“Wax Idin la Mid Ahi Ma Jiro [Waayo] intii dhaqanku ku dhisnaa ayaad xasuuqdeen Ee Immika Mays Daba-qabannaa”

0
34

“reer Ceel-Afweynoow, dhaqanku sida ma ahaan jirin  Oo ar Sodogii, Seedigii, Abtigii, Inaadeerkii Iyo Inaabtigiiba Waad Xasuuqdeen”- Maayarka Ceerigaabo

 

Ceel-afweyne (Hubaal)- Guddoomiyaha golaha Deegaanka ee degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag Ahna Duqa magaalladaasi Md. Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa shaqaaqadii dadka badan sahayatay ee     deegaanka Ceel-Afweyn ku soo noqnoqtay ku tilmaamay mid ceeb iyo qadaf ku ah damiirka iyo   Riximkii ehelnimo ee ka dhaxaysay umadda reer Somaliland guud ahaan, gaar ahaana labada beellood ee deegaankaas ku dhaqan.   Maayar  md Ismaaciil Xaaji Nuur oo Khudbad ka jeedinaayey Madal laysku soo hor fadhiisiyey   haldoorka labadan Beelood ee Colaada   ku dhexmartay Deegaanka Ceel-Afweyn, waxa uu   si adag ugu canaantay labada dhinac isaga oo tusaale ugu soo qaatay in dadka ku kala dhintay ee ay iska dileen labada dhinac ay ahaayeen kuwo Seedi, Sodog, Abti, Ilmaabti iyo intii dhaqanka Somaliyeed ee Tolka iyo Gacalka ahiba ka dhaxayn jirtay inay xasuuqeen oo ay laayeen loona baahan yahay inay dhakhso u joojiyaan colaadaasi oo aanay mar kale inta la heshiisiiyo aanay dib u soo noqonin. Md Ismaaciil Xaaji Nuur oo ka hadlaayey heerka dhibaatada colaada labada Beelood ee Ceel-Afweyn isku dilaya inta ay leeeg tahay khasaaraheedu waxa uu yidhi “Waar sodogii ayaad disheen, Seedigii ayaad disheen, Abtigii ayaad disheen, Inaadeerkii ayaad disheen, Adeerkii ayaad disheen oo Inaabtigii ayaad disheen ma beenba  intii dhaqanku ahaa ee ku dhisna ayaad xasuuqdeen reer Ceel-Afweynoow, waar dhaqanku sida ma ahaan jirin umaddaha Illaahay wax noociina oo kale ahi ma jiraan oo wax idin la mid ahi ma jiraan waar imika mays daba qabana hadii aynu rumaynayno heshiis la wada galo oo taasi dhab inaga tahay oo ay maanta khatimkii tahay Illaahay ha ka dhigo ee nin waliba waa ducaynayaa duco badana anigu waan u soo joogay”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here