Weligaa belaayo ma ku heshay?!   Qalinkii: Aadan Daahir Cabdilaahi (Aadan Cadde)

0
495

Caweys dhexe oo gudcur ah ayay ahayd. Dhulku waxa uu ahaa madow aan geedka iyo bahalka si fudud loo kala garan Karin. Waxa ay fadhiyeen ardaa xerada geela ku qabsan. Habeenkaas reerku neef ayuu shidhaystay oo jiidh iyo jibaadhba way ka haageen. Saruuraddii haysay iyo basaastii ku raagtay labadaba way ka raysteen. Kor iyo kalba duxdii baruurta ayay ku liiliyeen, hadhaagiina kabaha ayay ku subkadeen. Kildhi shaah ah oo loo keenay ayay isagana heensadeen. Markuu nin waliba fujaankii ugu dambeeyay ku shubtay, ayuu Gamadiid raggii su’aal ku soo dhex tuuray: weligaa belaayo ma ku heshay? Guutaale ayaa markiiba inta uu fujaankii gunta dhulka u dhigay xusuustay qiso beri hore ku dhacday oo aan marnaba nudaygiisa ka bixin. Sheekadii ayuu bilaabay. Madowgii gudcurka waxa ku darsamay murugada ay sheekada Guutaale abuurtay. Raggii waxa ay u qaybsameen mid dhabanka iyo gacanta isku haya oo amakaagsan iyo mid iswaydiinaya toloow ninku waxan uu ka sheekaynayaa ma run baa mise waa been? Haddii ay run tahay sidee ayuu dhacdadan uga nool yahay?. Geelle ayaa isna markiisii warramay oo ka sheekeeyay wacdarihii qabsaday iyo belaayadii raaskiisa ku dhacday berigii geela laga dhacay. Innamadiisii uu maydkooda dul joogsaday ayuu xusuustay. Sidii uu u caydhoobay ayaa maankiisa ku soo maaxatay. Sidii uu berigaa u goblamay ayuu isaga oo murugaysan ka sheekeeyay. Guutaale, Geelle iyo laba kale oo ragga kamid ah ayaa si laayb leh uga warramay belaayooyinkii ku soo dhacay intii ay noolaayeen. Afarta sheeko midiba mid bay ka darnayd oo ka naxdin badnayd. Bulxan oo ugu dambeeyay ayay su’aashi soo gaadhay. “Bulxanoow raggii dhegaysataye adiga weligaa belaayo ma kugu dhacday?” ayuu Diiriye oo su’aasha qaybinayay Bulxan weydiiyay. Bulxan baa ku jawaabay Cimrigay belaayo igu ma dhicin, beri bay se I ag martay!”. “berigaa ay ku ag martay uun ka sheekee” ayuu Diiriye ku celiyay. Bulxan waa oday waayeel ah oo bidaartu qadaadka ku siman tahay. Sunniyo waawayn iyo gadh isku cufan oo caddaaday ayuu leeyahay. Waa waayo-arag ruug caddaa ah oo tolku ku taamo. Weligii gar aanu fadhiyin geedkeeda la ma goglin. Inta uu cabbaar foorarsaday ayuu sheekadii sidan u bilaabay:

aadanJiilaalkii bakhti-xalaaleeye, malaa Guutaale ayaa idiinku da’ weyn oo garanayee, ayay goor saq dhexe ah afadu iga ummushay. Laba wiil oo mataano ah ayay dhashay. Dhulku waa omos iyo awaare aan ishu qaban Karin. Cirka haddii aad kor u eegto in uu soo jajabo oo kugu soo daato ayaad ka baqanaysay. Jiilaal daba-dheeraaday ayuu ahaa oo xooluhu iska daa in ay caano dhiiqaane lafta iyo saanta ayaa isku dhegay, wixii liitay oo dhammina way quluusheen. Habeenkaas ay islaantu ummushay gurigayga goror biyo ah lagu ma ogayn. Haamaha oo 2

dhammi way haawanayeen oo berri ayaa lagu tashaday in dhaanka la diro. Ceelashii Hawdku way wada gudheen oo diniin biyo ahi guntooda ma fadhiyo. Durdurradii waqooyiga ayaa biyo noogu dhow, kuwaasna lix caano-maal ayaa loo soconayaa. Ummushu degdeg ayay biyo ugu baahantahay, carruurtuna wax ay horaadkeeda ka jaqaan lagu ma oga. Innamadaydu toban wiil oo taabbo-qaad ah ayay ahaayeen, hasayeeshee, geelayga ayaa ciiddaa iyo camaarkaa ka badnaa oo hawshiisa ayay ku hafteen. Hablahaygu waa dhowr, laakiin tirooyinka adhiga ah ayay celiyaan oo weliba dhib ku ah. Horaa loo yidhi “Ilaahay marka uu duunyo ku siinayo dadkeeda ayuu ku siiyaa”. Hawluhu ma yara oo waa jiilaal cargaagtamay. Neef waliba toban neef ayuu la hawl noqday. Mid quluulanaya, mid joogsaday, mid la ruqo-qaadayo iyo mid ordaya oo daaq iyo biyo raadinaya ayay xoolihi u qaybsameen. Aniga ayuu dhaankii iga fursan waayay. Kolkii waaga hore dillaacay ayaan labadii awr ee ina dhexyar iyo Qalinle isku xidhiidhiyay. Mid walba afar dhoomood ayaan dhinacyada kaga takhlay. Waqooyi ayaan afka u saaray. Waa laba awr oo hayin ah aadna u cag fudud, anna wixii socod addimadayda ku jiray ayaan adeegsaday. Ina-dhexyar oo faruur-xidhan ayaa soo horreeyay oo kabaha iga goyn gaadhay.

Wax aan kaymo jiq ah iyo banan busku ka duulayo soo dhex qaadaba, maalin labaaddii ayaan soo galay dhul aad mooddo in uu roob helay oo dhirtu waxoogaa saac ah leedahay. Buuro isku daba-taxan iyo togag midba dhan u tallaabayo ayaan ku dawakhay. Ugu dambayntii durdurradii aan u socday ayaan soo gaadhay. Aniga iyo awrtiiba biyihii ayaannu ka haagnay. Haamihiina inta aan dhaamiyay ayaan daboolka ku adkeeyay, awrtiina caynka u giijiyay. Nin dad surmi ah oo jilicsani sugayaan baan ahee, judhiiba inta aan qarqarsiga ka jaray ayaan Hawd afka saaray. Qofku marka uu meel fog ku tamuumayo, maankiisu meeshaas ayuu toos ugu xidhan yahay. Ummushii oo carrabku engagay iyo ubadkii oo dhaada ka hoos haya ayaa ii muuqata. Kolkaan hogobihii Waqooyi ka dhammaaday ee aan Hawdka sare ku libdhay ayuun baan suryo cidhiidhi ah ka laabay. Waxaan il-qoodha ka halacsaday in awrkii ina-dhexyar oo kali ahi iga soo daba laabay. Waan joogsaday oo dib fiiriyay. Qoodh-iyo-xero awrkan aan hoggaankiisa hayo mooyaane kii kaleba kuma xidhiidhsana. Wuu xidhiidh furmay. Meel uu ila soo gaadhay garanmaayo oo maskaxdaydu meel shishe ayay ku maqnayd mana aan dareemin. Waan naxay oo haddana yaabay. Wax aan sameeyo ayaan garanwaayay. Cabbaar kolkii aan fikirayay ayaan ku tashaday in aan ina-dhexyar geed agtayda ah ku sii xidho oo aan orod dib isu sii daayo. Wax Allaale wixii awood-orod igu jirtay ayaan miciinsaday oo raadkaygii dib u qabsaday. Sidaan u duulayay waxaan is idhi malaa Bureeqadii Nebiga qaadday ayaa ku sidda. Waa ka halkaa raadkiisu ku hadhay ee dhanka midig kaynta u xulay. Inta badan awrtu haddii hoggaanka loo sii daayo waxa ay mooddaa in uu dhulka ugu xidhan yahay oo hore uma dhaqaaqdo. Cabbaar buu meesha taagnaa, hasa-yeeshee, markii dambe ayuu dhanka midig u dhaqaaqay oo dhawr jeer hoggaanka isugu joogsaday. Wax aan konton tallaabo ka badnayn markii aan raadiyay ayay kayntiba isla kacday oo sanqadh argagax lehi dhegaha iga qabsatay. Waan naxay, kolkaasaan baashayda bidix daymooday, tollaay oo tollaay, ma Qalinluu sidaa u galay. Wixii indhahaygu arkeen ayaan rumaysan waayay. Libaax baa markiiba helay oo ku afuray. Waa kaa sii ordaya   

isaga oo afka iyo gommodaha daylan oo dhiiggii Qalinle ku subkaday. Cadho, naxdin iyo werwer ayaa isugu kay tegay. Afartii haamood oo laba ka mid ah biyihii ku jiray qubteen ayaan qotomiyay oo geed ku tiiriyay. Xawaarihii aan ku soo orday mid ka daran ayaa dib ugu orday si aan awrkii kale u gaadho. Alla! Alla! Tollaay oo tacabkay ba’. Maxaa helay oo legday. Ina-dhexyar markii aan ka raagay ayuu heeryadii oo gubtay iyo culeyskii ku rarnaa u dulqaadan waayay. Geedkii aan ku xidhay ayuu dhowr jeer ku wareegay oo hoggaankii isugu maray. Iska fardaami ayuu is yidhi, nasiib xumo se madaxii ayuu geedka la galay oo hore isugu dhacay. Qaarkiisii dambe iyo rarkii oo iswata ayaa qoortii dusha ka fuulay. Luqunta ayuu ka jabay. Heeryadii iyo haamihii oo jajabay ayaan ka rogay. Haan mooyee, saddexdii kale cardaadiqaha ayay noqdeen. Haantii ayaan iyadana sidii kuwii hore oo kale qotomiyay oo geed ku tiiriyay. Xawaare aan saryankuna ku ordin oo labadii horeba ka daran ayaan xaggii guriga isugu cayntaariyay. Waxa aan qorshaystay in aan reerkii awr ka soo kaxaysto oo aan saddexdan haamood ee biyaysan ku soo rarto si aan ummusha u la soo gaadho. Goor ay casar dheer tahay oo aan kambalkii reerka soo gaadhay ayaan arkay haad fara badan oo dhankii gurigu iga xigay ku wehenaya. Toloow maxaa dhacay? ma geelii buu qaar bahal helay? Mise adhigii buu weere laayay? Eebboow magantaa! Wax yar markii aan socdayba waxa aan ku baydhay meel haadku ku urursanaa. Way oo way, Goblamayeey! Ma Naalleeyaa? Kaasina ma Colaad baa? Oo kani ma Seeraar baa? Saddex innamadaydii ka mid ah ayuu halkan maydkoodi is dul yaallaa. Awrtii iyo biyihii mar qudha ayay maskaxdayda ka baxeen. Taw baan idhi oo aqalkii ummushu ku jirtay ayaan daf idhi “Naa maxaa dhacay? Sureer .. Sureer .. Sureereey. Miyaanay iyana noolayn toloow?” ayaan cod anfariirsan ku qayliyay. Goor dambe oo aan quustay ayay cod aad tacbaan u ah iyada oo carrabku qallalay igu tidhi “reerkii col baa galay oo innamadii dhammantood waa la laayay, geeliina waa la dhacay. Hablihii iyagana waa la kaxaystay. Adhigii isaga war uma hayo in uu diday iyo in la duubtay. Reerkii aniga iyo mataanahan oo aan waxba ku noolayn baa ka joogna”.

Dunidii oo dhan baa igu soo madoobaatay. Cabbaar markii aan talada faallo-rogay waxa aan go’aansaday in aan ummushan iyo labadan mataano ah meel muslim joogo ku la irkado. Labadii wiil oo mujo ah ayaan go’ ku duuduubay oo aan laabta ku qaaday, xaaskaygiina iyada oo ildaran ayay garbahayga taageeratay oo I daba jiitantay. Dirqi ayay isku dhaqaajinaysaa oo gaajo iyo harraad ayay la liidataa. Dhulku waa cidla gabaahiir ah oo laga hayaamay. Raadka dugaagga iyo duur-joogta ayaa meel walba ku tardheeyay oo dhulka korkiisa farshaxan cajiib ah ku sameeyay. Iska daa bani’aadane meel uu raadkiisu maray ma jirto. Geel-daaq markii ay ummushii I daba jiitamaysay ayay dhulka ku dhacday oo miyir-beeshay. Geed hadhkii ayaan u jiiday oo dhabtayda u barkiyay. waxoogaa ayaan hadhkii ku baxnaaniyay oo aan kolba dhan u rogay. Sidaan u eegayay ayay markii dambe sidii wax higgoonaya naqas dirqi ku soo baxay kor u soo tuurtay. Dhawr jeer kolkay hiqlaysay ayay sidii wax nafisay dhaqdhaqaaqii iyo hiqdii joojisay. Indhaheedu sidii ay cirka roob ku arkeen ayay kor eegayaan. Afkiina sidii ay dhibic biyo ahi ugu   

soo dhacayso ayay kala waaxday. Aniga oo arkaya ayay nafti ka baxday. Talo kale ma jirtee inta aan calool adaygay ayaan isu jabiyay. Maryaheedii inta aan ku duuduubay ayaan god cusub oo qarandiyi qodatay gudihiisa fiiriyay. Markii aan hubsaday in aan bahal ku jirin ayaan gurada hore maydkii dhigay. Ciiddii ay qarandidu ka soo qodday ayaan sacabbada ku xaadhay oo ku aasay. Aniga oo daallan oo baabacooyinku I murxadeen ayaan aaskii dhammeeyay. Inta aan toddoba faataxo u maray ayaan labadii mataan oo halkan go’ ku laaban qaatay oo aan socodkaygii iska sii watay. Gelin dhan markii aan lugaynayay oo labadii yaryaraana ay naftu ku sii dabo-yartahay ayuu dhul jaaqla’ ah gabbalku iigu dhacay. Jiilaashin qaboow ayaa dhacaya. Labada go’ ee aan xidhanahay iyo kan ay mataanuhu ku duuduuban yihiin ayaan wax maryo ah sitaa. Markii aan nafta u yaabay ayaan bilcil iyo sarmaan isku baxay dugsigooda gabbaadsaday oo fadhiistay. Cabbaar kolkii aan gandooday ayaan lulooday. Inta aan mataanihii legga gashaday ayaan jiifsaday. Hurdo aan geerida waxba ka sokeyn ayaan galay. Waxa aan ku war helay wax xoog weyn ee I dhuftay. “yuur … yuur … yuur. hayaay!” ayaan aniga oo sal-babakhay ku qayliyay. Tollaay oo taladay dhimatay, bal maxaan u seexday. Bahal libaax ah oo isoo raadsaday ayaa labadii mataan midkood dhufsaday oo kaynta la dhex jibaaxay. Waxoogaa ayaan daba cararay. Ma ilmo yar oo libaax cantuugay ayaa nool, mise nin hub sita ama xoog leh ayaan ahay. Go’ii ay ku duubnaayeenna wuu ku qaatay. Kii kale oo murux ah ayaan go’aygii sare u furay oo ku laalaabay. Halkii ayaan socodkaygii ka sii watay oo habeenkii oo dhan waan guuraynayay. Dhulkii uu gabbalku iigu dhacay dhul aan dhaamin ayuu waagina iigu beryay. Barqo kulul markay ahayd ayaan ceel dheer oo gudhay ku soo baxay. Guntiisa ayaan indhaha ku biniiniyay, mise wax aad biyo mooddo ayaa ku urursan oo ka dhalaalaya. Waxa meel dhow iiga muuqatay qalawo (daasad) isku qombobtay oo meesha lagu tuuray. Inta aan soo qaaday ayaan toostoosiyay. Go’ii aan guntanaa ayaan furay oo aan daasaddii ku xidhay si aan biyaha ceelka guntiisa ka muuqda u soo daro. Ceel aad u dheer ayuu ahaa oo daasaddiba guntiisii way gaadhi wayday. Go’ii ayaan kala jeexay oo aan isku daba guntay si uu xadhig dheer oo kale u noqdo. Nasiib wanaag daasaddii ayaa guntii ceelka bataq ku tidhi. Waan soo dhuftay mise go’iba wuu kala go’ay oo wax yar oo aad duluc mooddo ayaa farahaygii ku soo hadhay. Ciil waynaa, shaw wixii ceelka guntiisa ka dhalaalayay dhoobo ayay ahayd oo daasaddii ayay ku dhegtay. Aniga oo harraadkii hungo iyo hu’ la’aani ii raacday ayaan iska hulleelay. Ilmaha yar oo go’ ku duuban mooyee, anigu sidii aan ku dhashay ayaan ahay.

Casarkii gaabnaa ayaan meel fog ka halacsaday wax cad cad oo aad adhi mooddo. Wuxuu doono ha ahaadee, rejo ayaa I gashay. Wax aan soo luudaba, waan soo gaadhay. Waa adhi fara-badan oo daaqaya. Ri’dii ugu sokeeysay oo irmaanayd ayaan ku dhegay. Inta aan lugta qabtay oo hoos jiifsaday, kii yaraana hoos dhigay ayaan kolna anigu afka ku dhiijistaa, kolna ka yar afka   

ugu dhiijiyaa. Inantii adhiga la joogtay ayaa didmadii adhiga ku war heshay. Waxa ay aragtay waxan madow ee ridii haysta, inta ay soo orodday ayay qori xaabo ah oo adag dhabarka igaga dhufatay. Cabaadkii iyo jalleecadii aan kor u eegay ayay wajigayga garatay. Naxdin buu dhulku la wareegay, waa se dumare fikir degdeg ah ayaa ku dhashay. Shalmaddii ay huwanayd ayay igu soo tuurtay, wiilkii yaraana way la boodday oo la carartay. Waan yaabay! Toloow ma malaa’ig laguu soo diraybaa mise waaba malaggii? anigu ma ordi karo. kolkii ay inantu sii ordaysay ayuu dareen kale oo aan meeshaba ku jirini igu dhashay. Waa gabadh aad u qurux badan. Waan u bogay oo aan isha la sii raacay intii ay sii muuqatay oo dhan. Ka yar meesha ay doonto ha gayso’e saw adiga kuu ma dhaanto. Eebboow meel roon. Wax yar haddii aan bartii fadhiyay oo aan shalmaddii guntaday ayay laba nin oo ordayaa ii yimaaddeen. Illeen ceebi waa tan oo kale, waa seeddigay iyo soddoggay oo wada socda. Caano badhax ah iyo dhar ayay ii keeneen. Kolkaan nafisay ayaan gartay inantii ay mashaqadu naga dhex dhacday in ay dumaashiday ahayd. Waa Qadan oo xaaskaygii geeriyootay wiil u dhexeeyay. Waxa dib iigu dhashay xiise kale oo ah wanaaggii gabadha, sidii ay shalmaddeeda iigu soo tuurtay, sidii ay ilmaha yar u la naxariis-boodday iyo sidii ay ragga iigu soo dirtay. Ardaagii geela ayaa la ii geeyay. Raashin iyo shaah baa la ii keenay. Kolkaan dib u noolaaday ee ay caweyskii tahay ayaa la I waraystay. Dabadeed sidii wax u dhaceen ayaan ka warramay. Reerkii baroor iyo qaylo ayaa isku darsantay. Raggu kol murugo ayay la foorarsadaan kolna aniga iyo wiilkii yaraa ayay na eegaan. Waxa ay la yaabeen belaayada aan ka sheekaynayo iyo sida aannu uga noolnahay. Berigaas ayay belaayadu I ag martay. – “Oo haddii ay taasi ahayd belaayo ku ag martay, waa maxay belaayada ka wayn ee aad sugaysay?” ayuu Diiriye si layaab leh u weydiiyay. “Belaayadu waa marka naftaada laguugu yimaaddo ee aad geeriyooto” ayuu isaga oo aan is-dhibin ugu hal-celiyay. “Haye, kaddib maxaa dhacay?” ayuu Diiriye mar kale ku celiyay, isaga oo doonaya in uu ogaado bal waxa reerkii xididka ahaa u qabteen Bulxan. Bulxan inta uu doonyadii giijistay ayuu yidhi: “Subaxdii ayaa tacsi ballaadhan la dhigay oo qoyskaygii la axmay. Saddex toddobaad kolkii ay ka soo wareegeen ee intaa aniga niyadda la ii dhisayay ayuu habeen danbe odaygii soddogga ii ahaa go’aan aanan meeshaba ka filin gaadhay. Adeer, waa adduunyo oo wax waliba waa ay dhacaan. Ragguna waa rafaad iyo belaayo u-joog. Kolkaa waa in aad samirka ku mintiddaa. Waxa aan gartay in aan inantaydan Qadan kuu guuriyo, inanka yar ee reerkii ka soo hadhayna ay koriso oo hooyo u noqoto. Meel wax laga diido, cid wax lagu diido iyo wax la diido toona iima bannaanayn ee taladii odayga ayaan oggolaaday. Aqal wayn oo laba-deriyaale ah ayaa dhanka bari ee raaska la iiga qotomiyay. Aroos ballaadhan ayaa la ii dhigay. Xoolo kuwii la iga dhacay aan waxba ka yaraynna waa la igu xooleeyay. Halkii baan raas cusub ku unkay oo aan degay”.   

– “Musiibadaa culus ee ku soo martay maxaad waayo-aragnimo ka korodhsatay” ayuu Geelle oo goorahanba murugo la aamusnaa weydiiyay. Bulxan isaga oo aan Is dhibin ayuu ku jawaabay “Waxa aan ka korodhsaday, raggu belaayo kasta oo ku dhacda saddex arrin midkoodna ma daayo, Hurdo, Hammo iyo Hunguri. Hurdo ma daayo, oo waa tii aan habeenkii koowaad aniga oo reerkaygi rogmaday, xaaskaygiina goor dhawayd soo aasay gamay ee labadii mataanood midkood libaaxu iga qaatay, ma nin habeenkaas gama ayaan ahaa?!. Hungurina ma daayo, oo kolkii aan rida qabtay intii aanan ilmaha yar afka ugu dhiijin ayaan anigu ku hor dhiijistay, ma nin ayaantaa oomato xusuusta ayaan ahaa?!. Hammona ma daayo, oo waa tii aan inantii ilmaha iga qaadday kolkii ay sii ordaysay aan u hammooday, ma nin galabtaa hammo haween hiyigiisa gasho ayaan ahaa?!”. – “Maxaad talo ragga u soo jeedin lahayd?” ayuu Guutaale oo aan mar qudha is dhaqaajin intii sheekadu socotay si codsi ah u weydiiyay. Bulxanna isaga oo dhulka xarriiqaya ayuu ugu hal-celiyay “kollay, ragga belaayo iyo dhib waliba way soo maraysaa, waxa se loo baahan yahay in ninku marka ay musiibo ku habsato uu go’aan sax ah qaato oo midkaas uun ku calool-adaygo. In aan noloshii hore ee burburtay ka mashquulin yagleelidda nolosha cusub ama samato-bixinta wixii noloshii hore ka hadhay”. Sheekadani waa mid Soomaalidu isu tebiso, anigu se qoraal ahaan ayuun baan ku soo gudbiyay ee ma aan mala’awaalin. Si wax uga jiraan Alle og, waa se sheeko waayo-aragnimo badan xambaarsan. Alle kaama dhigo’e, haddii aad ninkan ahaan lahayd, maxaad samayn lahayd? Go’aankan uu qaatay ma qaadan lahayd mise si kale ayaad yeeli lahayd? Haddii se aad ardaagan fadhiyi lahayd oo aad sheekadan dhegaysan lahayd, maxaad weydiin lahayd?.

Aadan Daahir Cabdilaahi (Aadan Cadde)

Aadancadde28@gmail.com

Aadancadde2008@hotmail.com F-book: Aadan Cadde

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here