HUBAALMEDIA.COM
“Waxaan Idinkula Dardaarmayaa In Baabuurkani Noqdo Mid Suxufiyiinta Somaliland Loogu Shaqeeyo”
April 7, 2017 - Written by Mustafe Faro

Guddoonka Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Baabuur Land Cruiser Ah Ka Guddoomay Wasiirka Qorsheynta

17523208_1438178122890107_3985852365311103210_n

Hargeysa (Hubaal) Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa shalay Baabuur Land Cruiser Ah ka gudoomay  Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Somaliland Maxamed Ibraahim Qabo. Munaasibad kooban oo loo qaybtay Baabuurkaasi ay la kala wareegayeen ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA iyo Wasaarada Qorshaynta ayaa halkaasi waxa ka hadlaya Wasiirka Wasaarada Qorshaynta ee Mr. Maxamed Ibrahim (Qabyotire) iyo Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) iyo Agaasimaha fulinta ee ururka SOLJA Yaxye Maxamed Cabdi (Xanas). Agaasimaha fulinta ee ururka SOLJA Yaxye Maxamed Cabdi (Xanas )oo ugu horeyn munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu si qoto dheer uga waramay xidhiidhka ka dhexeya ururka SOLJA iyo Wasaarada Qorshaynta Qaranka, waxaanu tilmaamay in xidhiidh aad u fiicani uu ka dhexeyo, isla markana mudadii wasiirku joogay ay ururka suxufiyiinta loo qabtay tababaro uu ugu muhiimsan yahay Tababar SDF u qabtay 90 Suxufi kuwaasi oo aqoon fiican ka faa’iideystay, waxanu Agaasime Yaxye  sheegay in maanta ay ka gudoomayaan wasaarada Qorshaynta baabuurkan oo ay baahiweyn ay u qabeen, waxaanu tilmaamay in dhib dhinaca gaadiid la’aantu ururka haystay basle maanta ay ka baxayaan isla markana  agaadhigani wax badan u qaban doono dhinaca safarada dhaadheer ee gobolada dalka ugu baxaan.

Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac ayaa Baabuurkaasi ka gudoomay wasiirka wasaarada Qorshaynta qartanka, waxanu wasiirka uga mahad naqay sida uu mar walb au garab taagna yahay Solja.

Wasiirka Wasaarada Qorshanta qaranka Maxamed Ibrahin ayaa sheegay in baabuurka ay si  rasmi ah ugu wareejinayaan ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, sidaasi daradeena baabuurkani yahay mid xaaladiisu aad u fiican, waxaanu Hogaanka ururka Suxufiyiinta kula dardaarmay in baabuurkasi noqdo mid loogu shaqeyo Suxufiiyinta Somaliland.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews