“Wax Caqliga Geli Kara Ma Aha In Ninkii Wadanka U Soo Halgamayay Markuu Maanta Hawl-gab Noqday La Yidhaahdo Dalka Ayuu Khiyaameeyey”

0
1

“Maanta In Madaxweyne Siilaanyo Lagu Sheego Khiyaamoole Ma Ogolin, Kalmadaasina Meesha Ma Qabato”- Xil. Nacnac

Xildhibaan Nacnac oo Raalli-gelin Ka Bixiyey Dhaliilo Uu Guddoomiyaha Xisbigiisu Ku Duray Madaxdaqaranka, Si Gaar Ahna Madaxweynihii Hore Ee JSL Uga Difaacay Eedihii Cabdiraxmaan Cirro Kasoo Yeedhay

Hargeysa (Hubaal ) – Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliand ayaa ka difaacay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) dhaliilo ku saabsanaa in  intii uu xukunka hayay uu dalka ka galay khiyaamo. Xildhbaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo waraysi kooban siiye  Hadhwanaagnews oo aanu xalay warkan kasoo xiganay  ayaa yidhi  “Maanta In Madaxweyne Siilaanyo lagu sheego Khiyaamoole ma ogolin, Mana aha ayaanu leenahay, ninka wadanka u soo halgamay, intaas oo sano u soo halgamayay maanta markii uu hawl gab noqday, in la yidhaahdo Dalkii ayuu khiyaameeyay wax caqliga geli kara maaha, kalmadaasina ma qabato madaxweynihii hore ee Somaliland” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here