“Waxa Jira Xarumo Caafimaad Oo Bulshadu Dhisatay Oo Aan Laga Hawlgalin Oo Dawooyin Lahayn, Oo Ay Hayaan Agaasimaha Qorsheynta Iyo Caafimaadka Qoyska”

0
229

Agaasimahii Hore Ee Wasaaradda Caafimaadka oo xilkii ku wareejiyay Agaasimaha Cusub  Ee lo soo magacaabay

Hargeysa:(Hubaal), Xaflad meeqaamkeedu uu aad u sareeyo ay xilka kula kala-wareegeen Agaasimaha cusub ee wasaaradda horumarinta caafimaadka  Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye iyo Agaasimihii hore ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Mudane Saleebaan Jaamac Diiriye ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee  Hay’ada shaqaalaha dowladda.

Xafladdan xil-wareejineed ayaa ahayd mid ay ka soo qeyb-galeen Xildhibaano, Wasiiro, xirfadlayaasha caafimaadka, masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka iyo masuuliyiin kale oo ka socday hayadaha wadashaqeyntu ka dhexeyso wasaaradda horumarinta caafimaadka.

Waxaana halkaas hadalo kooban oo ay ku sii sagootinayaan Agaasimihii hore Muddane, Saleebaan Jaamac Diiriye, kuna soo dhaweeynayeen Agaasimaha cusub ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ka jeediyeen masuuliyiin ay ka mid ahaayeen, Xildhibaan ka socday gollaha wakiilada, Dr. Maxamed Axmed “Carabayto”, Dr. Axmed Gaas iyo Agaasimaha cusbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar.

Ka dib, Agaasimihii hore ee xilka wareejinayey Mudane, Saleebaan Jaamac Diiriye ayaa mahadnaq u jeediyey dhamaan shaqaalaha wasaaradda horumarinta caafimaadka iyo hay’adihii sida fiican ulla soo shaqeeyey muddadii labada sannadood ahayd ee uu xilka hayey, waxaanu ku dheeraaday baahida shaqaalaha ee dhinaca dhaqaalaha oo aan ahayn mid ku filan baahiyahooda nololeed, intaas ka dib, waxa uu yidhi: waxa jira dhowr iyo sodon xarumood oo ah xarumaha hooyadda iyo dhalaanka oo caafimaadku leeyihiin oo inta ay hay’adi dhistay ama bulshadu dhisatay oo aan laga hawlgalin oo dawooyina lahayn, oo shaqaalihii ka hawl-gali lahaana aanay jirin, waxaana ka mid ah dhowr iyo sodonkaa xarumood 24-xarumood oo qoran oo ay hayaan Agaasimaha qorsheynta iyo caafimaadka qoyska, waxa la idinka rabaa 120-maalmood ee ugu horeeya dowlada cusub inaad furtaan oo ay shaqeeyaan.

DAAWO

Mar kale isagoo ka hadlaaya dhinaca mashaariicda waxa uu yidhi: Waxa jiray mashaariico markii ay xakadka galeen hay’ado sii buuxiyey iyo kuwa halkii kaga dhaqaaqay, markaas, marka uu bilaabmayo mashruuca Xidhmooyinka adeegyada caafimaadka ee EPHS waa inaad mudnaanta siisaa kuwii sii waday mashruucaas ee jeebkooda ka sii bixiyey, waana innay idiin kala soocnaadaan kuwan iyo kuwii ka hadhay.

Waxa xaflada xil-wareejintaas ka hadlay Agaasimaha cusub ee xilka lagu wareejiyey Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye Dr. Maxamed, waxaanu yidhi: Haddaan in yar ka idhaahdo wasaaradda horumarinta caafimaadka waa wasaarad ka mid ah wasaaraddaha halbowlaha u ah marka la eegayo hawlaha qaranka jamhuuriyadda Somaliland.

 

Isagoo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi:-  Wasaaradda horumarinta caafimaadku waa  wasaarad u badan dhinaca gargaarka bani’aadanimada, waa wasaarad daadajisay, raariday dhinaca maamulka, oo maanta meel walba oo wadanka Somaliland ka mid ah loogu tagayo shaqaalaha wasaaradda caafimaadka, waxaanay soo martay marxalad aad u dheer oo kala duwanaa, waxaan annigu maanta soo gaadhay iyadoo maraysa meel wanaagsan, waxaan u mahad celinayaa Agaasimaha aan xilka kala wareegayo iyo dhamaan agaasimayaashii hore masuuliyiintii maamulka wasiirnimo u kala danbeeyey xilalka wasaaradda horumarinta caafimaadka, oo runtii ka soo bilaabay meel hoose, soona gaadhsiiyey meesha ay maanta taagan tahay.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray Agaasimaha cusub Dr. Xergeeye, waxaan idinka codsanayaa inaad iigu soo duceysaan xilkaa la iidhiibay in uu Alle (SW) ii fududeeyo, sababtoo ah, waxaanu nahay anniga iyo wasiirkuba laba dhakhtar, waxa kale oo aan ka codsanayaa dhamaan hawl-wadeenada caafimaadka inay noo sheegaan khaladaadka jira si aanu u saxno, oo ay nasaxaan, dulqaadna ay muujiyaan, mutadawacnimadiina ay sidii u sii wadaan ay umadooda ugu adeegayeen.

Sidoo kalena gabogabadii xaflada xil-wareejinta hadal kooban ka jeediyey wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka Muddane, Cabdi naasir Cumar Jama iyo Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Dr. Abdi wali.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here