“Waxaanu Tijaabadii U Dambaysay Ka Qaadnay Qalab Meesha Ka Saari Doon Cid Kasta Oo Laba Meellood Isku Dayi Jirtay In Ay Ka Mushahaar Qaadato”

0
45

xafiiska guddida shaqaallaha dawladda oo soo bandhigay qalab  bu’da isha “Iiris Recognition Technnology” sawiraya  iyo mid summada farta dheegaya “Finger Prints”

 

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland   Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo Guddida Xafiiska shaqaalaha dawladda ayaa magaalada Hargeysa kusoo bandhigay qalab casri ah oo ay sheegeen in ay ugu talo galeen in uu qayb muhiim ah ka qaato barnaamijka tirinta, iyo dib u habaynta shaqaallaha dawladda Somaliland kuwaas oo dhawaan la gudo gali doono diiwaangelintooda oo madax taabasho ah. Guddoomiyaha hay’adda shaqaallhu waxaa uu sheegay in qalabkan oo isha qofka sawirayaa uu meesha ka saarayo shaqaalihii loo yaqaannay caaglaha iyo kuwa laba gardaaqa ee dhawrka mushahar dawladda uga xaadira, taas bedelkeedana uus ugi doono tirada rasmiga ah ee shaqaallaha dawladda. Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo faahfaahin ka bixinaaya qalabkan casriga ee Hay’adda Shaqaalaha u suurto galay inay dalka keenaan markii u horaysay si loo loo sugo tiradda, tayadda iyo diwaanka shaqaalaha Dawladda ee Somaliland waxa qoraal uu ka soo saaray qalabkan ay keenaan uu ku u dhignaa sidan. “Waxaanu tijaabadii u dambaysay ka qaadnay qalabka casriga ah ee caaglaha “Ghost Workers” shaqaalaha lagaga qaban doono, arrintan ayaana meesha ka saari doonta cid walba oo laba meelood isku dayi jirtay in ay ka mushahaar qaadato “Double payroll” sidoo kalena si cilmiyaysan u soo ogaan doonta tirada rasmiga ah ee shaqaalaha dawladda.

– Tirintan ayaa sahli doonta in shaqaalaha la tayyeeyo sidoo kalena waxaa si dhab ah u soo bixi doonna baahida jirta ee shaqo , iyadoona albaabka u furi doonta in shaqaale tiro badan la qaato kuwaas oo ku salaysan baahi qoran oo waajibaadkeedii wadata “TOR”

– Qalabka bu’da isha lagu sawirayo “Iiris Recognition Technnology” iyo midka summada farta dheegaya “Finger Prints” ayaa dhammaad u noqon doona madax-tiris dambe iyadoona meesha ka saari doonta shaqaalaha aan aan jirin ee dhoofay ama dhintay lakiin wali miisaaniyada ku jira.

– Waxaa sidoo kale shaqaalaha dawladda loo samayn doonna aqoonsi “ID card” kaasi oo wax badan ka anfici doonna isagoona noqon doona ugu dambaynta midka ay mushaharkooda baanka kaga qaadan doonnaan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here