“Waxa La Igu Maagaa Dawladda Hoose Sawir Uun Baad Ku Wada Jirtaan, Dadkuna Way Ka Cabanayaane Labadaas Isku Heli Maysaan, Haddaydaan…”

0
4

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Canaan Dhegaha Ku Jaray Maamulka Dawladda Hoose Ee Hargeysa, Oo Cabashadoodu Ku Badatay

Hargeysa (Hubaal) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa si kooban uga hadlay Cabashooyinka Dadweynuhu ka qabaan Maamulka Dawladda Hoose ee Hargeysa, cabashooyinkaasi oo la xidhiidha dhinacyada Adeegyada Bulshada oo aad loogu cannaanto inay ka gaabiyeen.

Madaxweynaha Somaliland oo shalay hadal ka jeediyey Munaasibad uu ku dhagax-dhigay Hoyga Kaydka Taariikhda Somaliland oo laga dhisayo halkii hore ee Khayriyada Hargeysa, ayaa isagoo si toos ah ula hadlaya Madaxda dawladda hoose oo ay Markaa Madasha ka joogeen Maayarka iyo Maayar ku-xigeenku wuxuu Madaxweynuhu sheegay in Dadweynuhu ku eedeeyaan inuu soo dhawaysto Maamulka dawladda Hoose ee Hargeysa, xilli buu yidhi waxqabad lagaga cabanayo, labadaasina aanay is qabanayn, sidaasi darteed Dawladda Hoose looga baahan yahay waxqabad.

Madaxweynaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dawladda Hoose ee halkan joogta waxaan doonayaa inaan ka halkan ka faro, dedaal badan baa la idiinka baahan yahay, Waayo? waxa la igu maagaa Dawladda Hoose  Sawir uun baad ku wada jirtaan, dadkuna way ka cabanayaane labadaas isku heli maysaan, haddaydaan magaalada waxba ka qabanayn.”

SHARE
Article horeTirada Guud ee Dadka Ku Dhintay Iyo Magaalooyinka Ay Ka Dhaceen Dibadbaxyada Lagaga Soo Horjeedo Abiy Axmed
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here