“Waxa wax lala Yaabo ah Wasiirka Maaliyadda Ee Yidhi Madaxweyne Siilaanyo Dabadii ayaan Sharaxanahay”

0
27

Hargaysa(Hubaal)Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen Ayaa Go’aamo Adag iska Taagay Hadalka Ka Soo Yeedhay Badhasaabka Gobolka Saaxil oo ku sheegay in Asxaabta mucaaradka iyo Xildhibaanadu Aanay Soo Gali Kari Gobolka Saaxil.

waxa kale oo ka hadlay Musuq-maasuqa Dul Hoganaya Wasaarada Maaliyada iyo Hantida umada ee ay u Adeegsanayso Casuumado ay Ku Doonayo sida uu sheegay in uu ku Kas Bado wasiirka Maaliyada Kalsoonida Beeshiisa.

 Jamaal Cali Xuseen

Sidoo kale Waxa uu Badka Soo dhigay Safarada uu Madaxwaynaha Somaliland Ku Tagayo Gobolka Saaxil iyo Ujeedooyinka ugu Waawayn ee uu utagayo,Waxaana uu sheegay Xaalada Adag Maanta ku jiro Dalka somaliland.

Jamaal Cali Xuseen Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Ucid ugu Horayn waxa uu ka hadlayaa Amarka uu Badhasaabka Gobolka Saaxil ku soo rogay Gobolka uu ka Taliyo.

“Anigu Maan Ogayn In Dalka Lagu Soo Rogay Bandoo Oo Asxaabta Mucaaradka Lagu Leeyahay Gobolada Matagi Kartaan,Badhasaabku Hadii uu waxa uu doonayo Samaysanayo isaga ayay jirtaa,wax laga aqbalayo Maaha Shacabka somaliland Ma’ogola Sharciguna Ma’ogola,Bil Aadan-nimaduna Ma ogola in Layidhaa Xildhibaano iyo Asxaab Mucaarad Gobol Matagi Karaan,magaranayno Badhasaabkani Meel uu ka shaqayn jiray iyo sharci uu soo bartay,Lakiin Xukuumadu waxaan u sheegayaa in Asxaabta Mucaaradka Mar danbe Aanay Aqbali Doonin Waxan Oo Kalaa.

Jamaal Cali Xuseen Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Ucid oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa ku daray.”dhimasho ayaanu ka xignaa inaanu gali wayno Magaalo Aanu leenahay,dalkana hadii Fawda Laga dayn waayo Waxa ay isku Badali Doontaa in Taxriir lagu sameeyo  Xukuumadan,Sababta oo ah Dawlada waxan ay samaynaysaa Wax Caqliga Kara maaha in dad la iska xidh-xidho, dhulkii shacabka La boobo.

Waxa uu ka hadlay xiligii uu madaxwaynahu Mucaaradka ahaa waxa uu ka odhan jiray Wadooyinka La xidho iyo Dhibaatada Dadka shacabka Ah ciidanku ugaystaan Marka uu Madaxwaynahu Dalka ka dhoofayo Am soo dagayo iyo wakhtiga inuu Xaalkii uu ogaa wax ka badalay Madaxwayne Siilaanyo.

“Madaxwaynahu Aad ayuu uga Cabaadi jiray ugana Qaylin Jiray Xiligii uu ahaa Mucaaradka Marka Wadooyinka Loo Xidho ee uu dalka Soo galayo,imikana waxa uu keenay in uu yidhaa Wadada I Hor Marta Cid Mamarayso Anaga Oo Wax dhib Ah aan wadin,Waxaanan u arkaynay kibir Daan-daansi ah Lakiin anaga Ayaa ka xishoonay oo shicibka u tudhnay,maalin taasina Mudaharaad ayaanu ku samayn Karaynay Waxaanu ka baqnay inuu Galo Madaxtooyada Mudaharaadkaasi,Anagu Macaa xiligii siyaad bare Maanu Maqal Meel Laleeyahay Magali Kartaan magaalo.

Jamaal Cali xuseen Waxa uu ka hadlay Safarada Badan ee Madaxwayne Siilaanyo ku tagayo Gobolka Saaxil Siday ay ula Muuqato Waxaana uu yidhi.

“Walaahi Garan Maayo Safaradaas isaga ayaad waydiin,Lakiin Mar waxa layidhaa Madaxwaynahu wuu soo dabaashaa Marna Kormeer ayuu ku tagaa Ayaal layidhaa ,Saaxilna waa Meel Dhaqaalaha somaliland Boqolkiiba Sideetan uu kasoo baxo ayaa layidhaa,Somaliland waa Lawada leeyahay Madaxwaynahuna Marba Gobolka uu jeclaado ayuu iska Tagi Karaa.

Sidoo kale Waxa uu sheegay in Hantidii Umada iyo Dadka Danyarta Ah laga uruuriyo Loo adeegsanayo in olole lagu Galo Oo Salaadiin Lagu Casuumo isaga oo sheegay Musuq-maasuq Badani inuu dul Hoganayo Wasaarada Maaliyada somaliland waxaana uu yidhi.

“waar dalka Niyow Boob ayaa ka jira Xaraash ayaa ka jira,Runta aynu isku sheegno dawlada Kulmiye waa dawladii odhan jirtay Daahir Riyaale Guryihii ayuu Iibinayaa Lakiin Tani Dadka xoog ayay kaga saaraysaa,Xukuumadani waxa ay dalka ku soo kordhiyaan Daaye wixii Guryo yaalay ayay Kaash Garaysteen,waxaanu leenahay waa la iskaga Dabo tagayaa Oo waxaani Noqon Mayaan  waxa aad aayar Jeebka ku shubataan,Inta ay Talada dalka haysayna musuq-maasuqu waxa uu noqday Halkii ugu Saraysay.

Waxaana uu intaasi raaciyay.”Dalka waxa ka jira Xisaab La’aan Lacag dhan oo kasoo Xeerto Haamaha shidaalka iyo dikada Ayaa toos loo geeya Madaxtooyada,Markaas Casuumadahan Ay dawladu Samaynayso waa Xad Dhaaf,Marka Lagu leeyahay miisaaniyadii ayaa korodhay Waxa looga Jeeda Kharashkii dawlada ayaa kordhay Oo Gawaadhidan Cad-cad ayaa lasiistay,Shacabkana Hore Ayaan ugu sheegay oo waxaan leeyahay lacagta ka cuna oo ka codeeya.

Musharaxnimada Wasiir Sameel ee Madaxwaynaha somaliland Dabadii waxa uu ku sheegay Mid Aan Caqli Gal Ahayn Shacabka waxa uu tusay in Lacagtii umada Kursi Kale Lagu raadinayo waxaana uu yidhi.

“Salaad-walba Xiligeeda ayaa la tukadaa Adeer waad Arki Doontaa In Axmed Dabadii uu Hel iyo In uu cid kale Dabadii Helo,isagu waxa uu isku dhigayaa inuu Madaxwayne Siilaanyo Mar kale Guulaysan Doono,Ninka nin Kale ka Daba Sugayana Waa wax lala Yaabo,Lakiin waxaan leeyahay Ninka isleh Dawladan ayaa Guulaysan Doonta Shacabka somaliland Diyaar uma Ah in Mar Dane Xukuumada Talada ku celiyaan,Hadii ay Shacabku Doonayaan Halaag Way Galin Lakiin Hore ayay waxa u soo arkeen Oo Majirto,Shacabkuna waa in ay ka digtonadaan Nin Kursi ku fadhiya oo leh kursi Kale Ayaan u guurayaa.

xigasho: Hadhwanaagnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here