“Waxan ka rajaynaynaa in ay xukuumaddu umadda u fasirto waxa lagu dhiirranayaa waxa ay yihiin.” Guddoomiye Cirro

0
31

Hargeysa (Hubaal)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka Hadlay Qoddobada kasoo baxay Heshiiskii Dhawaan Somaliland iyo Somalia ku kala saxeexdeen Dalka Djibouti, waxana uu xukuumadda ugu baaqay inay Heshiiskaas Faahfaahiso.

cirrrrrrroGuddoomiye Cirro oo maanta Warbaahinta Xafiiskii Hargeysa kula Hadlay, ayaa waxa uu tilmaamay in wada Hadalku Yahay tallaabo fiican, balse loo baahan yahay in arrimaha Qaarkood talo laga yeesh,

“guud ahaan in la wada Hadlaa arrimo la isla ogolaaday bay bahayd, laakiin waxa laga wada Hadlayo iyo markay soo gaadho arrimaha Masiiriga ah in marka hore laga wada tashado marka dambena looga warramo shacbiga ayuu waajibku yahay sidaan qabno.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

 Cirro waddani

Guddoomiye cirro waxa uu sheegay in xukuumadda looga Baahan yahay inay umadda u Bayaamiso Qoddobo ku jirey Heshiiska oo ay ugu weyn tahay in arrimaha Masiiriga ah lagu dhiirado, waxana uu yidhi,

“Qoddobada laga wada Hadlay waxa kamid ah in labada dhinac ku heshiiyeen In arrimaha siyaasiga ah ee Masiiriga ah lagu dhiirrado, masiirkana waanu garanay oo waa mustaqbalka umadda, markaa waxan ka rajaynaynaa in ay xukuumaddu umadda u fasirto waxa lagu dhiirranayaa waxa ay yihiin.”

Waxa uu sidoo kale Guddoomiye Cirro tilmaamay in arrinta Gooni isu taaggu tahay lama taabtaan, isla-markaana aan gorgortan la gelin Karin, waxana uu yidhi,

“Waxanu ka warqabnaa in arrinta gooni isu taagu tahay mid aan Gorgortan Geli Karin, laakiin xukuumadaanu ka sugaynaa inay dadka iyo axsaabta u bayaamiso iyo Guud ahaanba Heshiiskaa Nuxurkiisa.

Himilomnedia

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here