Wasiirka Ciyaaraha: “Ma Jiraan Ciyaartooy La Kala Diray”

0
48

Hargeysa (Hubaal)-Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Boos Mire oo u waramay Telefishanka Horn-cable, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay amar uu Wasiirka Maaliyaddu ku kala diray Koox ku ciyaari jirtay magaca Wasaaraddaas oo todobaadkan dhexdiisii Warbaahinta u sheegay in laga joojiyey Shaqaada, iyadoo arrintaasna ay Xisbiyada Mucaaridku ku dhaliileen Xukuumadda Madaxweyne Muuse oo xilligii Olollaha Doorashada balanqaaday dhiiri-gelinta Ciyaaraha iyo Dhalinyarada.

Wasiir Boos, ayaa sheegay inaan Siyaasadda Madaxweynaha iyo Xisbigiisa ay ka hor imanayso curyaaminta Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Xirfada u leh ee u baahan in lagu dhiiri-geliyo.

 

Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyada ayaa hore uga gaabsaday inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan sababta ay Kooxda ku ciyaaraysay Magaca Wasaaradda u kala direen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here