“Waxa Layga Soo Qabtay Addis Ababa, Waxaa Isoo Qabtay Dawladda Federaalka, Immikana Waan Socon Kari La’ahay “

0
1

Isbeddelo Degdeg Ah Oo Laga Dareemay Jigjiga+ Madaxweyne Ku Xigeenka DDSI   Oo Qirey Tacadiyo Dhacay

Jigjiga (Hubaal) Tan iyo intii uu is badalka ku yimid maamulkii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan markii ay dib u habeyn lagu sameeyay xisbiga talada haya, waxaa magaalada Jig Jiga laga dareemayaa isbadalo aanan hore loo arag. Waxaa magaalada ka qabsoomaya shirar kala duwan oo noocooda oo kale horey mamnuuc u ahaa, waxaana laga jeedinayaa hadalo aad uga duwan kuwii hore.

ESTV

Isbadalada dhacay waxaa ka mid ah shir weyn oo aqoonyahanada deegaanka ay isugu yimaadeen oo ka dhacay magaalada Jig Jiga, kaas oo ay kasoo qeybgaleen xubno sare sare oo ka mid ah maamulka.

Shirkan oo wixii lagaga hadlay, iyo qodobadii kasoo baxay si toos ah looga baahiyay taleefishinka ESTV ayaa waxaa qodobadii lagu heshiiyay shirka ka hor akhriyay wariye Buurgaabo oo ka mid ahaa wariyeyaashii caanka ahaa, balse muddo u xidhnaa maamulka, wuxuuna yidhi “Waxaan soo jeedinaynaa in sharciga la hor keeno dadkii ka dambeeyay burburinta xarumaha diinta, maadaamaa dhibaatooyinka dhacay ay sabab u tahay maamul xumadii kasoo jirtay deegaanka, waxaan soo jeedinaynaa in ciidanka ay noqdaan dad aqoon leh, oo bulshadana kalsoonideeda haysta”. Shirka ayaa xitaa lagaga hadlay arrimo xilli aad xasaasi u ahaa in laga hadlo sida arrimaha Liyuu Booliiska, wuxuuna Buurgaabo shirka ka yidhi “Waxaan aaminsanahay in ciidanka Liyuu Booliiska ay yihiin ciidan dowladeed, oo aysan ahayn ciidan uu shaqsi leeyahay, sidaas darteed waxaan ugu baaqaynaa in ay xasilooni kusoo dabaalaan”.

Shirka ayaa dhanka kale lagu taageeray guddoomiyaha cusub ee xisbiga talada haya Axmed Shide Maxamed, waxaana loogu baaqay in xisbiga sameeyo isbadal heer kasta ah.

Hadalo Qeexan

Dadkii shirka ka hadlay ee aqoonyahanada ahaa ayaa mid mid ah uga hadlay wax ay sheegeen in ay muddo la aamusnaayeen, iyaga oo qaarkood ka sheekeeyay dhibaatooyin si shaqsiyan ah loogu geystay, waxaana ka mid ah nin yidhi “Waxaa la’iga soo qabtay magaalada Addis Ababa, waxaa isoo qabtay dowladda Federaalka, hadda waan socon kari la’ahay, loowyaha ayaa nalaga garaacayay”.

Waxaa xitaa goobta ka hadlay madaxweyne ku xigeenka deegaanka Mudane Xamdi Aadan Cabdi , madaxweyne ku xigeenka , ahna wasiirka arrimaha deegaanka , wuxuuna yiri “Dhibaato waa ay jirtay deegaanka, maamul xumo way jirtay, waxyaabo badan oo dhibaato ah in ay jirtay oo aan la iska indho tiri karin in ay jirtay halkan waan ka caddaynayaa, dhibaatada dhacday in dhalinyarta Heego ay ku lug lahaydna waa mid aan shaaca ka qaadayno, laakiin in maamulkii xiligaas jiray ay iska cabursanaayeen, dhammaantood waa laga wada warqabaa, aniga ka hoggaamin ahaa dadkii ugu horeeyay ee isbadalka soo dhaweeyay baan ka mid ahaa, waanan sii hirgalin doonaa”.

Hadaladan waa kuwa aad uga duwan kuwii hore looga bartay madaxda deegaanka iyo dadka ku sugan gudaha deegaanka.

SHARE
Article horeSOMALILAND: Shil Naxdin Leh Oo Shalay Ka Dhacay Duleedka Gabiley Iyo Tirada Dhimadashada & Dhaawaca Uu Geystay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here