“Waxaa Muuqata In Culimada, Iyo Codkarka Halkan Fadhiya & Inta aan Fadhiyinba Aanay [Waanwaanta] Daacad Ka Ahayn, Waayo……”

0
21

Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Wefti Uu Horkacayo Oo Ka Warramay Kulamo Uu La Qaatay Waxgaradka Dhinacyadii Shaqaaqadu Ku dhexmartay Deegaanka Ceel-afweyn

“Anigu waxaan Qabaa Laba Qoloba Dembi Ma Laha; Caruurta Iyo Haweenku Dembi Ma Laha, Waxa La Yidhi Nin Waashay Oo Illaahay Xiskiisii Ka Qaadayna Dembi Ma Laha,  Laakiin Waxaa Xidhe U Ah….”

Hargeysa( Hubaal) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo wefti uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga deegaanka Ceel afweyn ee gobolka Sanaag oo dhawaan ay shaqaaqo ku dhex martay labada beellood oo walaalo ah oo aagaasi wada dega ayaa ka warramay kulamo iyo shir doceedyo la isugu soo dhawaynayo beellahaasi oo uula yeeshay duqayda iyo waxgaradka labada dhinac. Maxamed Kaahin ayaa farta ku goday qaar kamid ah waayeelka labada beellood oo uu sheegay inaanay daacad ka ahayn waanwaanta la isugu soo dhawaynayo dhinacyada shaqaaqada soo noqnoqotay dhex martay “ Waanu Xisaabinay maalintii dhawayd oo 37(Todoba iyo soddon) qof oo dhimasho ah iyo hal nin oo ciidamadda qaranka ka mid ah oo dhimasho ah iyo tiro Todobaatan kor u dhaaftay oo dhaawac ah ayaa dhacday,  labada dhinac  oo ay ku  jiraan waayeelkeena, culimadeena, codkarkeena iyo madax-dhaqameedkeena goobtan fadhiya iyo intaan inala fadhiyinba  waxaa  muuqata in aanay arrintaas daacad ka ahayn, waxa dhibane ka ah carruurta halkaa taagan, waxa dhibane ka ah haweenka halkaa taagan,  markaa yaa dhibaaya?, [jawaabtu waa]  Raggoodii baa dhibaaya.”  Sidaas ayuu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin, waxaanu intaa ku daray “  Anigu waxaan qabaa hadda labadaas qolo dambi ma leh, nin waashayna dambi ma leh oo xiskiisiiba illaahay baa ka qaaday, laakiin dee waxa xidhe u ah aadamaha kale ee la nool ee la dagan ee meesha la jooga.” Ayuu yidhi. Ugu dambeyn waxa Maxamed Kaahin waxaa uu yidhi “Xeer beegtida labada qolo ay idin kala goyso ayaa go’aammo noqonaya, go’aammaadaas ayay Xukuumadduna fulinaysaa, cid gaar ahna Degmadda Ceel-Af-Weyn-na cid deegaamayn kartaana ma jirayso, cidii ka samaysana Ciidamadda Qaranka ayaa tallaabo ka qaadaysa.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here