“Waxaa Timi In 4 Wasiir & Madaxweynuhu Tafo-xayteen…Waxan Leeyahay Madaxweyne Intaas Oo Jeerna baan Kusoo Taageeray, dee Anigana I Ogolow] oo I Daa”

0
12

RADIO HUBAAL Ka Dhegeyso Waraysiga Guddoomiye Muuse Biixi Kaga Hadlay Xiisadda Taagan

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi Ayaa ka hadlay khilaafka xisbiga Kulmiye. Muuse Biixi Cabdi Oo Maanta Waraysi Siiyey Laanta Afka Soomaaliga Ee Idaacadda Codka Maraykanka waxa uu yidhi “WAxaa Timi In Afar Wasiir iyo Madaxweynuhu U Tafo-xaytaan khilaafka xisbiga…Waxaan Leeyahay Madaxweyne Intaas Oo Jeerna Waan Kusoo Taageeray, Ninkii aad Soo Korisayna Waan ahay, Adna Odaygaygii baad tahay, waxaan leeyahay dee Anigana Ii Ogolow [Musharraxnimada] oo I Daa”. Sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi, waxaanu intaa ku daray “Guddoomiyihii xisbigu wuu xidhan yahay, laba mudane way xidhan yihiin, dad badan oo kalena way xidhan yihiin, dhammaantood waxa lagu haystaa Guddoomiyaha ayay taageersanyihiin, waana wax cusub”. “Waxaan Ogahay In Xukuumaddu weliba MadaxtooyaduU Tafo-xaydatay Is Casillaada, lacagna lagu baayacayay”.
Waraysiga Guddoomiyaha ayaa ku soo beegmaya iyada oo uu soo saaray maanta liis cusub oo gole dhexe ah oo ka kooban laba boqol iyo afar iyo afartan xubnood oo xisbigaasi yeelanayo, waxaa hore u jiray Gole dhexe oo shirguddoonka shirweynihii Kulmiye soo saaray, arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka u dhexeeya Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay xadhig loo geystay masuuliyiin isaga taageersan, iyo halka uu marayo wadahadal uu sheegay inay guurtidu waddo iyo halka uu salka ku hayo khilaafka Kulmiye.

Waraysiga oo dhamaystiran dhegayso:

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here