HUBAALMEDIA.COM
Wefti Ka Socda Xisbiga UCID Oo Kormeer Ku Soo Sameeyay Deegaannada Hoos Taga Gobolka Maroodijeex Ee Kaadh-Qaadhashadu Ka Socoto
July 13, 2017 - Written by Mustafe Faro

Hargeysa (Hubaal) Wafti balaadhan oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Ee Xisbiga UCID Maxamed Aadan Axmed, Isla markaana ay wehelinayeen Qaar ka mid ah Xog-hayayaasha .

Xisbiga oo kala ahaa Xog-hayaha Warfaafinta UCID Yuusuf Kayse C.laahi, Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada C/qaani Salaf Iyo Xoghayayaal Kale, Qaar ka mid ah Garabka Haweenka Ee Xisbiga UCId .

IMG_1088

Waxaanay Waftigani ay kormeer ku soo sameeyeen Deegaanno hoos taga Gobolka Maroodijeex kuwaas oo ay si habasami ah uga socoto qaadashada Kaadhka Diinwaangalinta .

Waftigan ayaa waxay kormeer ku soo sameeyeen Deegaannada Kala ah, Salaxlley, Ina Guuxaa, Qoolbuullale, Labi-sagaale iyo Deegaanno kale.

Ujeedada Waftigani uu Safaradda ugu gaala bixiyay Deegannadaasi ayaa ahaa sidii ay u soo kormeeri lahaayeen Goobaha laga qaadanayo Kaadhka Codaynta, Sidoo kalena ay bulshada ugu wacyigalin lahaayeen Qaadashada Kaadhka Codaynta .

Waxaana Masuuliyiintu ay Deegaannadaasi ka jeediyeen khudbado ku tacalluqada Muhimadda kaadhka Codayntu u leeyahay iyo sida uu wakhtigu u koobanyahay .

Sidoo kale Masuuliyiinta Waftigu waxay afka ku adkeenayeen in Xisbiga UCID uu dhawrayo Sharciga, isla markaana aanay u socon olole, balse Socdaalkoodu ku koobanyahay Kormeer iyo in bulshada lagu baraarujiyo Qaadashada Kaadhka Codaynta .

Madax Dhaqameed iyo odayaal qeyb ka ahaa Waftigan ayaa iyaguna Bulshada Deegaannadaasi la maray ku boorinayay in ay qaataan Kaadhka Codaynta .

Murashaxiin u tartamaya Doorashooyinka Soo socda, oo iyaguna la hadlyay Bulshada Deeganadaasi ayaa  Bulshada ku adkeenayay qaadashada Kaadhkan .

IMG_0967

Waxaa Xusid mudan in waftigan Xisbiga UCID uu socdaalkoodu ahaa Kormeer, Isla markaana aanay sidan wax astaan Xisbi ah, Sidoo kalena aanay Deeganadaasi ka samaynin Olole .

Guud ahaan Socdaalkan ayaa ku soo dhamaaday Guul, iyadoo Masuuliyiinta Xisbigu ay Xalay ku soo laabteen Magaalada Hargaysa .

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews