Wasiirka Shaqo-gelinta Somaliland oo Ka Sheekeysay Dhacdo Cajiib ah oo ay kala Kulantay Cusbitaal Hargeysa Ku Yaalla

0
1

Wasiirku Waxay Cusbitaalka ku Ammaantay Gaargaarka Caafimaad ee uu Bulshada Somaliland u hayo

Hargeysa(Hubaal) Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Marwo Hindo Jaamac Xirsi, ayaa Dhakhtarka Hargeysa international hospital ku ammaantay doorka mutadawacnimada ah ee ay hayaan iyo adeegyo caafimaad oo ay si lacag la’aan ah ugu fidiyaan Dadka reer Somaliland oo ay goob-joog u noqotay. Wasiir Hinda Jaamac Gaanni, waxay sidaa ku sheegtay Munaasibad lagu abaal-marinayey shaqaalihii ugu dedaalka badnaa Hawl-wadeennada Cusbitaalka Hargeisa international Hospital oo lagu qabtay magaalada Hargeysa 26-kii bishan December, waxay ka sheekaysay adeeg ay lacag la’aan kula kulantay mar ay Cusbitaalkaas doonaysay inay lacagteeda iskaga dawayso, balse ay ku beegantay maalin Bulshada lacag la’aan ay ugu shaqeeyaan Dhakhaatiirka Cusbitaalku.

Munaasibaddaas waxa kale oo ka qaybgalay Guddoomiyaha Guddiga Mihnadleyaasha Caafimaadka Somaliland, Xubno ka socday Wasaaradda, Masuulilyiinta, Dhakhaatiirta, Shaqaalaha Cusbitaalkaas iyo Marti-sharaf kale, waxaana ugu horreyn halkaas Warbixin la xidhiidha adeegyada kala duwan ee caafimaadka la xidhiidha ee Cusbitaalku bulshada Somaliland u qabtay intii uu jiray Cabbaas Cabdiraxmaan Ismaaciil oo ka mid ah Masuuliyiinta Cusbitaalka, waxaanu yidhi; “(Intii Cusbitaalkani furnaa waxaa ku tabobbartay 150 Kalkaaliyeyaal caafimaad ah ayaa ku tabobbartay, 62 Farsamayaqaannada Laabka ah, 23 Dhakhtar iyo 18 aqoonta Farmasiiyada iyo dawada bartay. Waxa Cusbitaalku qabtaa sannadkiiba hal mar kulankan oo kale oo lagu abaal-mariyo shaqaalihii dedaalay, si ay dedaalkooda u sii badiyaan, kuwa kalena ugu day’daan.”

“Doorka Cusbitaalku ku leeyahay Mushtamaca Somaliland, waa inuu qayb laxaadle ka qaato Caafimaadka, oo deegaannada magaalooyinka ka fog iyo gobollada hawl-wadeennada Cusbitaalku u baxaan oo ay tagaan meelaha adeegyada caafimaad ku yar yihiin ama aanay dadku badi awoodin inay lacag bixiyaan oo lagu siiyo adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah oo baadhitaan, dawayn iyo mararka qaar qalliinno lacag la’aan ah. Waxa uu Dhakhtarku sameeyey 53 kulan, wuxuu daweeyey 29000 (labaatan iyo sagaal kun) oo Qof oo lacag la’aan ah, waxa uu sameeyey Kun iyo siddeetan Qalliin, wuxu sameeyey kun iyo shan boqol oo qalliinka indhaha ah, wuxuu sameeyey konton qalliinka dibnaha ah, dhammaan waxaas lacag la’aan ayuu Cusbitaalku ku fuliyey.” Sidaa ayuu yidhi Cabbaas Cabdiraxmaan.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta Hindo Jaamac Xirsi, ayaa ka sheekaysay dhacdada ay goob-joogga u noqotay, waxaanay tidhi; “Waxaan shaahid u ahay oo aan qirayaa inay Cusbitaalka Hargeisa international Hospital yihiin samofalayaal dhaw oo dhab ah oo Reer Somaliland u gurmada oo u gargaara. Waxaan ku caddaynayaa maalin salaasa ah baan imi aniga oo dar Illaahay isaga soconaya oo doonaya inaan dhakhtarka kaadh ka qaato oo aan lacagtayda isku daweeyo, balse Illaahay qaddartiisa waxaan ku soo beegmay maalin bilaash ah oo lacag la’aan ah oo aan dadkaba lacag laga qaadin ee dar Illaahay Dadka loogu shaqeeyo.”

“Wiilkii kaadhka jarayey baan u tegay oo aan ku idhi, ‘Kaadh baan doonayaa’ wuxuu igu yidhi; ‘Dhakhtarku waa lacag la’aan maanta, waan la yaabay oo waxaan ku idhi; ‘Dhakhtarkaan doonayaa inaan iska daweeyee, Eddo Kaadh isii,’ wuxuu iigu jawaabay; ‘Waa salaasa oo kaadhadhku waa bilaash ee u gal dhakhtarka aad doonayso’. Arrintaasi waa qodobka koowaad oo waxaan qirayaa inay mutadawacnimo ugu shaqeeyaan bulshada reer Somaliland ama Hargeysa ha joogaan ama baadiye ama magaalooyinka kale’e waxaad ugu jirtaan meel wax ku ool ah ee Allaah Miisaanka xasanaadka ha idiinku daro ayaan leeyahay.” Sidaa ayey tidhi Wasiir Hinda Jaamac, waxaanay sheegtay inay sidoo kale Cusbitaalku sidoo kale adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah siiyaan Carruurta Darbi-jiifka ah ee Hargeysa iyo kuwa Xarumaha Agoonta lagu daryeelo-ba.

Sidoo kale, Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Frantz Fanon oo ka furan Hargeysa, ayaa kulankaas ka sheegay in Cusbitaalkani door muhiim ah ka qaato aqoonta caafimaadka marka laga yimaaddo adeegga caafimaad ee uu bulshada u hayo, isaga oo xusay in Cusbitaalkan ay ku tabobbartaan Dhakhaatiir, Kalkaaliyeyaal caafimaad iyo Dadka Farmasiiyada, dawaynta iyo goobo badan oo caafimaad kaga hawlgala aqoontii ay Cusbitaalkan ka barteen, soona dhawaynayaan aqoon kharash badani ku bixi jirtay oo waddamada dibedda loo doonan jiray in Cusbitaalkani dalka gudihiisa keena, taasna uu sharafteeda, ammaanteeda iyo mahad-naqeeda Allaah ka sokow u hayo Bahda Cusbitaalka Hargeysa international hospital.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Agaasimaha guud ee cusbitaalka Hargeisa international Dr. Cabdilxaliim, qaar ka tirsan Saraakiisha Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda Afrikan Relief, kuwaas oo dhammaantood sheegay in Cusbitaalku si guud ugu adeegyo Bulshada Somaliland, gaar ahaan Agoonta iyo dadka danyarta ah ee jilicsan ee aan awoodin inay dhaqaale ku raadiyaan adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin. Gebo-gabadiina waxa halkaas shahaadooyin lagu guddoonsiiyey xubnaha dedaalay sannadkan 2018-ka ee ka tirsan Shaqaalaha Cusbitaalkaas.

SHARE
Article hore“Waxaanu Falanqaynay Muhiimada Ay Leedahay Bogcadan & Duruufaha Ku Xeeran Iiraan & Shiinaha Iyo Midowga EU”
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here