Wasiirka Cadaaladda JSL Oo Gaadhay Degmada Ceelbuuh Ee Gobolka Badhan

0
1

Ceelbuuh(Hubaal)Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda cadaalada JSL Cabdirsaaq Cali Cabdi ayaa gaadhay degmada Ceelbuuh ee gobolka Badhan, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey madaxda gobolka, kan dagmada iyo wax garad aad u badan oo ka tirsan odayaasha degmada Ceelbuuh.

Soo dhawaynta waftiga oo ka dhacday duleedka sare ee degmada Ceelbuuh ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyey gudoomiyaha gobolka Badhan Cali Xuseen Soomaali iyo waxgarad aad u badan oo si isku mid ah u bogaadiyey socdaalkani uu markii ugu horeeyey ku soo gaadhay wasiirka cadaalada JSL oo ah wasiirkii ugu horeeyey ee xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi soo gaadha degmada Ceelbuuh.

Wasiirka Cadaalada JSL ayaa aad ugu mahad naqay shacabka degmada Ceelbuuh sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeyn shacbiga ku dhaqan degmada Ceelbuuh ee gobolka Badhan.

SHARE
Article hore“Caalamku Wuxuu Gar-Waaqsaday In La Joogo Wakhtigii La Kala Guri Lahaa Soomaaliya & Somaliland”
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here