir kaga qaybgalay

 Sidoo kale waxa isaguna shirka ka hadlay Mr.Harry van Bommel oo  ah xildhibaan hore oo u dhashay dalka Holland isla markaana u ololeeya qadiyada ictiraaf raadinta Somaliland. Waxaanu sheegay mr.Harry Van Bomel inuu tagay Somaliland kuna soo arkay indhihiisa xaalada nabadgelyo iyo xasiloonida ka jirta iyo horumarka halkaasi ka socda. Wuxuuna ugu baaqay reer Somaliland inay xooga saaraan wax soo saarka beeraha

Waxa iyaguna ugu dambeyntii halkaasi ka hadlay xubno ka mida jaaliyada Somaliland ee dalka Holland.  Waxayna ugu baaqeen aqoonyahanka reer Somaliland ee dalkaasi ku nool inay aqoonta ay halkan ka  barteen uga faa’iideeyaan dalkii.

SHARE
Article horeHARGEYSA: Qaab Sulux ah Oo Maxkamadda Sare Ku Soo Afjartay Guri La Isku Haystay Muddo Ku Dhaw 50 Sanno
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here