“Wasiirka Yidhi Hudheellada Laguma Shiri Karo Xataa Guulwade Wuu Dhaafay Oo Wixiisu Waa Bidhikaale”

0
31

“Inaga Socon Mayso Dawlad beel qudha ka samaysani, fadeexadd Baanu Dibeddii La Socon La’nahay Oo La Leeyahay  ISAAQ Land Baad Sameysateen”

Hargeysa (Hubaal) –  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo maalintii shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa si adag uga hadlay xaaladda Dalku haatan madaxa la galay, waxana uu si weyn uga dayriyey Kuraasidii Muhiimka ka ahaa Somaliland oo uu sheegay inay Beesha Dhexe wada Cuuratay. Faysal Cali-waraabe waxa uu sheegay in Dawladnimadii Somaliland u muuqato mid meesha kasii baxaysa, isagoo intaas raaciyey in yididiiladii iyo Rajadii Bulshadu ay meesha kasii baxayso. faysal cali waraabeEng. Faysal Cali-waraabe waxa uu sheegay in Heshiiskii Somaliland hore Beelaha deggeni ugaleen ee awood-qaybsiga ahaa uu meesha ka baxay, isla-markaana kaliya Beelaha Dhexe awooddii cunaha iskaga duubeen, “Maxamed Ibraahim cigaal baa inoo sameeyey Distoor Hay’adihii xukuumaddu dhisay, Baasaboorna wuu sameeyey, Daahir Rayaalena Dimuqraaddiyadii buu bilaabay oo doorashooyin buu qabtay, Laakiin Maanta Arrimahaas oo dhammi waxad moodda inay Farah aka baxeen oo awooddii dalku kusoo ururtay Beelihii SNM-ta ahaa, Beelihii SNM-ta ahaa, Beelihii Hareerahana Saluug weyni ku jiro, Qaarkoodna Jabhado Samaysteen,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe. Eng. Faysal oo Hadalkiisa sii wata, ayaa hoosta ka xarriiqay in dhaqanka Dawladda Maanta ka muuqdaa aanu keeni Karin Ictiraafka baahida loo qabo, waxana uu yidhi,“Meeshii Waxa iskugu soo hadhay Beelihii Dhexe iyaga qudhoodiina way is haystaan.Nidaamkii Dawladeed wuu Burburay, Salaadiintii baa iska hadlaya, Xisbiyadii baa iska Hadlaya, Wasiirradii Baa iska barbar hadlaya Sida aynu haatan nahayna waynu ka leexanay Habkii Ictiraafka lagu helayey.” Waxa uu Faysal sheegay in dunida ku jaahwareersan tahay Dhaqanka siyaasiyiinta Somaliland ee isku deegaanka ahi isugu baarqabaynayaan, “Inaga Socon Mayso Dawlad beel qudha ka samaysani, fadeexaddii baana aanu dibaddii la socon la’nahay oo la leeyahay waxaad samaysateen Isaaq-land, idiinkiibaana Haddana Habkii dumarka u caytamaya.” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe. Waxa uu Eng. Faysal Farriin muhiim ah hawada u mariyey Madaxweynaha Somaliland, waxana uu xusay in Jawaabtiisii qaranku wali sugayo, masuuliyadduna saaran tahay, maadaama la doortay, waxana uu yidhi isagoo arrintaas ka Hadlaya, “Madaxweynaha waxan leeyahay dalkan adigaa laguu igmadaye inaad Mucaaridka jawaab siisaa lagaaga baahan yahay, Waxa aanu diiddanahayna ma aha Madaxtooyada oo kali ahe halkan waxa jooga Baarlamaankii oo intaas oo jeer loo kordhiyey. Dalkuna ma qaadi karo waxaas oo sharci-darro ah.” Guddoomiye Faysal Waxa uu sheegay in baahi weyn loo qabo in xukuumaddan haatan jirta lagu beddelo xukuumad sida uu sheegay dalka Doorasho gaadhsiin karta, waxana uu xukuumadda wakhtigan ku dhaliilay tamar-darro gaadhay in shacabku ka kalsooni baxaan, “ugu horrayn waxa loo baahan yahay in wakhtigii xukuumadda iyo Asxaabtu ku heshiiyeen lagu socdo ama Dawladdu tidhaahdo waanu diidnay oo tii guurtidaanu qaadanay, Dawladanna Wakhtigeedii wuu dhammaanayaa madaxweynahana waxanu usoo jeedinaynaa in Dawlad Tayo leh la dhiso, Dawladdanina dalka ma gaadhsiin karto sanad iyo lixdaas bilood oo tamar ay kaga baxdo ma hayso, si  loosoo celiyo kalsoonidii shacabka iyo tii beesha caalamaba waa in dawlad la dhisaa.” Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal. Mar uu ka Hadlayey Muranka Asxaabta qaranka ee Xilligan iyo sawirka ay bixinayaan, ayaa waxa uu yidhi, “Imika inamo ilmaadeer ah uun baa murmayee Somaliland ma murmayso dadkii hareeruhuna waa ina daawanayaan, markaa waa in kuraasida taagan la qaybiyaa ka hor inta aan Doorasho la gelin.” axa uu Guddoomiye Faysal u jawaabay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ee Dhinaca Maamulka Degmooyinka iyo Dawladaha Hoose Axmed Faarax Cadarre oo dhawaan shaaciyey inaan Mucaaridku Hutellada ku shiri karin, waxana uu yidhi, “Wasiirka yidhi Hudheellada laguma shiri karo Xataa Guulwade-nimo wuuu dhaafay oo wixiisu waa Bidhikaale-nimo.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here