“Wasiirro Ayaa Iigu Hanjabay Xadhig Haddii aan Hargeysa Imaado, Waxaanan Leeyahay Qofna Aniga Somaliland Iiguma Hanjabi Karo”

0
1

“Waxaan Sheegay Wasiirro Kii Hadlaaba Uu Madaxwenihiisa Ceeb Usoo Jiidayo, Diyaar Baanan U Ahay Haday Dembi Tahay Sheegida Aan Sheegay In Laygu Ciqaabo” Dr. Xaglo-Toosiye

Hargaysa (Hubaal):- Wasiirkii Hore Wasaarada Caafimaadka Somaliland Xukuumadii Siilaanyo dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye ayaa waxa uu sheegay in Wasiiro ka tirsan Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi ay ugu hanjabeen xadhig hadii uu Hargaysa yimaado.

Ugu horeyn Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye oo u waramay warbaahinta Bulsho Tv ayaa ka hadlay hadal dhawaan kasoo yeedhay agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha Somaliland, kaasi oo u saabsanaa tartanka ciyaaraha oo ay qabanayso wasaaraddu, hadalkaasi oo muran kadhex dhaliyay qaar kamid ah mas’uuliyiinta gobollada dalka.

“arrinkaas waa maqlay, ma wacnayn marka hore inaanu ciyaaro ku murano oo waynu ka gudubnay, ciyaaruhu waa muhiim gaar ahaan dhalinyarada ay muhiim u yihiin. Agaasimahu waxa muhiim ah inuu ogaado inay Somaliland jiraan saddex iyo gobol, haddii la qabanyo ciyaaraha oo laga hadlayo, waa in 13-ka gobolba noqdaan oo kasoo qaybgalaan. Ayuu yidhi Xaglotoosiye

Waxa kale oo wariyuhu weydiiyay dr, Xaglo-toosiye sida uu u arko munaasibada xuska 18-ka may ee hore loogu soo dhigay maalinta 15-ka may, waxaanu ku jawaabay “arinkaasi waa arin xasaasiya, qolada ku doodaysa in ramadaanta laga hormariyaana way saxan tahay, qolada ku doodaysaa in ramadaan dhexdheeda la qabtaana oo meesheeda loo daayaana waa saxan tahay, waxaba waxa ka saxan oo ka wacan in labada qolo ee fikrada kala gedisan qabtaa ay inay isu yimaadaan wadafadhiistaan oo ay isla meel dhigaan go’aan ay ku midaysan yihiin.” Ayuu yidhi

Waxa kale oo wariyuhu weydiiyay dr, Xaglo-toosiye bal waxa ka jira in qaar kamid ah wasiirrada xukuumadda madaxweyne Biixi ay ugu hanjabeen isaga hadal uu yidhi, waxaanu isagoo ka jawaabaya uu yidhi markale. “way jiraan rag badan oo aan rabin inaan halkan ka sheego oo intay ila soo hadleen ii hanjabay, hanjabaadooduna aniga iga celin mayso inaan Hargeysa imaado inaan Somaliland ba ahaado, anigu Somaliland-er baan ahay Somaliland waxaan jecelahay inay ka jirto caddaalad iyo is-ixtiraam, qofna aniga Somaliland gudaheeda iiguma hanjabi karo, Hargeysana waan imanayaa, haddii aan dembi galay, diyaar baan u ahayn inaan mutaysto iqaabta xadhiga dambigaasi leeyahay. Waxaan sheegay wasiirro kii hadlaaba uu madaxwenihiisa ceeb usoo jiidayo, diyaar baanan u ahay haday dembi tahay sheegida aan sheegay in laygu ciqaabo, laakiin hanjabaado badan baa iga soo gaadhay wasiirro iyo dad kaleba, nin loo hanjabona anigu ma ahi.” Ayuu yidhi Xaglo-toosiye

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here