“Waxaa Jirtay Waxoogaa Garasho Xumo Ah Oo Hay’adda Shaqaallaha Ka Dhacday, Arrintaasina Hawlaha Aan Kuug Wareejinayo Md. Wasiir Ayay Kamid Tahay”

0
281

“Md. Wasiir Maanta Carqaladaha Wasaaradda Haystaa Way Faro Badan Yihiin, Waxaana Kamid Ah Ugu Yaraan Kun Bare Oo Maanta Baro-Ka-Fayl Ah”  

Jewiga Madal Khudbado Gar-naqsi Iyo Garawshiiyo U Badan Laysku Weydaarsaday Oo Wasiirro Isku Xirfad Ahi Xilka Kula Kala-wareegeen

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL Cabdillaahi Ibraahim Habanne (Cabdilaahi-dheere) oo ay weheliyaan wasiir ku xigeenkii iyo wasiiru dawlihii wasaaraddaasi Axmed Xuseen Rooble.iyo Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa maanta xilkii ku wareejiyey wasiirka cusub iyo wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda waxbarashada loo soo magacaabay Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee xukuumadda xilka wareejisay iyo Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxumed (Dhegoweyne) oo isna ahaa wasiiru dawlihii biyaha ee xukuumaddii hore. Munaasibad wejiyo badan kulmisay oo loo sameeyey xil wareejinta masuuliyiintan oo maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda waxbarashada ayaa waxaa ka qayb galay wasiirro, xildhibaanno, guddoomiyaha xafiiska imtixaannaadka qaranka Daauud Axmed Faarax (Gadh-weyne), afhayeenka wasaaradda waxbarashada Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan, madax-qaybeedyada iyo hawl wadeennada wasaaradda, saraakiil ka socotay hay’addaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ay wasaaradda wada shaqaynta leeyihiin, madaxda jaamacadaha dalka, iyo xubno ka socday bulshadda rayidka ah.

Waxa munaasibadaasi ka hadlay masuuliyiin aad u tiro badan waxaanay dhammaantood ku dheeraadeen muhiimadda balaadhan ee ay wasaaradda waxbarashaddu u leedahay dhismaha qaranka iyo guud ahaan horumarka dhan walba leh ee ay qaranka ugu fadhido. Sidoo kale waxay dhammaan masuuliyiinta goobtaasi ka hadashay ku dheeraadeen waxqabadkii ballaadhnaa ee wasiirka xilka ka degayaa ka geystay dhanka waxbarashadda, waxaanay illaahay uga baryeen in uu miisaanka xasanaadka ugu daro wanaagaa badan ee uu qaranka u soo qabtay mudaddii labadda sano iyo dheeraadka ahayd ee uu xilkaasi hayey, wasiirrada cusubna waxay illaahay ugu rejeeyeen in illaahay xilka uu la garab galo.

Afhayeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare oo haatan xukuumadda cusub ee madaxweyne Muuse Biixi ugu magac bixisay wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Md. Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan oo halkaasi ka hadlay ayaa si ballaadhan u sharraxay waxyaabaha guulaha noqon doona ee taariikhda qaranka u geli doonta wasiirkii hore ee waxbarashada Md. Cabdillaahi Dheere isaga oo kutilmaamay in muddadii uu xilka wasaaradda hayay uu qaranku kasoo gudbay caqabad adag oo ardayda reer Somaliland ka haysatay dhinaca manhajka, taasoo meesha ka baxday markii ay wasiir Cabdillaahi horsed u noqday ka midho dhalinta manhajd daabacanoo qaranka Somaliland u gaar ah in dalka gudihiisa laga helo oo ay wasaaraddu soo daabacdo. Afhayeenka wasaaradda waxbarashadu Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan waxaa uu sheegay in wasiirrada xilka wareejinayaa ay ku suntanaan doonaan waxyaabaha ay wasaaradda ku soo kordhiyeen.

Waxa munaasibadaasi sidoo kale xog-waran balaadhan ka soo jeediyey agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare mudane Axmed Abokor Maxamed, , waxaanu wasiirka xilka wareejiyey iyo ku xigeenkiisa ku tilmaamay geesiyaal ay tabi-doonto waxbarashadda iyo shaqaale weynaha wasaaradduba. Agaasima guud waxa uu wasiirka cusub iyo wasiir kuxigeenkiisaba ku soo dhaweeyey wasaaradda waxbarashadda, waxaanu ugu baaqay in uu halkaa ka sii wado dedaalkii iyo waxqabadkii balaadhnaa ee ay masuuliyiintaa maanta xilka wareejisey ay soo wada wadeen.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Md. Daauud Axmed Faarax (Gadh-weyne), oo isna halkaasi ka hadlaya ayaa kelmado soo dhawayn iyo sagooytin ah oo ku saabsan labada wasiir halkaa ka jeediyey  “Runtii Waxaan ogahay oo aan ku faraxsannahay in labada wasiir ee is badalayaa ay marka horeba ahaayeen laba nin oo saaxiib ahaa, macalimiin wada ahaa, Si gaar ahna wax isugu sheegi doona” ayuu yidhi Md. Daauud Axmed Faarax (Gadh-weyne),

Wasiir Kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Axmed Xuseen Rooble ayaa isaguna munaasibadaasi hadalo dardaaran iyo guubaabo ah ka soo jeediyey waxaanu mahadnaq balaadhan u soo jeediyey shaqaalaha wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare oo sida uu sheegay ay soo dhexmartay shaqo wanaag iyo isku tanaasul, taasi oo u suurto gelisey in ay caqabado badan oo soo wajahay ay si wada jir ah uga gudbeen, waxaanu shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda kula dardaarmay in ay dhan uga soo wada jeestaan danaha horumarineed ee waxbarashadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland. Wasiir kuxigeenka Cusub ee wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Mudane Cabdulqaadir Maxamuud Sh. Muxumed Warsame (Dhaga-weyne) ayaa isaguna munaasibadaasi ka hadlay waxaanu uga mahadnaqay guud ahaan shaqaalaha wasaaradda waxbarashadda sidii ay ugu soo dhaweeyeen wasaaradda, waxaanu balanqaaday in uu si habsami leh u gudan doonaan shaqada loo soo egmaday. Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada Md. Cabdilaahi Ibraahim Habanne oo halkaasi khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey ayaa ka war bixiyey sooyaalka waxqabad ee uu ku soo kordhiyey wasaaradda mudadii uu joogay oo laba sanno iyo dheeraad ku sinnayd. Wasiir Cabdillaahi Dheere waxaa khudbadiisa uu ku tilmaamay in ay farxad u tahay isaga in halkii uu soogaadhsiiyey wasaaraddan uu maanta ku wareejin doono wasiirka cusub oo uu u rajeeyey in uu halkaasi ka sii ambo qaadi doono mudane wasiir waxan maanta [shalay] si rasmi ah kuugu wareejinayaa xilkii wasiirnimo ee aan ka hayey wasaaradda waxbarashaddda kaasi oo aan masuuliyadeeda hayey mudo laba sano iyo badh ah. Intaa aan joogay wasaaradda waxa noo qabsoomay hawlo balaadhan oo ay ka mid yihiin; Diyaarintii iyo daabacaaddii Manhajka waxbarashadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo hadda dugsiyadeenu ku hawl-galaan, diyaarintii iyo naaqishaadii siyaasadda guud ee waxbarashadda qaranka taasi oo hadda taala aqalka madaxtooyadda si ay ugu gudbiso golaha sharci dejinta qaranka, dugsiyadda hoyga ah ee Dubur, Dabayl-weyne, Laascaanood iyo Dayaxa, sidoo kale arrimaha aan sida weyn ugu guuleysanay waxa ka mid ahaa la dagaalanka qishka iyo furitaankii dugsiyadda farsamadda gacanta ee Hargaysa iyo Burco “Aniga Farxad baday ii tahay in halkii aan soo gaadhsiiyey wasaaradda aad adigu Md. Wasiir halkaa kasii amboqaadi doonto” sidaas ayuu yidhi Md. Cabdilaahi Dheere, waxaana uu intaa ku daray oo uu taxay waxyaabaha caqabada ah ee wasaaradda la deriska ah, waxaanu yidhi “Md. Wasiir maanta carqaladaha wasaaradda haystaa way faro badan yihiin, waxaana kamid ah dugsiyadeenii dawladda ee tuullooyinka oo macalimiin ku filan oo aqoon lihi aanay jirin, dhaqaalena aan haysan, ardaygii iyo macalinkiina ay is gaadhayaan, kolkay is gaadhaanna ay kala dareerayaan, odaygiina marka uu arko in inankiisii aanay waxba u kordhayn aabo kaalay adhiga ama geella ama sacaha ii eeg buu odhanayaa waayo ma dhaamo ka wax u dhigayaa, caqabadda ugu adage e hor taalla waxbarashaduna waa taas” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Dheere. Waxaa kale oo wasiirku ka deyriyey tayada iyo tirada macalimiinta wasaaradda u diiwaan gashan oo uu kutilmaamay in qaar badanoo ka tirsani aanay kasoo xaadirin dugsiyada, taas xallinteedana ay wasaarad ahaan caqabad kala kulmeen “ugu yaraan maanta kun macalin ayaa maanta baro ka fayl ah, markaa markaad mid aan mushaharka ku jirin [unpaid] hala galiyo [halkii macalimiintaasi banneeyeen] oo carruurta ha hor joogsado ayaa isku badalki hay’adda shaqaalluhu waxay u qaateen inaanu caaglaynayno, markii taasi dhacday ayaa anna waxaan isticmaalay awooddii wasiirnimo oo waxaan idhi lacagta waxaa la siinayaa ninka wax dhigaya waayo ardaygii waxaa uu naga doonayaa cid hor joogsata oo wax u dhigta, laakiin maaha shaqaalle la caaglaysanayo ee wasaaradda waxbarashadu diyaar bay u tahay in wixii caagle ah ee ku dhex jira laga helo, waxaanse idiin sheegayaa wasaaradda iyo hawl wadeennada aan anigu u imi ee aan wasiirka u ahaa dad caagleeya maaha kuwo caagle ku shaqeeyana maaha. Waxaa jirtay waxoogaa garasho xumo ah oo hay’adda shaqaallaha ka dhacday oo tidhi shaqaallaha ayaanu soo madax taabanaynaa, annaguna waxaanu ugu taag waynay waaryaadhaheen dee ardaygii wuxuu naga doonayaa cid kalaaska u gasha oo is hor taagta eek ii ku qornaa wuuiska tagaya isku bedal noo ogolaada laakiin waanu ugu taag waynay, markii sidaasi xaalku noqday ayaan aniguna amray in lacagta lasiiyo ninka shaqaynaya, arrintaasina wasiir way kuuu taalla oo hawlaha aan kug wareejinayo ayay kamid tahay”.

Geesta kale wasiir Cabdillaahi dheere waxaa uu ka warramay guullaha kale ee waxqabad ee wasaaradda u suuto gashay intii uu xilka hayay “Md. Wasiir intii aan wasaaradda joogay dhawr iyo soddon baabuur ayaan labadaas sanno gudahood kusoo kordhinaya, dhawr iyo sodonkaas afar baabuur oo keliya ayaa miisaanniyada noogu jiray waxay ahaayeen laba Mini-bus, landcruiserka wasiir ku xigeenka iyo land cruiser immika aanu Gabiley siinnay. Wax alla waxa kale waxaanu ka qaadnay meellahaas kale, oo ay ka mid yihiin wax aanuhay’adaha ka qaadnay oo ahaa Hard-topka wasiiru dawluhu wato, laba xaajiyadood oo HILUX ah iyo Hard-topka anigu aan wato afartaas ayaa hay’adaha aanu ka qaadnay, waxa kale oo jiray Saddex Hard-top oo qoladii Mercy Crop markay guurayeen aan ka qaaday, saddexdaas oo ay doonayeen inay cid kale ku wareejiyaan dabadeena mid baa aniga iga soo gaadhay oo intii kale waa nala boobay”. Ayuu yidhi wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashadu.

Waxa isaguna munaasibadaasi ka hadlay wasiirka cusub ee wasaaradda waxbrashadda mudane Yaasiin X. Maxamuud Xiir Fara-toon, waxaanu wasiir cabdilaahi ibaraahim habane uga mahadnaqay sidii halw karnimadda lahayd ee uu waxbarashadda uga soo shaqeeyey waxaanu isaguna balanqaaday in uu dedaalkaa halkaa ka sii wadi doono, waxaanu wasiir fara-toon uga mahadnaqay madaxweyne muuse biixi xilkan uu u soo magacaabay maadaama oo waxbarashaddu tahay mihnadii uu ku soo shaqeeyey mudadii ugu badnayd ee cimrigiisa. Guntii iyo gunaanadkii waxay masuuliyiintani xilkii kula kala wareegeen xafiiska wasiirka wasaaradda waxbarashadda, sidoo kale waxa masuuliyiintaa xilka ka degay halkaa lagu gudoonsiiyey shahaado sharaf ay ku mutaysteen sidii wanaagsanayd ee ay xillkaasi u soo guteen.

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here