“Waxaad Mooda in KULMIYE Dhexdiis ay Cabudhini ka jirto, Cid han lehna aan la rabin, maxaa yeelay….”- Baashe Cali Jaamac

0
1

Siyaasi Baashe Cali Jaamac Oo Ka Digay Saxaafadda Oo La Xidh-Xidho

Hargeysa (Hubaal)-Siyaasi Baashe Cali Jaamac oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa Xukuumadda u diray baaq ku waajahan Saxaafadda.

Siyaasi Baashe Cali Jaamac ayaa sidoo kale ka hadlay Xisbiga Kulmiye, oo dhawaan Shirkiisi Golaha Dhexe qabsan doona, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Saxaafadda “Saxaafaddu waa xor, in lagu xad gudubo, oo la cabudhiyana maaha, in Saxaafadda lagu xidho dhaliilaha jira ha sheegina hana soo bandhigana maaha,  Saxaafaddu Somaliland door muhiima ayey kaga jirtaa dalka, ee ma joogno  dal kaligii taliye xukumo ee Dimuqraadiyada ha la ilaaliyo oo Saxaafadda cabudhinta, xadhiga iyo cadaadiska ha laga daayo, haddii se Saxaafadda cabudhinta laga dayn waayo, waa nasiib daro weyn, dadka haddii afka laga xidhana gacanta lagama xidhi karo,halkii loo baahna inay Xukuumaddu saxdo dhaliilaha ay leedahay ee la soo bandhigay maaha inay xadhig iyo cabudhin miciin bido, ”.

Mar uu ka hadlaayey Xisbiga Kulmiye oo dhawaan Shirkiisi Golaha Dhexe qabsan doono ayaa yidhi “Waxaad mooda in Xisbiga Kulmiye in dhexdiisi cabudhini ka dhex jirto, maxaa yeelay waxaynu ogeyn in xubno ku jiray oo dhaliilay Xukuumadda in laga saaray, sideedabana dhaliilisho waxbay toosisaa ee waxba ma xumayso, qofku haddii uu han leeyahay, wuxuu isku dayaa inuu hankiisa muujiyo, meesha uu doonaba ha jooge, waxaa se muuqata in Xisbiga Kulmiye dhexdiisa aanay Dimuqraadiyadi ka jirin, cid han lehna aan la rabin inay iska soo sharaxdo, waxay ahayd madaama Xisbigu yahay Xisbi qaran, in qof kasta oo ka mid ah Xisbiga, oo waliba han musharaxnimo leh kursiga uu doonaba ha ku tartame inuu isa soo sharaxo, laakiin taas ma muuqato”.

Geeska Afrika

SHARE
Article horeRa’iisal-wasaaraha Jabuuti Oo Qaabilay Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here