Wasiirka Gaadiidka Oo ku Dhawaaqay Dhismaha Wadada Boorame Ilaa Lawyocado

0
1

Wasiirka Gaadiidka Oo Socdaal Shaqo Ku Joogay Magaalada Boorame Oo Ay Weheliyaan Wafti Ka Socda Banka Horumarinta Africa, Ayaa Ku Dhawaaqay Dhismaha Wadada Boorame Ilaa Lawyocado

Boorame (W Gaadiidka) Wafti uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka C/laahi Abokor Cusmaan oo ay ka mid yihiin Maareeyaha Wakaalada Wadooyinka Somaliland iyo xubno ka socday Banka Horumarinta Afrika (African Development Fund) ayaa booqday Wadada isku xidha Jabuuti iyo Boorame, wadadan oo ay dhismaheeda gacanta ku hayso Hay’adda madaxa banan ee SARDA oo gacan ka helaysa dadweynaha Gobolkka Awdal iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somliland, ujeedka socdaalka waftigan ayaa ahaaa qiimayn iyo sidii ay u suuro galilahayad in Banka Horumarinta Afrika (African Development Fund) gacan ka gaysto dhismaheeda oo uu u dhislahaa.

Kulan arintaasi ku saabsan oo ka dhacay goobta dhismaha wadadu ka socoto oo ah duleedka Galbeed ee Magaalada Boorame, ayaa wax ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Maareeyaha Wakaalada Wadooyinka, Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Awdal, Maareeyaha Hay’adda Madaxa Banaan ee SARDA, Xubno Ka Socda Banka Horumarinta Africa, Sulaadiin, Sheikhal Beladka Magaalada, Xubno ka Mida Wasiiradda Dawladii hore iyo Dadweyne kale.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo si weyn magaalada loogu soo dhaweeyay ayaa u mahad u celiyey dadweynaha deegaanka, islamar ahaantaasna waxaa uu iftiimiyey qorshayaasha horumarineed ee Xukuumada Kulmiye, sidoo kalena waxa uu sheegay in ay dhaqaale uga heleen wadadan Banka Horumarinta Africa, waxaana hadaladiisii ka mmid ahaa:- “waxaan jecelahay in aan sadex qodob uun aan ka hadlo, midi waa mahad naq, aan idiin mahad naqaayo dhamaan madaxda iyo qoorweynta Gobolka awdal, sida sharafta leh ee aad maanta noo soo dhaweyseen, midna waxaan jeclahay in aan idinku baraarujiyo, siyaasada guud ee aanu qaadanay hadaanu nahay Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye, marka laga tago adeega aasaasiga ah sida Caafimaadka iyo Waxbarashadda, Dawladdu waxa ay u aragtay in mudnaan la siiyo sadex shay, shayga 1aad waa kaabayaasha dhaqaalaha, shayga 2aad waa wax soo saar, sida xoolaha beeraha iyo kaluumaysiga, qodobka 3aad waa biyaha.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:- “ markaa sadexdaas qaybood waa inoo mudnaan shanta sono ee soo socda, runtii wadadni waxa ay anaga noogu jirtay mudnaanta 2aad, marka laga tago wadada ceergaabo, lakiin maanta waxa nasiib noo ah in ay nooga soo harumartay wakhtigii qorshuhu noo ahaa, anagoo dhaqaale ka helnay Bank Horumarinta Africa, aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa, waxaanu ku khasbanahay maadama shaygu ahaa balanqaadkayagii cid kasta oo nagala qayb qaadatay, waxay u socdaan iminka xaqiiqo raadin, si dhakhso ahna waa loo bilaabidoonaa daraasadii, mudo 12 bilood gudahood ahna waxaanu jecelnahay insha allah tacaala in wadadu si rasmi ah inoogu bilaabanto.”

Maareeyaha Wakaaladda Wadooyinka Cismaan Sheikh Cabdi Muxumed oo isaguna goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeya mashruucan, waxaana ka midhaa hadlkiisii:- “ anagu aad ayaanu ugu faraxsanahay angoo ay noo qorshaysnayd in aanu mustaqbalka ka shaqayno oo aanu gacan ku leenahay Wasaaradd ahaan iyo Hay’add ahaanba in maanta nasiib ay tahay in mashruucii weynaa wijjigiisii 1aad halkan ka bilaabmayo.”

Maamulaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Warshadaha ee Bariga Africa ee Banka Horumarinta Africa Xuseen yuusuf Iiman oo halkaasi ka hadlay, ayaa ka mahad naqay sida loogu soo dhaweeyay Dalka JSL, sidoo kalena waxa uu ka hadlay ujeedka socdaalkooda, waxaanu yidhi:- “ waxaanu u nimi ugu horayan daraasadii lagu samayn lahaa wadadan Boorma ilaa Lawyocado, kadibna waxa ku xigidoonta maalgalinti oo qaadandoonta ilaa sideed bilood.”

Waxa iyaguna goobta ka hadlay Badhasaab kuxigeenka Gobolka Awdal C/raxmaan Nuur Sugaal, Maareeyaha Hay’adda Madaxabanaan ee ASARDA Yaasiin Qalinle Kaahin, Sheikhal beledka Magaalada Sheikh C/aahi Sheikh Cali Jawhar, qaar ka mida Sulaadiinta Dhaqanka ee Deegaanka, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, iyo Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal, sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay Wasiirkii hore ee xidhiidhka golayaasha Cali Xaamud Jibriil, oo dhamaantood soo dhaweeyay mashruuca iyo waftigaba.

Gabogabadii waxa uu Waftigu booqday dhismaha Buundada isku xidha Jamaacada Camuud iyo Magaalada Boorame oo gabogabo ku dhaw.

© Communication Office of the MoRTD, Somaliland.
SHARE
Article horeAgaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland oo La Kulmay Agaasimaha Hay’adda Awqaafta Turkiga
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here