“Waxaan Faraya Taageerayasha Xisbiga WADDANI Iney U Diyaar Garooban Halgan Adag Oo Dalka Lagu Bad-Baadinayo”

0
1

 “Muuse Biixi Dalkan Xoog Iyo Xabad Midna Ku Qabsan, Kumana Haysan Karo” Guddoomiye Cirro Oo Hanjabey

Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka hadlay ansixinta Golaha Wakiillada ee Xubnaha Madaxweynaha, Golaha Guurtida iyo Xisbiga UCID u soo xuleen inay noqdaan Komiishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland.

Xubnaha Shalay Golaha Wakiilladu ansixiyey oo tiradoodu dhan tahay Lix xubnood oo ay ku jiraan laba xubnood oo Xisbiga WADDANI si gaar ah u diidanaa ayaa Dalka ka abuuray khilaaf siyaasadeed oo ku salaysan sharciyadda loo maray ansixintooda, maaddaama oo WADDANI diiddan yahay, Xubintiisiina ka maqan tahay.

Guddoomiyaha WADDANI oo Arrimahaa ka hadlay maanta ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi hab-dhaqankiisu yahay Caragsi isla-markaana uu Xisbiyada Qaranka ee Mucaaradka ah ku carigsanayo, sidaasi darteed haddii aanu wax ka beddelin Hoggaamintiisa ay Xisbi ahaan qaadi doonaan Tallaabo kasta oo ay Dalka ku bedbaadinayaan.

“Waxa aanu Muuse xassuusineyna in aanu dalkan xoog iyo xabad midna ku qabsan kuna haysan karaynin..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Haddii uu ku sii wado carigsiga iyo sharci jiidhka, waxa aanu ku dhaqaaqi doona tallaabo kasta Oo Qarankan lagu bad-baadinayo.”

Guddoomiye Cirro wuxuu farriin u diray Taageerayaashiisa “Waxaan faraya Taageerayasha Xisbiga iney u diyaar garooban halgan iyo hawl adag oo dalka lagaga bad-baadinayo Maamul Xumada Muuse Biixi baday”ayuu yidhi.

SHARE
Article horeTelefishenka ugu weyn dalka Sweden oo qaadaadhigay barnaamij Uu ka diyaariyey Kheyraadka ku jira Badaha Somaliland
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here