Wax Ka Baro Cilmiga Xadithka: Qalinkii: Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

0
57

DIINTA IYO NOLOSHA

Qaybti Saddexaad

Xadiiska caaliga ah waxa lagu garta:-

  • Caaligu waa xadiiska lagu gaadho Rasuulka CSW xagga warinta tiro yar.
  • Sheekh kitaab qoray laguna kalsoon yahay.

rakuubCaaligu waxa uu u qaybsama laba qaybood mid “mudlaq” oo Rasuulka CSW lagu gaadhayo xagga warinta tiro yar. Mid “nisbi” oo laga daalacanayo sheekh kitaab qoray, sheekhaasi haba dheeraato xagga warinta inta uu Rasuulka CSW u ka tirsanaye. Se sheekhu waa inu ahaada mid lagu kalsoon yahay.

 

Xadiiska naasi-lka ah waxa lagu garta:-

  • Naasilku waa xadiiska caaliga lagu wariyey oo haddana tiro inti hore ka badan lagu warinayo.

Culimada xadiisku mar wal ba waxa ay donayaan in ay qaatan xadiis sugan, haddii ay arkaan xadiis caali ah way qaadan jireen hase ahaate xadiis kanna indhaha kama aanay qarsan jirin oo labadaa jeer ba way sheegan iyaga oo idhaa sidanna waanu ku warinay sidan kalana waanu ku warinay.

Xadiiska Mawquufka ah waxa lagu garta:-

  • Mawquufku waa hadal ama ficil Saxaabi
  • Mawquufku waa xadiiska aan la gaadhsin Rasuulka CSW
  • Mawquufka faa’iidadiisu waa in Qur’aanka iyo xadiiska in lagu fahmo

Xadiiska Mawquufka ah waa hadal ama ficil Saxaabi, kaas oo u ku fasirayo aayad ama xadiis, iyaga ayaa la joogay Rasuulka CSW markaa cidda sida ay naska u fahmeen loo qaadanayaa waa Saxaabada.

Xadiiska Mursalka ah waxa lagu garta:-

  • Mursalku waa xadiis Taabici warnayo
  • Xukun kiisu waa daciif

Mursalku waa hadal ama ficil Taabici u tiiriyo Rasuulka CSW, su’aashu waxa weeye Taabiciga iyo Rasuulku CSW xaggey isku soo gaadheen ama isku arkeen?. Markaa xukun kiisu wuxu noqonayaa daciif.

Xadiiska Qariibka ah waxa lagu garta:-

  • Qariib waxa la yidhaa xadiiska qof kali ahi warinayo

Qariibku waa xadiiska qof kaliya laga hayo dhanka warinta, tusaale ahaan xadiis baa Saxaabi kaliya ka maqlay Rasuulka CSW.

Xadiiska Munqadica ah waxa lagu garta:-

  • Munqadicu waa xadiis aanu sanadkiisu xidhidhsanayn
  • Xukunkiisu waa daciif

Munqadicu waa xadiis aan xidhidhsanayn sanad ahaan, tusaale ahaan qof baa xadiis ka warinaya qof aanu arag waligii, markaa waxa aad garanaysaa in xadiisku daciif yahay waayo shardiga warinta waxa ka mid ah in ay is arkeen hal marna ha ahaate. Tusaale labaad qof baa xadiis warinaya waxa aanu ka warinaya mid dhintay isaga dhalashadiisi, dee markaa yadna waxa cad inu sanad ahaan aanu xidhidhmi karayn, haddu sanad ahaan xidhidhmi waayana daciif ayuu iskugu biyo shubanaya.

 Xadiiska Mucdalka ah waxa lagu garta:-

  • Mucdalku waa qayb ka mid ah munqadica

Mucdalku waa qayb ka mid ah Munqadica, waa sanadkii oo laba qof ama ka badani ka maqan yihiin, labadaa oo isku xiga xagga sanadka, se haddii aanay isku xigin waxa ay noqonayaan Munqadic. Xukun kiisu waa  daciif.

 Xadiiska Mudalaska ah waxa lagu garta:-

  • Mudalasku waa qof xadiis ka warinaya qof kale, kana warinaya wax aanu ka maqal.
  • Mudalasku waa qof xadiis ka warinaya qof kale, kagana warinaya magac aan lagu aqoon.
  • Xukun kiisu waa daciif

Mudalasku waa laba nooc sida aynu kor ku soo sheegnay, nooca koowaad waa qof baa qof ka warinaya wax aanu ka maqal haba isa soo gaadhane. Nooca labaadna waa in uu kaga wariyo magac aan lagu aqoon. Markaa la qaadan maayo xadiiskaa oo daciif buu noqonaya. Midna illaa uu kala saaro warinta ah Can: waxa ka sugnaaday iyo Qaala: wuxu yidhi. Oo uu ku badalo Xadasana: wuxu noo sheegay ama ii sheegay iyo Samictu: waxaan ka maqlay. Mar haddu sidaa yidhaa shakigii wu ka baxaya meesha oo wu cadeyey.

 

La Soco Qaybta Afaraad 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here