“Waxa La Leeyahay Buurihii Deegaankayaga Ayaa Haraga Laga Saarayaa Oo La Qodayaa, Taasna Ma Ogolin”

0
1

Odayaal Iyo Aqoonyahan Kasoo Jeeda Lafaruug Oo Ka Digay Ganacsade Ay Xukuumaddu Ogolaansho U Siisay Buurta Deegaankaas

 

Lafaruug (Hubaal)- Qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Lafaruug ee degmada Mandheera ee gobolka Saaxil ayaa isu soo bax ay ku muujnayaan sida ay uga soo horjeedaan in la bixiyo buuraha ku teedsan deegaankaas oo la sheegay in xukuumaddu  ganacsato gaar ah u ogolaatay inay macdan ka gurtaan,waxaanay dawladda ugu baaqeen inay si degdeg ah wax uga qabtaan arrintaasi, iyaga oo ka digay in rabshado ka dhacaan halkaasi. “waxaanu rabnaa inaanu ka hadalno qadiyad ku saabsan deegaankayaga Lafaruug oo la leeyahay buurta haraga ayaa laga saarayaa oo waa la qodayaa oo dahab baa laga deyayaa oo dhagax baa laga qaadanayaa”. Sidaasi mid kamid ah oday dhaqameedkii isu soo baxa ka dib la hadlay warbaahinta ayaa yidhi, waxanu intaa ku daray inaanay haynin meel alla meela y dhaafsanayaan deegaankooda oo ay ku noolaadaan “meel aanu ku noollaano oo kalena ma haysano  oo neef xoolo ahi noo daaqo, sidaasi darteed waxaanu xukuumadda u sheegaynaa  oo badhasaabka berbera u sheegaynaa dagaal baa halkaa ka dhacaya haddaan nalaga soo gaadhin, mana ogolin mana ogolaan doono in [haraga laga saaro buurta Lafaruug]”. Ayuu intaa ku daray oday dhaqameedkani.

Geesta kale waayeelka goobtaas kula hadlay dadweynaha reer Lafaruug oo ay warbaahintuna ku sugnayd waxaa ka mid ah nin oday ah oo sheegay in dhul daaqsimeedkii deegaankaas ay hore shakhsiyaad u xidheen oo u ooteen haatanna loo soo dhigtay buurihii “beryihii hore waxa jirtay in dhulkii shakhsiyaad xidhay  lambarkii labaadna wuxuu maanta marayaa in naloogu yimi buurihii oo ay xaalladu haatan buurihii marayso. Waxaanu leennaahy maadaama oo ay fidmadaasi taagan tahay oo dadkii deegaanku is wada haysto arrintaa dawladdu waa inay si degdeg ah nooga soo gaadhaa”.

Gadoodka dadweynaha deegaanka Lafaruug ayaa ka dembeeyey kadib markii las heegay in ganacsade reer Somaliland ah ay xukuumaddu fasax u siisay in uu dhagaxaan macdan ah ka urursado buuraha deegaankaas kuwaas oo uu dalka dibadiisa u dhoofinayo, waxaana markii arrintaasi soo baxday la sheegay in madaxdhaqameedkii deegaanka iyo qaar kamid ah masuuliyiinta dawladda oo dhinac ah iyo  ganacsadahan oo dhinac ahi ay gacmahoodu is gaadheen una ogolaadeen in uu dhagaxanta ka gurto buurta.

SHARE
Article horeGuddoomiyaha Bangiga Dhexe Iyo Xubno Golaha Wakiillada Ka Tirsan Oo Kulan La Yeeshay Madaxda Baanka Adduunka
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here