HUBAALMEDIA.COM
“Waxaynu Joognaa Wakhtigii Wax La Isku Darsanayey Ee Waa In Aynu Cabashada Iska Deynaa.” Eng Hussein Ibrahim Buuni, Golaha Dhexe Xisbiga KULMIYE
May 26, 2017 - Written by Mustafe Faro

Eng Hussein Ibrahim Buuni, Golaha Dhexe Xisbiga KULMIYE

Hargeysa (Hubaal) Eng Xuseen Ibraahim Buuni oo kamida masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye, oo khudbad dareen badan xambaarsan la wadaagey Madaxda Xisbiga iyo Tageereyaasha, Xaflad si meqaam sare loosoo agaasimey oo Khamiistii Xisbiga Kulmiye ku qaabiley taageerayaal aad u tiro badan oo kasoo jeeda Beelaha DANWADAAG (Gabooye).

Khudbad dhinacyo badan taabatay Oo Eng Xuseen ka jeediyay madashaasi, ayaa u dhignayd sidan;

18741487_1358273297620917_2016357984_n

“Walaalayaal waxaa sharaf iyo farxad weyn ii ah in aan maanta idinku soo dhaweeyo Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, waxaa inagu soo foodleh wakhtigii doorashada waa Wakhtigii wax la isku darsanayey walaalayaal waa in aynu Codkeena iyo Cududeenaba maanta Xisbiga Kulmiye iskuugu geynaa oo aynu cabashadii iska deynaa.

Wixii maanta aynu xisbiga kulmiye gashano ayuunbeynu barito kamaali doonaa, walaalayal Xisbinimada dhawr shay ayaa muhim ah in lagula shurakoobo Cod, Cudud iyo Dhaqaale. Inagu maanta weynu iska warhaynaa oo dhaqaale aynu xisbiga kulmiye gelino mahayno.

Mudane Gudoomiye umadani dhaqaale ay Xisbiga geliso lama hayo lakiin waxaan kaa balan qaadeynaa in Xisbiga maanta aanu Cod iyo Cududba gelino.

Maanta waa gobolkii maroodijeex cududiisii, waxaanu kasoo shaqeyney Hogaanka dhaqankana kuwada soconaa sidaas ay cadeyeen in umadani Maanta lixda gobolba isku raacsan tahay in ay cududoodii iyo Codkoodiiba ay geliyaan Xisbiga Kulmiye, anigana sharaf iyo farxad ayey ii tahay.

mar uu ka hadlayay dhacdadii dhawaan ka dhacaday Somaliland ee ku saabsanayd gabadhii iyo wiilkii laysku diiday ayaa uu yidhi;

“Qoladan qaylo dhaanta qaldan direysa waxaan leeyahay sidan umad xuquuqdeeda loogama doodo nin aad leedahay waan kula simanahay waanan geyaa inantaada waar lama caayo oo lama xag xagto, arintu waa arin dhaqan hogaanka dhaqanka ayaana doorkeeda leh nin suldaan siyaasiya waxba kama garaneyo arimahan. (Advocacy) udoodista xuquuq umadeed cay iyo xagxagasho looguma doodo. Masuuliyada inaga ina saarani walaalayaal waa in aynu wax barano dhaqaalena sameyno hadii labadaas shay aynu ku dedaalno waxan kale wey iska burayaan walaalayaal. Aynu ku dedaalno sidii inagu doorka uugu weyn uuga qaadan lahayn isdhexgalka.

Eng Xuseen Ibraahim Buuni wuxuu hadalkiisa kusoo afmeerey in ay ka dedalaan aqoonta iyo dhaqaalaha sidii ay gacan wanaagsan uuga geysan lahayeen, xisbiga kulmiyena anigoo afkiisa ku hadleya gacan wanaagsan ayuu inaga siin donaa labadaas shay.

Kulmiye Allah ha Guleeyo, Xukuumadeedanan Allah ha ciseeyo walaalayaal Madaxweyneheena Sharaf, milgo iyo Maamuus ayeynu u haynaa, dedaal ayaa walalayaal inoo balan ah. Waad mahadsan tihiin.

Eng Hussein Ibrahim Buuni, Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews