“Waxa Jira Qoddob Uu Guddoomiyuhu Soo Jeediyey Oo Odhanaya In Haddii Ay Caawa Tiisii Noqoto Qabrigiisa Laga Dhex Qodo Jaamacadda, Arrintaasina Dad Badan Bay Kicisay”

0
1

Guddoomiye Xigeenka UCID Oo Sheegay In Shakhsiyaad Xidhan  Shaadh Qabiil Iyo Mid Xisbi AyLa Wareegeen Hogaankii Jaamacadda Camuud Oo Sheegtay In Ay Ka Eriday Kulliyad Uu Wax Ka Baranayay

“Annaga Jaamacaddu Xisbiga Ahaan Noomay Jawaabin Ee Waxaa Noo Niman Ku Hadlay Afkii Jaamacadda, Balse Markii Dambe Aanu Ogaanay In Waddani Ay Ka Tirsan Yihiin”……….”Waxa Dhacday In Dad Badan Oo Jaamacadda Tacab Soo Galiyey Hadh Cad Laga Dhaqaajiyo Oo Laga Eryo Meesha, Taas Badalkeedana Waxa Jira Arrin Ay Dadka Gobolka Ku Dhaqani Ay Aad Uga Kacsan Yihiin Oo Dhawaan Uu Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Soo Jeediyey”

 

 

Hargaysa(Hubaal)- Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID cabdinaasir Buuni ayaa ka hadlay qoraal ka soo baxay jaamacadda Camuud oo uu arday ka ahaa isla markaasina ka dhigan jaray kuliyadda shareecadda laga eryay. Qoraalka Jaamacadda ayaa lagu sheegay inuu guddoomiyahu isaga oo Arday ah ixtiraami waayay shuruudaha u yaala jaamacadda isla markaasina hadalo uu jaamacadda ku dhaliilayo ka jeediyay warbaahinta kala duwan.

Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee xisbiga UCID oo xalay Weriye Najax Aadan Cunaaye oo Hadhwanaagnews ka tirsan u warramay ayaa sheegay inuu Maqlay Warqada jaamacadda lagaga eryayo balse eedaha ay cuskadeen ayuu ku tilmaamay qaar aanay waxba ka jirin. Waxaana uu eedo kala duwan jeediyey maamulka jaamacadda oo uu sheegay in cid gaar ah uu gacanta u galay.

Mr. Buuni waxaa uu farta ku goday shakhsiyaad uu sheegay in ay ka tirsan yihiin xisbiga WADDANI kuwaas oo uu tilmaamay inay adeegsadeen magacii jaamacadda isla markaana  sabab u yihiin arrimahan. Ugu horeyn guddoomiye ku xigeenka UCID mar  uu sharraxayay halka sartu ka qudhuntay ee amarka jaamacaddu inuu soo baxo sababtay waxaa uu yidhi  “waxaad ogtihiin in maalmo dhawayd dalkeenna somaliland qarannimadiisa ay dad weerar ku soo ahaa oo ay dawladda Soomaaliya ka mid tahay isla markaana uu Maamul-goboleedka Cabdiweli Gaas Baadhasaabka ka yahay loo soo adeegsaday duulaan qaawan ku soo qaadeen dalkeena ciidamadeena qarankana la soo weeraray”.

“iyadoo arrimahaasi jiraan ayaa guddoomiyaha xisbiga UCID oo guud ahaan lagu yaqaanno difaaca qaranimada Somaliland uu ka hadlay, guddoomiyuhu waxaa uu eedo kala duwan u jeediyey dawladda Soomaaliya iyo badhasaab Cabdiweli Gaas, waxaa uu ka hadlay sidii ay uga xumaadeen halkii milyan ee loogu talo galay dadkii gobollada galbeedka ay duufaantu kuwaxyeellaysa,  taas badalkeedii waxaa dhacay in jaamacadda Camuud ay si toos ah ugu jawaabtay guddoomiyaha UCID, jawaabtaasi mid loo qaadan waa ah ayay noqotay nin qarannimadii Somaliland ee lagu sooduulay difaacaya oo jaamacadda Camuud oo ku biqishay tacabkii qaranka Somaliland mid ku biqishay difaacaya, iyada oo ay sidaasi tahayna ay si toos ah ugu jawaabeen niman ku hadlay afkii Jaamacadda, balse markii dambe aanu ogaanay in ay xisbiga aanu walaalaha nahay ee WADDANi ay ka tirsan yihiin, kuwaas oo uu ka mid yahay ninka Saleebaan [guddoomiyaha Camuud] immika ku xiga [guddoomiye ku xigeenka jaamacadda]”. Sidaa ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCID, waxana uu intaas ku daray oo uu sababeeyey jawaab uu ka bixiyey hadalka masuuliyiinta Jaamacadda Camuud ku dureen guddoomiyaha UCID “aniga markaas waxaa ay ila noqotay maadaama aan ahay guddoomiye ku xigeenkii xisbiga UCID in sabab ay rag ku jira xisbiga WADDANI ku jiraa ay ugu hadlaan afka jaamacadda Camuud anay jirin, kadibna jawaab baan bixiyey oo waxaan idhi Jaamacadda hogaankeedii waa joogaa, board-keediina waa joogaa markaa annaga xisbiga ahaan jaamacaddu noomay jawaabin ee waxaa  xisbiga WADDANI”.

Geesta kale mar guddoomiye ku xigeenka UCID wax laga weydiiyey sababaha uu ku mutaystay in laga joojiyey waxbarashadii jaamacadda uu ka waday  waxaa uu yidhi Mr. Buuni “horta anigu digriigaygii koowaad maaha [waxbarashada aan hadda ka wado jaamacaddu] ee digriiyo kala duwan baan sitay hadday siyaasadda tahay iyo hadday maamul wanaaga tahayba laakin markaad rabto inaad dad iyo dal hogaamiso oo aad madaxna noqoto waa inaad aqoon u yeelataa diintaada iyo shareecada markaas anigoo taas ka duulaya ayaan kull;iyada shareecada waxbarasho ka bilaabay, markaa ta koowaad ee aan waxbarashada u galay taasay ahayd. Mida kale ee aan kuu sheegayaa waxa weeye labaatankii sanno ee u dembeeyey waxaa jiray khilaaf soo jiitamayay oo ka jiray jaamacadda, kaasi oo ka dhashay kadib markii dad badan oo jaamacadda Camuud tacab soo galiyey ay ku dhacday in hadh cad laga dhaqaajiyo oo laga eryo, taas badalkeedana waxa dhacay in dhawaan uu guddoomiyaha Jaamacaddu soo jeediyey in la sameeyo guddi reerkiisa ah oo maamulka jaamacadda la wareega, cid kasta oo aqoon lihi inay jaamacadda hogaamiso ayaa loo baahan yahay ee in beelli hogaamiso looma baahna, waayo dadka waxaa ku jira dad wax ma garato ah, ku wax yaqaanna, ku jaahil ah laakiin wax barashadu intaasba way ka saraysaa. Qoddob kale oo guddoomiyaha jaamacaddu soo jeediyey waxaa uu ahaa oo  dadka gobolka ku dhaqani ay aad uga kacsan yihiin  in uu yidhi haddii ay caawa tiisii noqoto in jaamacadda Camuud lagu dhex aaso oo halkaasi qabrigiisa laga qodo, taasina dad badan bay kicisay oo la yidhi jaamacadda cid gaar ah iyo beel gaar ahi ma laha  markaa maxaa keenay in jaamacada xabaal laga dhigo, waayo bulshada gobolkani waa mid kala duwan oo beello kala duwan ah laakiin heshiis ku ah inay wada noolaato oo ay wax wada samaysato laakin haddii uu maanta hoggaankii jaamacadu gacanta u galay xisbi gaar ah iyo beel gaar ah waxaanu qaranka Somaliland u soo jeedinaynaa in la badbaadiyo jaamacaddii Camuud ee tacabka badani galay ee ummadu lahayd. Mida kalena dee dalka dawlad baa ka jirta ee haddii ay dhacdo in Saleebaan Axmed Guuleed iyo inamad yaryar ee uu adeerka u yahay  ay meesha ka dhigta meel beeli leedahay waa ayaan darro weyn”.

SHARE
Article horeMadaxweynaha Somaliland Oo Cafis U Fidiyey 511 Maxbuus Munaasibaadda Ciidal Fidrida Awgeed
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here