Wasiiru-dawlaha Beeraha Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhaqanka Oo Qaabilay  Ururka Dhalinyarda Gobolka SOOL Ee Midnimo Oo Kalsoonidooda Siiyey Xisbiga KULMIYE

0
316

 

DAAWO SAWIRRADA+VIEDO: Dhoollatus uu Ururka MIDNIMO Oo Ka Dhisan Gobolka SOOL Ku Muujiyey Cududooda Siyaasiga Ah Iyo Nuxurka Khudbado ay Masuuliyiintani Ka Jeediyeen Madashan.

Laascaannood (Hubaal)- Wasiiru-dawlaha wasaaradda beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska Somaliland Faysal Xirsi Jaamac (Faysal Xawte) oo kamid ah wefti xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ka socda oo beryahanba socdaal la xidhiidha qaadashada kaadhka codbixinta iyo u diyaar garawga doorashada madaxtooyada ku joogay gobolka Sool ayaa habeenkii xalay ahaa ka qayb galay Munaasibad ilyartu is qabatay oo lagu soo dhawaynayay ururka dhalinyarada gobolka SOOL ee Midnimo oo fadhigiisu yahay magaallada Laascaanood kaasi oo si rasmi ah  kalsoonidiisa siyaasiga ah ugu hanneeyey xisbiga KULMIYE si buuxdana u taageeray murashaxa madaxweynaha ee xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi.

Munaasibadan oo isugujirtay dhoollatus siyaasi ah iyo muujinta cududa taageeero ee  dhalinayrada gobolku la barbar taagan tahay KULMIYE ayaa waxaa hadallo kajeediyey hogaanka ururka Midnimo, iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiir Cabdiwaaxid iyo agasime Faysal Xawte kuwaasi oo ku boorriyey dhalinyaradan inay dedaal u galaan sidii ay hankooda iyo hammigooda siyaasiga ah uga dhabayn lahaayeen, iyagoo uga mahad naqay in ay caddeeyaan mabda’ooda kuna soo biiraan xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE oo mar labaad isu diyaarinaya hanashada codka bulshada Somaliland marka la gaadho doorashada madaxtooyada.

Halkan hoose ka daawo khudbadihii xafladdaasi laga jeediyey iyo muuqaallada sawirradii madashaasiba.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here