HUBAALMEDIA.COM
Wasiiru Dawlaha Nabadaynta Oo Ku Baaqay In Loo Diyaar-garoobo Gogosha Uu Madaxweynuhu Dhigay Burco
September 5, 2016 - Written by Mustafe Faro

Wasiir Cabdirashiid Gargaar  WAxaa Uu  Shir Taariikhi Ah Ku Tilmaamay Gogosha Madaxweynuhu  U dhigay Beellaha Gobollada Bari Oo Bisha October Ka Qabsoomaysa Burco

wasiiru dawle

Hargeysa (Hubaal) -Wasiiru Dawlaha nabadaynta iyo horunmarinta gobalada bariga Somaliland Cabdirashiid Xuseen Cabdule (Gargaar) oo socdaalo safar shaqo oo bulshadda reer Sool diwaangelinta Codbixinta doorashooyinka mudo bil ah ugu maqnaa,  ayaa ka  warbixiyay socdaalkiisa iyo waxyaabaha u soo qabsoomay, waxaana uu sheegay in meelo wanagsan ay marayso diiwangalinta ka socota deegaanada gobalka sool isla markaasina tiradii ugu badneyd ee gobalkaasi ay is diiwangalisay. Cabdirashiid Xuseen Cabdule (Gargaar), ayaa Shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa Madaxtooyadda Somaliland , waxa uu ka warbixiyey Safar shaqo oo mudo bil ka badan uu wacyigelinta diwaangelinta codbixiyaha doorashooyinka Somaliland ka dhex waday Bulshadda Gobolka Sool, waxaanu dhinaca kale amaanay Madaxweynaha Somaliland oo Beelaha Bariga Dalka u fidiyey Shirweyne Burco lagu qaban doono, isaga oo dhanka kale ididiilo ka muujiyey wada hadalka Xukuumadda iyo Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galeydh u bilaabmay. Wasiiru Dawle Cabdirashiid Xuseen Cabdule “aad iyo aad waxaan ugu hambalyeeynayaa dadweynaha gobalka Sool oo ahayd markii ugu horeysay ee diiwangalinta si baaxadleh loo galo,gobalka oo weyn oo aad u kala fog iyada oo uu wakhtigu nagu gaabnaa marka loo eego diiwangalinta siday u dhacday waa mid aad u qurux badan aad iyo aad ayaan ugu hanbalyeeynayaa, waxaan madaxweynaha wakhtigaa kooban ee hadhay inay ka faa’iidaystaan oo sidii hore uga qeyb qaaten u dhamaystiraan insha Allah guul ayaan u rajeynayaa waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa guddida doorashooyinka heer qaran iyagana waxaan ku boorinayaa inay ku dadaalan wakhtigaa dhiman sidii loo xoojin lahaa taasi waxay ku tusaysaa bisaylka dadku ay qabaan iyo halka ay marayaan”ayuu yidhi Wasiiru Dawle Cabdirashiid Gargaar  mar wax laga waydiiyay halka ay marayaan wadahadaladii Somaliland iyo  kooxda siyaasi Cali khaliif hogaamiyo ee Khaatumo waxaanu ku jawaabay “wadaladaladii kamay bixin wakhtibay qaadanayaan waa wadahadal nabadeed,wadahadalku wakhtigiisa ayuu leeyahay muddo horaa la qabtay muddadii waxaa naga soo gashay diiwangalinta oo muhiimadeeda iyo culayskeeda lahayd,balantii wali way taagantahay waana loo balansanyahay maaha mid istaagay kamanay bixin dawladii aad iyo aad ayaan u dardargalinaynaa”. Cabdirashiid Xuseen Cabdule (Gargaar) oo ah wasiiru dawlaha nabadaynta iyo horunmarinta gobalada bari ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadlay gogoshii nabadeed ee madaxweynahu ugu baaqay beelaha gobalka sool qabqabadeedu halka ay marayso, waxaana uu tilmaamay in xukumadu ay dadaal ugu jirto isla markaasina ay rajeynayaan in la qabto shirkaasi isagoona beelaha gobalka sool ugu baaqay in dhamaantood si wada jira ay uga soo qeyb galaan gogoshaasi nabadeed”. “Waxay ku jirtay arintaasi oo madaxweynuhu ka sheegay shirkii adhi cadeeye khudbadaasi oo ahayd mid taarikhiya iyo safarkii uu madaxweynahu ku tagay oo labbaduba ahaa kuwo taariikhiya, waan rajeynayaa siduu madaxweynahu sheegay in loo ajiibo muddo yar ayaa hada naga xigta wakhtigeedanay leedahay lakiin waxaan rajeynayaa in shirku sidaa loogu hanweynyahay layskugu yimaado,dadka loogu baaqayna ay si midaysan uga qeyb galaan xagayagana sidii madaxweynahu sheegay u hirgalo xagaana waxaan ugu baaqayaa in beelahu si midaysan dhamaantoodba uga qeyb galaan, rajo badan iyo guul ayaanu ka filaynaa”ayuu yidhi.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews