“Waxaynu Carrabka Ku Xejinaa Oo Weli Ka Werweraynaa Nabadgelyadii Iyo Siyaasaddii Arrimaha Debeda Oo Wax Iska Badeleen”

0
1

“Haddii Doorashadii Qolo heshay waa Illaahay Mahadii Laakiin  waxa waajib ah in la dhamaystiro…….” Siyaasi DUUR

 

 

Hargaysa(Hubaal) Siyaasiyi Maxamed Nuur Caraale Duur oo ka mid ah siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaradka ah Ee Waddani ayaa ka faallooday sababta keentay in shacbigu ay weli  ka digaan xaallada nabadgalyo ee dalka isaga oo sheegay in xanaftii doorashadu reebtay kelifayso in carrabka lagu xejiyo ka hadalka arrimahan.  Siyaasi Duur ayaa sidaasi ka sheegay  shalay madal meher ah oo ay isku yimadeen badiba labeetan Somaliland oo iskugu jirta siyaasiyiin,salaadiin iyo aqoon yahan kala gadisan,waxaan uu duur ku dheeraaday sida ay muhiimka u tahay in la ilaaliyo nabad galiyadda. “wali waxa aynu carabka ku xejinaynaa nabad galiyadii ayaynu u warwaraynaa oo qof kastaa waxa uu u baqayaa dalka nabad galiyadiisii waana raad ay inagaga tagtay doorashadii oo wali inaga oo adkaan iyo Maanta oo duruufo badan oo is barkani ina dhexyaalay ay jireen,waxaana kale oo jiray inaga oo doorasho galnay oo iyaduna wax ka tagtay iyo waliba siyaasadii arimaha dibadda oo ay wax iska badaleen,markaas maanta waxa ay cid waliba nabad ugu cel-celinaysaa waa midhakaas”.sidaasi ayuu yidhi.  Intaas waxa uu ku daray  siyaasi Maxamed Caraale Duur oo hadalkiisa siiwata ayaa yidhi.”Midnimadda guduhu waa doon wayn waxaana waajib ah in la dhamaystiro,hadii doorashadii dhamaatay oo qolo heshay waynu nasiib badan nahay oo ilaahay ayaa daweeyay lakiin meel wanaagsan ayay maraysaa waxaana weeyaan in halkaas laga sii wado. Siyaasi duur ayaa hore u soo noqday wasiirkii wasaaradda arimaha gudaha Somaliland,waxaana madalaha uu tago markasta uu kaga hadlaa arimaha nabad galiyadda iyo sidii bulshadu ay nabadooda u adkaysan lahayd.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here