HUBAALMEDIA.COM
“Waxa Aan Saraakiisha [Saldhigyada Bilayska] Farayaa in Ay Shiillaan Oo Ay Dhadhamiyaan Dacwadaha Muwaadiniinta”
August 28, 2016 - Written by Mustafe Faro

“Saldhigyadu Waa Halka Ay Caddaaladdu Ka Bilaabanto, Waa Halka ay Wax Waliba Ka Hagaagayaan Illaa Heer Maxakamaddeed, Sidaasi Darteed….”- Khudbad Uu Jannanka Boolisku Kula Dar-daarmay Saraakiil Uu U Soo Xidhay Tabobar Afar Iyo Maalmood U Socday

ina fadalHargeysa (Hubaal) Taliyaha Guud Ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ay wehelinayaan sarakiil xigayaasha ciidanka iyo hogaanada kala duwan ayaa Tobabar u soo xidhaya Sarakiil uu muddo afar iyo toban cisho ah u socday Aqoon is waydaarsi. Toobabarkan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda UNDP   waxa ka soo qayab galay Taliyaha Ciidanka Booliska, Wasiir u dawlaha Amniga Ee Wasaarada arimaha Gudaha, Saraakiil Iyo Masuuliyiin Kale. Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay isla markaana ka war bixiyey Casharadii ay Qateen Mid Ka Mida Ardaydii Uu U Soo xidhmay Aqoon is waydaarsigani Taliyaha Saldhiga Macalin Haruun Dhamme Axmed Cabdi Daahir waxaana uu sheegay in uu aqoontan ay maanta dhamaysteen ay wax badan ka badalii doonto isaga iyo inta uu taliyaha u yahayba “waxaan aad ugu mahad-naqayaa macalimiinta Tobabarka na siisay waxaana aan qirayaa in la nugu shubay carashro qiimo badan leh oo ay ka mid yihiin Hogaaminta, La xisaabtanka Booliska ,Xeerarka Guud iyo kuwa Gaarka ah. Waxaan Taliye Maanta ku shegayaa in aan halkan ka noqon doono anaga oo Aqoon Dheer u leh Hogaaminta Ciidanka Iyo u adeegida Bulshadaba . Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay Kornayl Jaamac Xariir Oo ka Mid ah Macalimintii Bixinaysay Casharada “mudane wasiir iyo taliye waxa tobabarkani ku saabsanaa sidii loo dhisi lahaa ciidankeena kala duwan ee u shaqeeya Bulshada waxaan ciidanka aqoontan baraayey Saraakiil aqoon sare u leh Taliye Waxa dhamaan macalimiintaasi diirada sareen sidii la isku soo dhawayn lahaa wada shaqaynta Ciidnka Iyo Bulshada Waxan ay bixinayeen xuquuqda dastuuriga ah ee qofka xoriyada laga qaado”. Maxamed Muuuse Diiriye Wasiir u dawlaha Wasaarada arimaha Gudaha Somaliland ayaa sido kale sheegay in ay aad ugu mahadnaqaayo Hay’adda UNDP Oo iyadu aad ula shaqaysa Ciidanka Wasiir Maxamed Muse Waxa uu ciidanka kula dardaarmay in ay ciidanku aqoontan kula noqdaan Saldhigyadoodii. Taliyah Guud Ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa shegay in ay maanta farxad weyn u tahay in uu arko ciidanka intaasi leeg oo Bartay aqoon ay ku hagayaan ciidamadooda waxaana uu yidhi “kolay waxaan fulinaynaa waa siyaasada madaxweytnaha jamuuriyada Somaliland Axmed Silaanyo oo ah in la dhiso ciidamada kala duwan ee dalka waxaan aad ugu mahad-naqayaa Hay’adda UNDP oo iyada ay naga dhaxayso Wada shaqan aad u wanagsan. Saldhigu waa halka ay caddaaladdu ka bilaabanto, waxaan farayaa saraakiisha halkan fadhida in ay dhagaystaan, shiilaan oo ay dhadhamiyaan dacwadaha ay ula imanayaan muwaadiniinta cabanayaa halkaas ayaa wax walba ayka hagaagayaan ilaa heer maxkamadeed.” Ayuu taliyuhu yidhi. Waxaanu intaa ku daray “Waxan bulshada reer Somaliland ugu mahad celinayaa sida wanagsan ee ay noola shaqeyaan sida uu sheegay kornayl jaamac xariir waxaan idnka filayaa in aad ku dabaqi dontaan Aqoontan Bulshadiina waxa loo bahanyahay in aad gaadhsiisaan ciidanka aad amartaan. Aqoon is waydaarsigan kolay uma wada dhama Taliyaasha Saldhigada dalka waxaan u sheegayaa inta aan maanta ku jirin aqoon is waydaarsigan in aad dhawaan gali doontaan idinkuna si aad ula jaan qadaan sarakiisha maanta loo soo xidhaayo aqoon si waydaasrigan. Cabdilaahi Fadal imaan Taliyaha Ciidanka booliska Somaliland waxa uu ugu dambayn Digniin adag u diray kooxa dhalinyarada ah ee iyaga isku laaya koox koox waxaan uu waalidiintooda ugu baaqay in wax ka qabtaan hadii ay waxa ka qaban wayaana ay ciidanku talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi donaan.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews