Wasiirka duulista hawada oo boqorka Kuweyd damcay inuu lacag kaga helo magaca xaaskaaga ayaan garoonka diyaaradaha Berbera u bixinayaa iyo waji gabax uu qorshahaas kala kulmay

0
32

Hargeysa(Hubaal)-Wasiirka Duulista iyo Hawda ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa Waji-gabax kala kulmay Dawlada Dalka Kuwayd oo dhawaan uu safar uu ku tagay ka Dib markii la sheegay in uu halkaasi geynayo Xisaab xidhkii Lacag ay Kuiwad ku caawisay Somaliland oo Qiimaheedu ahaa 15 Milayan oo Doolar oo uu sheegay wasiirku in ay ku dhiseen Madaarka Cigaal ee Hargeysa.

Wasiir Maxamuud xaashi  ayaa Markii uu Kulanka la yeeshay Dawlada kuweyd gaar ahaan Sanduuqa la yidhaahdo Kuwayd Fun oo Somaliland soo gaadhsiiyey Deeqda lagu dhisay madaarka ayaa wax auu wasiirku ka Codsaday in ay Caawimo kale siiyan maadama uu keenay Xisaab xidhkii hore.

 wasiirka duulista somaliland

Dawlada Kuwayd ayaa sheegtay in Madmadaw badani uu ka buuxo Xisaab xidhkiisa sidaasi daradeed aanay waxaba siinayn, wajigabaxaasi uu waskiirku kala kulamay dawlada Kuwayd ayaa waxa keentay in uu Boqorka Dalka Kuwayd uu u balan qaaddo wasiirku in Madaarka Berbera uu ugu magacdarayo Xaaskiisa.

Illaa hadda lama oga in uu Boqorku ka Aqbalay codsigaasi wasiirka balse ilo wareedyo Blaigubadlemedia helay ayaa sheegaya  in Wasiirku Arrintaasi ka sheegay shir uu la yeeshay jaaliyada Somaliland ee Kuwayd ku dhaqan oo wasiirka kulan la yeeshay.

Si kasta ha ahaatee Waxa halkaas ka cadaatay in la Musuq Maasuqay lacagtii dawlada Kuwayd ugu deeqday Somaliland.

Xigasho Baligubadlemadia

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here