HUBAALMEDIA.COM
“Waxaan Soo Jeedinayaa In Madaxweynaha Laba Sanno Loo Kordhiyo, [Waayo] Haddii Leysku Daro Labada Doorasho Qas Baa Dhacaya”
July 10, 2016 - Written by Mustafe Faro

Xil. Xasan Cawaalle Oo Luuqad Kacaamaysan U Daliishaday Doorashooyinka Isa saarka Ah Iyo Cimri Dherer Loo Sameeyo Muddo Xileedka Madaxweynaha

“………..Qolooyinkii [Xukuumadihii Cigaal & Rayaale]  Ka Horreeyey [Madaxweyne Siilaanyo], Waxay Hayn Jireen [Xukunka] Sideed Illaa  Sagaal Sanno….[Immikana] Haddii Labada Doorasho Laysku Daro, Waxaa Dhacayaa Qas”xasan cawaale

Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha guddida arrimaha bulshada ee golaha wakiillada Somaliland Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan  oo shalay warbaahinta kula hadlay magaallada Hargeysa ayaa ka hadlay ra’yigiisa ku aaddan doorashooyinka golaha wakiillada iyo madaxtooyadda ee sanadka soo socda la filayo inay dalka ka qabsoomaan. Xildhibaan Xasan Cawaale waxa uu  soo jeediyay in labada doorasho ee madaxtooyadda iyo wakiillada la kala saaro, isla markaana doorashada wakiillada laga soo hormariyo madaxtooyadda. Xildhibaan   Caynaan waxa uu ku dooday in muddo 2 sano ah loo kordhiyo madaxweynaha, taas bedelkeedana  la kala qaado labada doorasho ee madaxtooyada iyo golaha wakiillada,  “waxaan soo jeedinayaa fikirkayga ku aaddan labada doorasho la kala dambaysiiyo, sidaa daraadeed lasoo horeysiiyo doorashada baarlamaanka, isla markaana madaxweynaha loo kordhiyo laba sanadood.” Ayuu yidhi xildhibaan xasan Cawaale oo sidoo kale sheegay in xukuumadihii ka horeeyay xukuumadda haatan ay hayeen xukunka muddo ka badan inta madaxweyne Siilaanyo hayo, isagoona sheegay in qas imanayo haddii labada doorasho ee wakiillada iyo madaxtooyada la isa saaro ama mar lawada qabto “sababta aan u leeyahay midaasi waxay tahay, haddii labada doorasho laysku daro waxa dhacaya oo imanayo qas. Qolooyinkii ka horeeyay waxay ahaan jireen ilaa sagaal sano iyo siddeed sano iyo waxbay ahaan jireen, markaa waxaan leeyahay madaxweynaha haloo kordhiyo laba sano, oo ta baarlamaanka hala soo horeysiiyo.”  Ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale waxa Sidoo kale Xildhibaankani uu soo jeediyay in iyana 2 sano loogu daro oo loo kordhiyo golaha guurtida.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews