“Waxan Ku Faraxsanahay In Maanta Garsoorka Somaliland Ay Sii Daayaan Wiil Dhallinyaro Ah Oo u Gabyay Xukuumadda & Booliska, oo ay Yidhaahdeen Idinka Uun Baa Baqdaye Wiilku Wax Weyn Muu Geysan”

0
1

Madaxweyne Biixi Oo Soo Xidhay Shirkii Golaha Dhexe + Nuxurka Khudbad Uu Kaga Hadlay Soo Jeedimaha Bulshada Ee Salka Ku Haya Ilaalinta Xorriyadda Hadalka Iyo Arrimo Kale

Muuse Biixi Oo Lagu Soo Gole-Fadhiisiyey Shirkii Golaha Dhexe Ee KULMIYE Iyo Su’aalo Furan Oo Uu Ka Jawaabay

 

Boorama-(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa soo xidhay shirkii lixaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo shalay kusoo gebogeboobay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirka soo xidhay, ayaa  xubnaha  golaha dhexe ku bogaadiyey sida karaamada leh ee ay afkaartooda iyo aragtiyahoodaba ugaga qaybqaateen shirka, isaga oo caddeeyey inuu hoggaamiye ahaan mar walba diyaar u yahay inuu fuliyo oo meelmariyo ballamihii xisbiga bulshada u sheegay xilliyadii doorashooyinka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inuu si kal iyo laab ah u aqbalay dhammaanba soo jeedimihii iyo talooyinka waxtarka lahaa ee ay soo jeediyeen xubnaha golaha dhexe ee shirka isugu yimi, isla markaana uu hirgelin doono wixii suurega ah.

Madaxweynuhu waxa uu si garnaqsi leh uga hadlay soo jeedimaha bulshada kale iyo xubnaha xisbiga kasoo baxa ee salka ku haya ilaalinta xorriyadda hadalka iyo ka hortagga xad-gudubyada ka dhanka ah ashkhaasta gaarka ah iyo qarankaba, isaga oo soo bandhigay culaysyada ay hoggaamiye ahaan ku hayso sidii labadaas la isugu miisaami lahaa, “Canaantii ugu kululayd ee aad noo soo jeediseen waxa ay ahayd xisbi xukuumiga ahaa baynu nahaye halloo dulqaato mucaaridka, halloo dulqaato dadka fikradahooda cabbira, halloo dulqaato saxaafadda, laakiin horta laba dhengadood baa nala dhacdaan haddaad xisbiga iyo dadweynaha tihiin, dadka ilaaliya oo xorriyatul-qawlka ha cabudhinina oo mucaaridka halla hadlin, haddana waxa taalla nabadgelyada ilaaliya oo wixii xun dadka ka qabta, laakiin haddii mucaaridkii ama abwaankii ama saxafigii qaldamo maxaynnu yeelnaa illayn labadii goor ba waad na garaacaysaane,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa carrabka ku ballaadhiyey in qaranku leeyahay garsoor u madax bannaan hawlihiisa, isaga oo si gaar ah u hambalyeeyey go’aanka ay waaxda garsoorku kusii daysay wiil dhallinyaro ah oo muddo xabsiga ugu jirey eedaymo loo haystay, isaga oo bushadana ku adkeeyey inay ilaaliyaan shuruucda dalka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxan ku faraxsanahay in maanta garsoorka Somaliland ay sii daayaan wiil dhallinyaro ah oo gabay tiriyey oo xukuumadda iyo Booliska maagay inay yidhaahdeen idinka uun baa baqdaye wiilku wax weyn  muu geysane waa xor, waanu qaadanay oo garsoorku waa xor waana ku kalsoonahay, qofkana ma xidhnee  haddii dadka xeerka ilaaliyaa arkaan inuu qaldamay waa la qabtaa oo waa eedaysane, maxkamaddaana noo kala xaq goysa,  laakiin canaanta badan iyo cidna yaan lala hadlintu hadhowna waxa taalla dalku waa fowdo’e maxaad  wax uga qaban weydeen. Waxannu ku dedaalaynaa dulqaadka, waxana aanu qaadanaynaa sida aad na farteen, dadweynahana waxannu ku waaninaynaa ilaalinta shuruucda”

Muuse Muuse waxa kale oo ka hadlay abwaan Cabdiraxmaan Abees oo lagu qaabilay shirka xisbiga markii xorriyadiisa loo celiyay. “Wiilkaa dee Abwaankiisu waa inan yare , wiilkaa la Xidhay een  cadhoon  een caytamin ee weliba Xisbiga yidhi waan egeeyaa qoladii I xidhay waxay wadaan waa Geesinimo aad iyo aad ayaan ugu dul-qaadanaynaa, wixii aad odhanayso dheh xor ayaad u tahayee,” Ayuu yidhi Muuse Biixi wuxuunna hadalkiisii ku sii ladhay “ laakiin haddii aad sharciga ku gefto ku deyn-mayno taa ku tala-gal, xor ayaad u tahay rayiga waxaad ku cabbirayso adiga iyo kuwa qayrkaaya oo dhib maaha in aad rayiga cabbirtaan waan ogolnahay idiina xeerka iyo nidaamka inoo illaaliya.”Ayuu yidhin Muuse Biixi.

Geesta kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha golahaas uga jawaabay su’aalo isla xisaabtan iyo hawaale-warran ah oo ay kula xisaabtamayaan xukuumadda uu hoggaamiye ee xisbiga KULMIYE kasoo baxday.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa mid mid uga jawaabay su’aalo ay weydiiyeen xubnaha golaha dhexe oo salka ku haya sida ay xukuumaddu u fulisay waajibaadkii ka saarnaa ballamihii uu xisbiga KULMIYE bulshada u qaaday waqtiyadii doorashooyinka, iyaga oo sidoo kalena madaxweynaha la wadaagay qaar kamid ah tabashooyinka bulshada ee u baahan in wax laga qabto.

Madaxweynaha, ayaa si kal-furnaan ah uga jawaabay su’aalaha ay xubnaha golaha dhexe weydiiyeen, waxana uu garowshiiyo ka bixiyey wixii tabasho ah ee xaqiiqda ku fadhida ee waqtigan jira, waxana uu ballan qaaday inuu mar walba diyaar u yahay isla-xisaabtan iyo wax isweydiin la xidhiidha sidii looga midho dhalin lahaa waxyaabihii uu xisbigu ummadda u ballan qaaday.

Kulanka isla xisaabtanka iyo hawaalle-warranka isugu jira ee madaxweynaha iyo golaha dhexe dhexmaray oo qabsoomay isla intii uu shirka golaha dhexe socday, isla markaana ajandaha shirka qayb ka ahaa, ayaa ku dhammaaday jawi deggen, waxana uu madaxweynuhu si waafi ah uga jawaabay dhammaanba wixii su’aalo ahaa ee halkaas lagu weydiiyey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here