HUBAALMEDIA.COM
“Waxan Ahay Ardaygii Reerka, Waxaana Wax I Baray Macallinkii Reerka Oo Axmed Saleebaan Dafle Ahaa, Ninka Muuse Biixi La Yidhaahdaana…..”
August 8, 2016 - Written by Mustafe Faro

Wasiirka Daakhiliga Oo Si Kal-furan Uga Sheekheeyey Sadarro Ka mid Ah Shaqooyinkii Uu Kasoo Qabtay Nidaamkii Maxamed Siyaad

“Anigoo Halkan (Hargeysa) Imi Oo Aan FAQASHTII Ahay Ayaa Muuse Biixi Uu I Soo Gaadhsiiyey Qoladan  Mujaahidiinta Sheegata Oo Aan Ka Yara Habsaamay”

 ++++++
“Anigu Laba Macallin Baan Lahaa Oo Mid Axmed Saleebaan Dafle Oo Aniga Oo Yar I Soo Barbaariyey Buu Ahaa,  Ninka Muuse Biixi La Yidhaahdaana  Mar Dambe Oo Aan Weynaaday Oo Jaamacaddii Wax Yari Iiga Dhiman Yihiin Ayaa  Gacanta I Qabtay”- -Wasiir Cali Waran-cadde

warancade & ina dafleHargaysa (Hubaal) – Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa markii ugu horraysay si furan uga hadlay sadarro taariikhdiisa hore ee noloshiisa ku jira oo la xidhiidha shaqooyin aanu inta badan afkiisa ka qiranin oo uu ka hayn jirey rajiimkii burburay ee Somaliya ee uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

Wasiir Waran-cadde oo shalay ka hadlayey madal hoggaanka xisbiga KULMIYE ku casuumay waxgarad iy cuqaal kasoo jeeda deegaanada bariga dalka, ayaa qirtay inuu ahaa arday uu soo barbaariyey taliyihii ciidankii sirdoonka dawladdii Soomaaliya sarreeye guuto Axmed Saleebaan Dafle oo ay shacabka Somaliland aaminsan yihiin inuu hormood ka ahaa cabudhintii iyo dhibaatadii ay dawladdaasi u geysatay.

Wasiirka ayaa isagoo ku faanaya inuu kusoo hoos barbaaray Taliye Axmed Saleebaan Dafle, isla-markaana odayaal iyo waxgarad ay taliyahaas isku deegaan yihiin u muujinaya inuu ku faanayo, waxana uu yidhi, “Waxan ahay Ardaygii Reerka (Dhulbahante), waxa wax I baray macallinkii Reerka oo Axmed Saleebaan Dafle ahaa.”

Wasiir Cali oo hadalkiisa sii wata, ayaa sidoo kale ku faanay inuu xubin ka ahaa dawladdii shacabka dhibka badan u geysatay oo uu wax badan lasoo qabtay,“Anigu laba macallin baan lahaa oo mid Axmed Saleebaan Dafluu ahaayoo aniga oo yar buu isoo bar baariyey, dabadeedna waxan noqday Arday naajix ah, mar dambe oo aan weynaaday oo jaamacaddii wax yari iiga dhiman yihiin ayaa ninka Muuse Biixi la yidhaahdaa gacanta I qabtay.” Ayuu yidhi wasiir Cali Maxamed Waran-cadde.

Cali Maxamed Waran-cadde waxa luuqad tiiq tiiqsi leh ku sheegay inuu  xubin firfircoon ka ahaa FAQASHTII shacabka hagardaamada u geysatay, isla-markaana uu goor dambe halgankii oo dabayaaqo ah soo gaadhay, waxana uu yidhi, “Anigoo halkan(Hargeysa) imi oo qoladan sheegata mujaahidiinta aan ka yara habsaamay oo aan FAQASHTII ahaa ayuu muuse Biixi ahaa raggii gacanta I qabtay ahaa ee mujaahidiinta isoo gaadhsiiyey.”

Waa markii ugu horraysay ee wasiir Cali uu si cad meel fagaare ah ugaga baano shaqadii uu lasoo qabtay dawladdii uu Maxamed Siyaad Barre hoggaaminayey, isla-markaana uu xuso inuu ka habsaamay dibu xorayntii dalkani xorriyadiisa dib ugu helay.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews