“Wax Ka Baro Afarta Shay Ee Ay Ku Kala Duwan Yihiin Qoraalka Qalinku Xarriiqo Iyo Hadalka Dhuuni Keentayga Ah”

0
70

Dadkeenna waxa u wanaagsan gaar ahaan inta wax qorta waxna akhrida in ay fahmaan qalinka iyo qoraalka macnihiisu in uu aad u ga duwan yahay hadalka suuqa. Hadalka suuqa haddii qalin la gu qoro waxa uu nuxur ahaan noqdaa tiraab aad u liidata iyo wax aan la akhriyi karin oo aad mooddo in uu ka soo burqaday qof xis ahaan aan maan san lahayn, hadar ubad leh oo talo ka leexsan tahay.

 

Qoraalku waxa uu u baahan yahay barasho – ma aha wax dabiici ah – waa in qofka wax qorayaa marka hore yahay qof aad wax u og, waayo-arag ah, caqliga u saaxiib ah oo boqol dhinac wax ka arki kara – xog ku filan na u haya mawduuca uu wax ka qorayo, oo cilmi baadhis sameyn kara.

 

Haddii kale qofkaa waa la maskax baranayaa – waxa la garwaaqsanayaa itaalkiisa maskaxeed iyo hab-fekerkiisa liita. Waayo qofkaa waxa la ga yaabaa in ay akhristaan dad ka cilmi badan, ka waayo-aragsan oo ka maskax furani. Dad badan oo sheegta in ay jaamacado ka soo baxeen amma wax soo barteen ayaa la arkayaa qalinkooda oo itaal ahaan liita. Fadlan qalinka ha la iska hagaajiyo qoraalka iyo hadalka suuqu waa ay kala duwan yihiin eh.

 

Tusaale ahaan, qalinku waxa uu hadalka kaga duwan yahay afar shay; waa ta koowaad e, hadalku waxa uu ku dhacaa dhegta isaga oo aad u dhakhso badan oo mawjado iyo hirar ah. Waa ta labaad e, hadalku waxa uu ku yimaaddaa taborucaad iyo hab dabiici ah. Waa ta saddexaad e, hadalka waa la yidhaa iyada oo la faraxsan yahay, la cadhaysan yahay waxana uu hadba macnihiisu yahay jawiga iyo xaalaadka qofka odhanayaa uu ku jiro. Ugu danbeyn, hadalku waa bilaa xayeysi (punctuation) ma laha joogsi, hakad. Raacis – i.w.m.

 

Halka uu qoraalku kaga duwan yahay afartaa shay ee uu hadalku ku taxalluqo. Tusaale ahaan, hadalku waxa uu ku dhacaa dhegta, qoraalkuse waxa uu ku dhacaa maskaxda akhristaha. Wax maskax ku dhacayna waa wax la shiidayo, la rogrogayo oo qiimayn galaya. Hadalku waxa uu ku yimaaddaa hab dabiici ah oo taborucaad ah, qoraalkuse waxa uu ku yimaaddaa feker, baadhis xog raadineed iyo ujeeddo dhib sheegis – waana xal raadis.

 

Hadalku farxad, naxdin, cadho, murugo, tawaawac ayuu ku yimaad, qoraalkuse jawi deggenaan iyo hubsiimo oo ay wehelineyso aqoon kas maal ahi ayuu ku yimaad. Hadalku waa bilaa xayeysi, qoraalkuse waa tafaqyo-tiran yahay – waana mid la ga fiirsaday oo la ga baaraan degay. Sidaa darteed, qoraalka hadal la moodka ahi waxa uu ceeb iyo aflagaaddo ku yahay maskaxaha dadka.

 

Mohamed Hagi Mohamoud

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here