“Waxaa Dhacday Masiibo Qaran, Waxaanay U Baahantahay In Gurmad Xoog Leh Iyo Dareen Damqasho Leh Oo Isku Mid ah Loogu kaco”

0
1

Hogaamiyaha Waddani Oo Soo Jeediyey In Gurmad  Laxaad Leh  Iyo Dareen Wadda Jir Loogu Kaco Masiibada Ku Habsatay Xeebaha Galbeed

Hargeysa (Hubaal)  Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay Musiibada ka dhacday Galbeedka Somaliland,  gaar ahaan Deegaanada Lughayaha Baki oo ay ka taagan tahay xaalad adag ka dib markii ay deegaanadaasi ku dhufteen roobab duufaano wata oo galaaftay nolosha dad iyo duunyadaba.

 

Hogaamiyaha  ayaa ugu horaynba  tacsi u diray dhamman dadkii ku naf waayey masiibadaasi qaran “Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan dadka ku dhintay dhibaatada dhacday, waxaanan illaahay ugu baryayaa in uu u naxariisto janadiisana geeyo. Ehelkii qaraabadii iyo dhamaan dadka reer Somaliland sabir iyo iimaan illaahay haka siiyo.

 

Sidoo kale Hogaamiye Xirsi  ayaa qaranka usoo jeediyey in la sameeyo gurmad deg deh ah oo aan loo kal hadhin  waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “ Waxaa muhiim ah in dawlada, xisbiyada iyo dhamaanba bulshada mucaarad iyo muxaafid aynu iska kaashano sidii loogu gurmannlahaa dadkaa dhibaatadu soo gaadhay ee gobolada Selel illaa Awdal, xisbi ahaana diyaar ayaanu nahay gurmadkaa in xisbigu ka qayb qaato. Ayuu yidhi Hogamiyaha Waddani

 

Sidoo kale Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu si dareen leh uga hadlay inay ayaan daro  tahay in inaan laga  gaashaaman  arrimaha noocaasi ah waxaana uu yidhi markale hogaamiyuhu “ Qaran ahaan waa ayaan daro in marna abaari dadkeena   gumaado marna roob oo aynaan wax xal ah iyo sidii mushkilada looga bixi lahaa u diyaarin culayska iyo masuuliyaduna waxay saaran tahay maalinba cidii talada qaranka haysa iyada oo wixii guuldaro ee qaranka soo gaadha aynu dhamaan ceebteeda wada leenahay.

 

Ugu Danbayntiina wuxuu soo jeediyey in tamar iyo tallo laysgu geeyo arrintaasi taagan ee ay sababtay masiibada duufaantu “ Waxay u baahantahay in aynu talo iyo tamarba isku biirino oo aynaan eegan xaalada soo noqnoqonaysa ee aafooyinka dabiiciga ah ee halakeeyay dadkeenii iyo xoolaheenii. Uma baahna far isku fiiq ee waxay u baahantahay ficil iyo awooda muwaadiinta oo midaysan iyada oo illaahayna  aynu la kaashanayno oo baryayno. Cid kasta oo dunida wax inaga tari kartana ula tegayno inaga oo qorshe u samaysanayna” ayuu yidhi Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here